< Maahmaahyadii 1 >

1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
The proverbs of Solomon, the son of David, king of Israel:
2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,
to know wisdom and instruction; to discern the words of understanding;
3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
to receive instruction in wise dealing, in righteousness, justice, and equity;
4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
to give prudence to the simple, knowledge and discretion to the young man—
5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
that the wise man may hear, and increase in learning; that the man of understanding may attain to sound counsel;
6 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
to understand a proverb and parables, the words and riddles of the wise.
7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
The fear of the LORD is the beginning of knowledge, but the foolish despise wisdom and instruction.
8 Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
My son, listen to your father’s instruction, and don’t forsake your mother’s teaching;
9 Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
for they will be a garland to grace your head, and chains around your neck.
10 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.
My son, if sinners entice you, don’t consent.
11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
If they say, “Come with us. Let’s lie in wait for blood. Let’s lurk secretly for the innocent without cause.
12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca; (Sheol h7585)
Let’s swallow them up alive like Sheol, and whole, like those who go down into the pit. (Sheol h7585)
13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
We’ll find all valuable wealth. We’ll fill our houses with plunder.
14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
You shall cast your lot among us. We’ll all have one purse”—
15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
my son, don’t walk on the path with them. Keep your foot from their path,
16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
for their feet run to evil. They hurry to shed blood.
17 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
For the net is spread in vain in the sight of any bird;
18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
but these lay in wait for their own blood. They lurk secretly for their own lives.
19 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh.
So are the ways of everyone who is greedy for gain. It takes away the life of its owners.
20 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
Wisdom calls aloud in the street. She utters her voice in the public squares.
21 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn; Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
She calls at the head of noisy places. At the entrance of the city gates, she utters her words:
22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
“How long, you simple ones, will you love simplicity? How long will mockers delight themselves in mockery, and fools hate knowledge?
23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
Turn at my reproof. Behold, I will pour out my spirit on you. I will make known my words to you.
24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
Because I have called, and you have refused; I have stretched out my hand, and no one has paid attention;
25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
but you have ignored all my counsel, and wanted none of my reproof;
26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
I also will laugh at your disaster. I will mock when calamity overtakes you,
27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
when calamity overtakes you like a storm, when your disaster comes on like a whirlwind, when distress and anguish come on you.
28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
Then they will call on me, but I will not answer. They will seek me diligently, but they will not find me,
29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
because they hated knowledge, and didn’t choose the fear of the LORD.
30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
They wanted none of my counsel. They despised all my reproof.
31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
Therefore they will eat of the fruit of their own way, and be filled with their own schemes.
32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
For the backsliding of the simple will kill them. The careless ease of fools will destroy them.
33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.
But whoever listens to me will dwell securely, and will be at ease, without fear of harm.”

< Maahmaahyadii 1 >