< Maahmaahyadii 15 >

1 Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
A gentle answer turns away wrath, but a harsh word stirs up anger.
2 Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
The tongue of the wise commends knowledge, but the mouths of fools gush out folly.
3 Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
The LORD’s eyes are everywhere, keeping watch on the evil and the good.
4 Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.
A gentle tongue is a tree of life, but deceit in it crushes the spirit.
5 Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
A fool despises his father’s correction, but he who heeds reproof shows prudence.
6 Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.
In the house of the righteous is much treasure, but the income of the wicked brings trouble.
7 Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.
The lips of the wise spread knowledge; not so with the heart of fools.
8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
The sacrifice made by the wicked is an abomination to the LORD, but the prayer of the upright is his delight.
9 Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
The way of the wicked is an abomination to the LORD, but he loves him who follows after righteousness.
10 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
There is stern discipline for one who forsakes the way. Whoever hates reproof shall die.
11 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga? (Sheol h7585)
Sheol and Abaddon are before the LORD— how much more then the hearts of the children of men! (Sheol h7585)
12 Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
A scoffer doesn’t love to be reproved; he will not go to the wise.
13 Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
A glad heart makes a cheerful face, but an aching heart breaks the spirit.
14 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
The heart of one who has understanding seeks knowledge, but the mouths of fools feed on folly.
15 Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
All the days of the afflicted are wretched, but one who has a cheerful heart enjoys a continual feast.
16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
Better is little, with the fear of the LORD, than great treasure with trouble.
17 Cunto khudaareed oo jacayl la jiro Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.
Better is a dinner of herbs, where love is, than a fattened calf with hatred.
18 Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
A wrathful man stirs up contention, but one who is slow to anger appeases strife.
19 Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.
The way of the sluggard is like a thorn patch, but the path of the upright is a highway.
20 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
A wise son makes a father glad, but a foolish man despises his mother.
21 Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
Folly is joy to one who is void of wisdom, but a man of understanding keeps his way straight.
22 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
Where there is no counsel, plans fail; but in a multitude of counselors they are established.
23 Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!
Joy comes to a man with the reply of his mouth. How good is a word at the right time!
24 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose. (Sheol h7585)
The path of life leads upward for the wise, to keep him from going downward to Sheol. (Sheol h7585)
25 Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
The LORD will uproot the house of the proud, but he will keep the widow’s borders intact.
26 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
The LORD detests the thoughts of the wicked, but the thoughts of the pure are pleasing.
27 Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
He who is greedy for gain troubles his own house, but he who hates bribes will live.
28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
The heart of the righteous weighs answers, but the mouth of the wicked gushes out evil.
29 Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
The LORD is far from the wicked, but he hears the prayer of the righteous.
30 Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
The light of the eyes rejoices the heart. Good news gives health to the bones.
31 Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
The ear that listens to reproof lives, and will be at home among the wise.
32 Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
He who refuses correction despises his own soul, but he who listens to reproof gets understanding.
33 Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.
The fear of the LORD teaches wisdom. Before honor is humility.

< Maahmaahyadii 15 >