< Filiboy 4 >

1 Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jeclahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo taajkayga. Gacaliyayaalow, xagga Rabbiga saas ugu xoogaysta.
Therefore, my brethren, beloved and longed for, my joy and crown, so stand fast in the Lord, beloved.
2 Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.
I exhort Euodia, and I exhort Syntyche, that they be of the same mind in the Lord;
3 Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis.
yea, I entreat thee also, true yoke-fellow, give them aid; since they labored with me in the gospel, with Clement also, and the rest of my fellow-laborers, whose names are in the book of life.
4 Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.
Rejoice in the Lord always; again I will say it, rejoice.
5 Qabownimadiinna dadka oo dhammu ha ogaado, waayo, Rabbigu waa soo dhow yahay.
Let your moderation be known to all men. The Lord is at hand.
6 Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.
Be anxious about nothing, but in everything by prayer and supplication with thanksgiving let your requests be made known to God;
7 Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.
and the peace of God, which passeth all understanding, will keep your hearts and your minds in Christ Jesus.
8 Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada.
Finally, brethren, whatever things are true, whatever things are honorable, whatever things are right, whatever things are pure, whatever things are lovely, whatever things are of good report, if there be any virtue, and if there be any praise, think on these things.
9 Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.
The things which ye learned, and received, and heard, and saw in me, these do; and the God of peace will be with you.
10 Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.
But I rejoiced in the Lord greatly, that now at length ye have revived again in your care for my welfare; for which indeed ye cared before, but lacked opportunity.
11 Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro.
Not that I speak on account of want; for I have learned, in whatever state I am, therewith to be content.
12 Waxaan aqaan saboolnimada, oo weliba waxaan aqaanna barwaaqada. Meel kasta iyo wax walba waxaan ku bartay dhergidda iyo gaajadaba, barwaaqada iyo baahidaba.
I know how to be abased, and I know also how to abound; in every thing and in all things I have been well taught, both to be full and to be hungry, both to abound and to be in want;
13 Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.
I can do all things in him who strengtheneth me.
14 Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.
Notwithstanding, ye did well in sharing with me in my distress.
15 Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.
And ye yourselves also know, Philippians, that in the beginning of the gospel, when I went forth from Macedonia, no church communicated with me in an account of giving and receiving, but ye only;
16 Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa.
for even in Thessalonica ye sent once and again to my necessity.
17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya.
Not that I seek for such a gift, but I do seek for fruit that may abound to your account.
18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
But I have all, and abound; I am full, having received from Epaphroditus what was sent from you, a sweet odor, a sacrifice acceptable, well-pleasing to God.
19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
But my God will supply all your need according to his riches in glory, in Christ Jesus.
20 Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn g165)
Now to God, our Father, be glory for ever. Amen. (aiōn g165)
21 Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.
Salute every saint in Christ Jesus. The brethren who are with me salute you.
22 Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
All the saints salute you, but especially they who are of Caesar's household.
23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.
The grace of the Lord Jesus Christ be with your spirit.

< Filiboy 4 >