< Filemon 1 >

1 Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,
為基督耶穌被囚的保羅,同兄弟提摩太寫信給我們所親愛的同工腓利門,
2 iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.
和妹子亞腓亞並與我們同當兵的亞基布,以及在你家的教會。
3 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
願恩惠、平安從上帝我們的父和主耶穌基督歸與你們!
4 Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahadnaqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,
我禱告的時候提到你,常為你感謝我的上帝;
5 waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.
因聽說你的愛心並你向主耶穌和眾聖徒的信心。
6 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.
願你與人所同有的信心顯出功效,使人知道你們各樣善事都是為基督做的。
7 Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
兄弟啊,我為你的愛心,大有快樂,大得安慰,因眾聖徒的心從你得了暢快。
8 Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
我雖然靠着基督能放膽吩咐你合宜的事,
9 haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
然而像我這有年紀的保羅,現在又是為基督耶穌被囚的,寧可憑着愛心求你,
10 Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,
就是為我在捆鎖中所生的兒子阿尼西謀求你。
11 kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.
他從前與你沒有益處,但如今與你我都有益處。
12 Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
我現在打發他親自回你那裏去;他是我心上的人。
13 Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.
我本來有意將他留下,在我為福音所受的捆鎖中替你伺候我。
14 Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.
但不知道你的意思,我就不願意這樣行,叫你的善行不是出於勉強,乃是出於甘心。
15 Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid; (aiōnios g166)
他暫時離開你,或者是叫你永遠得着他, (aiōnios g166)
16 laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.
不再是奴僕,乃是高過奴僕,是親愛的兄弟。在我實在是如此,何況在你呢!這也不拘是按肉體說,是按主說。
17 Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.
你若以我為同伴,就收納他,如同收納我一樣。
18 Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab.
他若虧負你,或欠你甚麼,都歸在我的帳上;
19 Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.
我必償還,這是我-保羅親筆寫的。我並不用對你說,連你自己也是虧欠於我。
20 Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.
兄弟啊,望你使我在主裏因你得快樂,並望你使我的心在基督裏得暢快。
21 Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
我寫信給你,深信你必順服,知道你所要行的必過於我所說的。
22 Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.
此外你還要給我預備住處;因為我盼望藉着你們的禱告,必蒙恩到你們那裏去。
23 Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,
為基督耶穌與我同坐監的以巴弗問你安。
24 iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.
與我同工的馬可、亞里達古、底馬、路加也都問你安。
25 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
願我們主耶穌基督的恩常在你的心裏。阿們!

< Filemon 1 >