< Tirintii 16 >

1 Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay, 2 oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa. 3 Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan? 4 Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay. 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa. 6 Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo, 7 oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow. 8 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow. 9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan, 10 iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada? 11 Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan? 12 Markaasaa Muuse u cid diray Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, oo iyana waxay yidhaahdeen, Iman mayno. 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid? 14 Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno. 15 Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin. 16 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba. 17 Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata. 18 Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka. 19 Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga. 20 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 21 Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. 22 Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa? 23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam. 25 Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen. 26 Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine. 27 Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba. 28 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn. 29 Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin. 30 Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen. (Sheol h7585) 31 Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay, 32 oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan. 33 Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen. (Sheol h7585) 34 Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa. 35 Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey. 36 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 37 La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus. 38 Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan. 39 Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay, 40 inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse. 41 Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen. 42 Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii. 43 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda. 44 Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 45 Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen. 46 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay. 47 Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday. 48 Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay. 49 Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax. 50 Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.

< Tirintii 16 >