< Tirintii 1 >

1 Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, isagoo ku jira teendhadii shirka, bishii labaad maalinteedii kowaad, oo ah sannaddii labaad oo ay dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
Mungu alimwambia Musa katika hema ya kukutania walipokuwa katika jangwa la Sinai. Hii ilitokea katika siku ya kwanza ya mwezi wa pili miaka miwili baadaya Waisraeli kutoka nchi ya Misri. Mungu alisema,
2 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.
'fanya sensa ya wanaume wote wa Israel kutoka kila ukoo, katika familia za baba zao. Wahesabu kwa majina, wahesabu kila mume, kila mwanamume
3 Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.
kuanzia umri a miaka ishirini na zaidi. Uwahesabu wote wanaoweza kupigana kama askari wa Israel. Wewe na Haruni mtaandika idadi ya wanaume katika makundi ya majeshi yao.
4 Oo waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah.
Kila mwanamume kwa kila kabila, kichwa cha ukoo, lazima atumike na wewe kama kiongozi wa kabila.
5 Oo nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur.
Haya ndiyo majina ya viongozi ambao watapigana pamoja na wewe: Kutoka kabila la Reubeni, Elizuri mwana wa Shedeuri;
6 Reer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday.
kutoka kabila la Simeoni, Shelumiel mwana wa Zurishadai
7 Reer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.
Kutoka kabila la Yuda, Nashoni mwana wa Aminadabu;
8 Reer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.
Ktoka kabila la Isakari, Nethaneli mwana wa Zuari;
9 Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.
kutoka kabila Zebuluni, Eliabu mwana wa Heloni
10 Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
kutoka kabila la Efraimu mwana wa Yusufu, Elishama mwana wa Ammihudi; kutoka kabila la Manase, Gamaliel mwan wa Pedazuri;
11 Oo reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii.
kutoka kabila la Benjamini mwana wa Ysufu, Abidani mwan wa Gidion;
12 Oo reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.
Kutoka kabila la Dan, Ahizeri mwana wa Amishadai;
13 Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.
kutoka kabila Asheri, Pagieli mwana wa Okirani;
14 Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
kutoka kabila la Gadi, Eliasafu mwana wa Deuli;
15 Oo reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.
na kutoka kabila la Naftali, Ahira mwana wa Enani.”
16 Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.
Hawa ndio wanaume waliochaguliwa kutoka kwa watu. Waliongoza kabila za mababu zao. Walikuwa viongozi wa koo katika Israel.
17 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,
Musa na Haruni wakawachukua wale wanaume, waliokuwa wameandikwa kwa majina,
18 oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.
na pamoja na wanaume hao waliwakusanya wanume wote katika siku ya kwanza ya mwezi wa pili. Kisha kila mwanume wa miaka ishirini na zaidi alitambua babu zake. Alitakiwa kutaja koo na famila kutoka katika ukoo.
19 Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.
Kisha Musa akaandika hesabu yao huko katika nyika ya Sinai, Kama Mungu alivyokuwa amemwamuru kufanya.
20 Oo reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Reubeni, mtoto wa kwanza wa Israel, yalihesabiwa majina yote ya kila mwanamume mwenye umri wa miaka ishirini na zaidi wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka hesabu ya ukoo na familia.
21 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
Waliwahesabu wanaume 46, 000 kutoka ukoo wa Reubeni.
22 Oo reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Simeoni yalihesabiwa majina yote ya kila mwanamume mwenye umri wa miaka ishirini na zaidi au wenye uwezo wa kwenda vitani, kutokana na hesabu ya ukoo na familia.
23 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
Walihesabu wanaume 59, 300 kutoka kabila la Simeoni.
24 Oo reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Gadi yalihesabiwa majina yote ya kila mwanamume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
25 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
Walihesabu wanaume 45, 650 kutoka kabila la Gadi.
26 Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Yuda yalihesabiwa majina yote ya wanaume wenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
27 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
walihesabiwa wanume 74, 000 kutoka kabila la Yuda.
28 Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Isakari yalihesabiwa majina yote ya kila mwanamume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
29 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.
Walihesabiwa wanaume 54, 000 kutoka kabila la Isakari.
30 Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Zabuloni yalihesabiwa majina yote ya kila mwanamume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
31 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
Walihesabiwa wanume 57, 400 kutoka kabila la Zabuloni.
32 Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Efraimu mwana wa Yusufu yalihesabiwa majina yote ya kila mwanaume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
33 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
Walihesabiwa wanaume 40, 500 kutoka kabila la Efraimu.
34 Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Manase mwana wa Yusufu yaliheabiwa majina yote ya kila mwanaume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu y a ukoo na familia.
35 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
Walihesabiwa wanaume 32, 000 kutoka kabila la Manase.
36 Oo reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Benjamini yalihesabiwa majina yote ya kila mwanaume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na wenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
37 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
Walihesabiwa wanaume 35, 000 kutoka kabila la Benjamini.
38 Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Dani yalihesabiwa majina yote ya kila mwanaume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na mwenye uwezo wa kwenda vitani, Kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
39 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
Walihesabiwa wanaume 62, 000 kutoka kabila la Dani.
40 Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka uzao wa Asheri yalihesabiwa majina yote ya kila mwanume mwenye umri wa miaka ishirini au zadi na mwenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu y a ukoo na familia.
41 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.
Walihesabiwa wanaume 41, 500 kutoka ukoo wa Asheri.
42 Oo reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Kutoka ukoo wa Naftali yalihesabiwa majina yote ya kila mwanaume mwenye umri wa miaka ishirini au zaidi na mwenye uwezo wa kwenda vitani, kutoka kwenye hesabu ya ukoo na familia.
43 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Naftaali waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
Walihesabiwa wanaume 53, 400 kutoka kabila la Naftari
44 Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.
Musa na Haruni waliwahesabu wanaume wote hawa, pamoja na wale wanaume kumi na wawili waliokuwa wakiongoza yale makabila kumi na mawili ya Israeli.
45 Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,
Kwa hiyo wanaume wote wa Israeli wenye umri wa miak ishirini au zaidi, wote wenye uwezo wa kwenda vitani, walihesabiwa kutoka kwenye familia zao.
46 xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.
Walihesabu wanaume 603, 550.
47 Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.
Lakini wanaume toka uzao wa Lawi hawakuhesabiwa,
48 Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
Kwa sababu BWANA alimwambia Musa,
49 Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,
“usiwahesabu wale wa kabila la Lawi wala kuwajumuisha kwenye jumla ya watu wa Israeli.
50 laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.
Badala yake, waagize Walawi kuliangalia hema la amri za agano, na kuangalia mapambo ya hema na vyote vilivyomo. Walawi watalazimika kulibeba hema na lazima wayabebe mapambo ya hema. Lazima waliangalie hema na kuyatengeneza mazingira yake. Wataiangalia masikani na kuzitengeneza kambi zinazolizunguka.
51 Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
Kila hema litakapotakiwa kuhamishiwa eneo jingine, Walawi ndio watakaolipeleka pale. Na kila hema litakapotakiwa kusimamishwa, Walawi ndio watakao lisimamisha. Na mgeni yeyote atakayelisogelea hema lazima auawe.
52 Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.
Wakati watu wa Israeli watakaposimamisha hema zao, kila mwanaume lazima awe karibu na bango la jeshi lake.
53 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.
Hata hivyo Walawi lazima waweke hema zao kuizunguka hiyo masikani ya amri za agano ili kwamba hasira yangu isije ikawaka juu ya wana wa Israeli. Walawi lazima wailinde hiyo masikani ya amri za agano.”
54 Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.
Wana wa Israeli walifanya yote haya. Walifanya yote ambayo BWANA aliagiza kupitia Musa.

< Tirintii 1 >