< Miikaah 6 >

1 Haddaba maqla waxa Rabbigu leeyahay, Sara joogsada, dacwaddiinna buuraha ku hor sheegta, oo kuruhuna codkiinna ha maqleen.
Écoutez donc la parole: Le Seigneur, le Seigneur a dit: Lève-toi, annonce le jugement aux montagnes, et que les collines entendent ta voix!
2 Buuraha iyo dhulka aasaasyadiisa warayow, Rabbiga dacwaddiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadkiisa, oo wuxuu la muddici doonaa dadka Israa'iil.
Écoutez, montagnes, le jugement du Seigneur, et vous aussi, vallées, fondements de la terre; car le Seigneur vient en jugement devant Son peuple, et Il plaidera avec Israël.
3 Dadkaygiiyow, bal maxaan idinku sameeyey? Maxaanse idinku daaliyey? Haddaba bal igu markhaatifura.
Mon peuple, que t'ai-Je fait? En quoi t'ai-Je contristé? En qui t'ai-Je déplu? Réponds-Moi.
4 Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.
Est-ce parce que Je t'ai fait sortir de la terre d'Égypte, que Je t'ai affranchi de la maison de servitude, et que J'ai envoyé devant toi Moïse, Aaron et Marie?
5 Dadkaygiiyow, bal haatan soo xusuusta wixii uu Baalaaq oo ahaa boqorkii Moo'aab ku tashaday, iyo wixii u Balcaam ina Becoor ugu jawaabay, bal soo xusuusta wixii dhacay tan iyo Shitiim iyo ilaa Gilgaal, si aad ku ogaataan falimaha xaqa ah ee Rabbiga.
Mon peuple, souviens-toi donc de ce qu'a médité contre toi Balac, roi de Moab, et de la réponse que lui a rapportée Balaam, fils de Béor, depuis Sétim jusqu'à Galgala, afin que l'on connût la justice du Seigneur.
6 Bal maxaan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Oo sidee baan Ilaaha sare ugu hor sujuudaa? Ma qurbaanno la gubo baan Rabbiga hortiisa la imaadaa? Ma weylo gu jira baan la imaadaa?
Comment prendrai-je le Seigneur? Comment serai-je agréable à mon Dieu très-haut? Le prendrai-je par des holocaustes, par des veaux d'un an?
7 Rabbigu ma ku farxaa kumanyaal wanan, amase toban kun oo webi oo saliid ah? Xadgudubkayga aawadiis miyaan curadkayga u bixiyaa? Dembigii naftaydase ma midhaha jidhkaygaan u bixiyaa?
Le Seigneur accueillera-t-Il des milliers de béliers, des myriades de chèvres grasses? Donnerai-je, pour mes impiétés, les premiers-nés de mes troupeaux, et, pour les péchés de mon âme, le fruit de mes entrailles?
8 Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?
Ô homme, faut-il te dire ce qui est bon? Est-ce que le Seigneur demande de toi quelque chose, sinon que tu pratiques la justice, que tu aimes la miséricorde, et que tu sois prêt à cheminer avec le Seigneur ton Dieu?
9 Codkii Rabbigu magaalada buu u qaylinayaa, oo ninkii xigmad lahu magacaaga buu ka cabsan doonaa. Idinku usha maqla iyo kan soo dirayba.
La voix du Seigneur sera invoquée dans la ville, et sauvera ceux qui craignent Son Nom. Écoute, tribu: Qui donc mettra l'ordre en ta cité?
10 Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?
Est-ce le feu? Est-ce la maison de l'impie amassant des trésors iniques, avec une insolente impiété?
11 Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?
Sera-t-il absous, l'homme injuste avec ses fausses balances et ses faux poids en un sac?
12 Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.
Car c'est ainsi que ceux qui demeurent dans la ville ont amassé leurs richesses impies; et ils ne disent que des mensonges, et dans leur bouche leur langue s'est enorgueillie.
13 Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.
Et Moi Je commencerai par te frapper, et Je t'effacerai à cause de tes crimes.
14 Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.
Tu mangeras, et ne seras point rassasié, et il y aura sur toi des ténèbres; et le Seigneur Se détournera; tu ne seras point sauvée; et ceux qui échapperont seront livrés au glaive.
15 Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.
Tu sèmeras et ne moissonneras pas; tu pressureras l'olive, et tu ne seras pas oint de son huile; tu pressureras la grappe, et tu n'en boiras pas le vin; et les lois de Mon peuple seront abolies.
16 Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.
Car tu as gardé les ordonnances de Zambri, et toutes les œuvres de la maison d'Achab; et tu as marché dans toutes leurs voies, pour que Je te livre, toi, à la destruction et aux sifflets de tes habitants; et vous recueillerez les opprobres des peuples.

< Miikaah 6 >