< Matayos 17 >

1 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.
Bayan kwana shida Yesu ya dauki Bitrus da Yakubu, da Yahaya dan'uwansa, ya kai su kan wani dutse mai tsawo su kadai.
2 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.
Kamanninsa ya canja a gabansu. Fuskarsa ta haskaka kamar rana, kuma rigunansa suka yi kyalli fal.
3 Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.
Sai ga Musa da Iliya sun bayyana garesu suna magana da shi.
4 Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
Bitrus ya amsa ya ce wa Yesu, “Ubangiji, ya yi kyau da muke a wurin nan. In kana so, zan yi bukkoki uku daya dominka, daya domin Musa, daya domin Iliya.”
5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.
Sa'adda yake cikin magana, sai, girgije mai haske ya rufe su, sai murya daga girgijen, tana cewa, “Wannan kaunattacen Dana ne, shi ne wanda yake faranta mani zuciya. Ku saurare shi.”
6 Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.
Da almajiran suka ji haka, suka fadi da fuskokinsu a kasa, saboda sun tsorata.
7 Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.
Sai Yesu ya zo ya taba su ya ce, “Ku tashi, kada ku ji tsoro.”
8 Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.
Amma da suka daga kai ba su ga kowa ba sai Yesu kadai.
9 Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
Yayin da suke saukowa daga dutsen, Yesu ya umarce su, ya ce, “Kada ku fadawa kowa wannan wahayin, sai Dan Mutum ya tashi daga matattu.”
10 Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?
Almajiransa suka tambaye shi, suka ce, “Don me marubuta ke cewa lallai ne Iliya ya fara zuwa?”
11 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa.
Yesu ya amsa ya ce, “Hakika, Iliya zai zo ya maido da dukan abubuwa.
12 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga.
Amma ina gaya maku, Iliya ya riga ya zo, amma ba su gane shi ba. A maimakon haka, suka yi masa abin da suka ga dama. Ta irin wanan hanya, Dan Mutum kuma zai sha wuya a hannunsu.
13 Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.
Sa'annan almajiransa suka fahimci cewa yana yi masu magana a kan Yahaya mai Baftisma ne.
14 Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,
Da suka iso wurin taron, wani mutum ya zo gunsa, ya durkusa a gaban sa, ya ce,
15 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,
“Ubangiji, ka ji tausayin yarona, domin yana da farfadiya, kuma yana shan wuya kwarai, domin sau da yawa yana fadawa cikin wuta ko ruwa.
16 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.
Na kawo shi wurin almajiran ka, amma ba su iya su warkar da shi ba.”
17 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.
Yesu ya amsa ya ce, “Marasa bangaskiya da karkataccen zamani, har yaushe zan kasance tare da ku? Har yaushe zan jure da ku? Ku kawo shi nan a wurina.”
18 Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.
Yesu ya tsauta masa, sai aljanin ya fita daga cikinsa. Yaron ya warke nan take.
19 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
Sai almajiran suka zo wurin Yesu a asirce suka ce, “Me ya sa muka kasa fitar da shi?”
20 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
Yesu ya ce masu, “Saboda karancin bangaskiyarku. Domin hakika, ina gaya maku, in kuna da bangaskiya ko da kamar kwayar mastad, za ku ce wa wannan dutse, 'Matsa daga nan ka koma can,' zai kuwa matsa kuma ba abin da zai gagare ku.
21 Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
[Irin wannan aljanin bashi fita sai tare da addu'a da azumi].
22 Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.
Suna zaune a Galili, Yesu ya ce wa almajiransa, “Za a bada Dan Mutum ga hannun mutane.
23 Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
Kuma za su kashe shi, a rana ta uku zai tashi.” Sai almajiransa suka yi bakin ciki kwarai.
24 Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo?
Da suka iso Kafarnahum, mutane masu karbar haraji na rabin shekel suka zo wurin Bitrus suka ce, “Malaminku na ba da rabin shekel na haraji?”
25 Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha?
Sai ya ce, “I.” Amma da Bitrus ya shiga cikin gida, Yesu ya fara magana da shi yace, “Menene tunaninka Saminu? Sarakunan duniya, daga wurin wa suke karbar haraji ko kudin fito? Daga talakawansu ko daga wurin baki?”
26 Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin.
Sai Bitrus ya ce, “Daga wurin baki,” Yesu ya ce masa, “Wato an dauke wa talakawansu biya kenan.
27 Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
Amma don kada mu sa masu karbar harajin su yi zunubi, ka je teku, ka jefa kugiya, ka cire kifin da ya fara zuwa. Idan ka bude bakinsa, za ka sami shekel. Ka dauke shi ka ba masu karbar harajin nawa da naka.

< Matayos 17 >