< Markos 5 >

1 Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni.
Da su ka zo daya ketaren tekun, wanda ya ke cikin yankin Garasinawa.
2 Goortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka soo baxay oo jinni wasakh leh qaba.
Sa'adda Yesu ya sauko daga cikin jirgin ruwan sai wani mutum mai aljanu ya fito daga cikin kaburbura ya tarbe shi.
3 Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin.
Mutumin yana zama a cikin kaburbura. An daure shi da sarkoki da mari
4 Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.
An daure shi da sarkoki da mari sau da yawa, amma ya tsuntsunke sarkoki da marin. har ma ba wanda zai iya daure shi kuma.
5 Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.
Dare da rana a cikin kabarbarun da duwatsu mutumin ya na ihu ya na yaiyage jikinsa da duwatsu masu kaifi.
6 Laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday.
Sa'adda ya hango Yesu daga nesa, sai ya tarbi Yesu ya durkusa a gabansa.
7 Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.
Ya tada muryarsa da karfi ya ce, ina ruwa na da kai? Yesu Dan Allah Madaukaki Ina rokon ka da sunan Allah kada ka bani wahala,
8 Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.
Gama Yesu ya ce masa kai aljani ka fito daga cikinsa.”
9 Markaasuu weyddiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay.
Ya tambaye shi, “Yaya sunanka? Ya ce suna na tari gama muna da yawa.
10 Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.
Ya yi ta rokonsa kada ya raba su da wannan yankin kasar.
11 Buurta sinteedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa.
Akwai babban garken aladu a wurin suna kiwo a gindin tsauni.
12 Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno.
Sai suka roke shi ya bar su su shiga cikin wadannan aladun.
13 Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen, oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.
Shi kuma ya yardar masu. Aljanun suka fita suka shiga cikin aladun su kimanin dubu biyu. Aladun dubu biyu suka gangaro daga gindin tsaunin suka fada cikin ruwa.
14 Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay.
Mutanen da ke kiwon aladun su ka shiga cikin gari da kewaye suka bada labarin abin da ya faru. Mutane da yawa suka je su ga abin da ya faru
15 Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.
Sai suka zo wurin Yesu suka ga mutumin mai aljanun a zaune, cikin hankalinsa, saye da tufafi, sai suka tsorata.
16 Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.
Wadanda suka zo su ka ga abin da ya faru da mutumin mai aljanun, suka je suka fada wa mutane abin da suka gani game da aladun.
17 Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.
Mutanen suka roke shi ya fita daga yankin kasarsu.
18 Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.
Shi mutumin da aljanu ke iko da shi, sa'adda ya ga Yesu zai shiga cikin jirgin ruwa ya tafi, ya roki Yesu da ya bi shi.
19 Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.
Amma Yesu bai yarda masa ba. Ya ce masa ka tafi gidanku, wurin mutanenka ka gaya ma su alherin da Ubangiji ya yi maka.
20 Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.
Mutumin ya shiga cikin Dikafolis yana shaidar babban abin da Yesu ya yi masa, dukansu suka cika da mamaki.
21 Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay.
Sa'adda Yesu ya sake ketaren kogin zuwa daya gefen, acikin jirgin, sai taron jama'a suka keweye shi, a gefen tekun.
22 Waxaa u yimid taliyayaasha sunagogga midkood ee Yayros la odhan jiray, oo markuu arkay, cagihiisa ayuu isku riday,
Sai wani daya daga cikin shugabannin Majami'a mai suna Yayirus, ya zo, wurinsa sa'adda ya ganshi ya durkusa a gabansa.
23 oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.
Ya yi ta rokonsa, yana cewa, “Diya ta ba ta da lafiya har ma ta kusa mutuwa. Ina rokonka mu je gida na ka dora ma ta hannu domin ta warke. ta rayu.”
24 Markaasaa Ciise raacay, dad faro badanna waa la socday, wayna cidhiidhiyeen.
Sai ya tafi tare da shi, babban taro suka biyo shi har ma suna matse shi.
25 Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.
Akwai wata mace wadda ta ke zubar jini ta kai tsawon shekara goma sha biyu.
26 Silec badanna ayay dhakhtarro badan ka heshay, oo wixii ay lahayd oo dhanna ayay ku bixisay, mana roonaanin laakiinse way ka sii dartay.
Ta sha wahala kwarai da gaske ta je wurin likitoci da yawa ta kashe kudi sosai, amma ba ta warke ba abin ma sai karuwa ya ke yi.
27 Markay Ciise warkiisa maqashay ayay dadkii soo dhex martay oo dhabarkiisa timid, markaasay maradiisa taabatay.
Ta ji labarin Yesu. Sai ta biyo bayansa yana tafiya cikin taro, ta taba habar rigarsa.
28 Waayo, waxay tidhi, Haddaan dharkiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
Domin ta ce “Idan dai na taba ko da habar rigarsa zan warke.”
29 Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.
Da dai ta taba shi sai zubar jinin ta ta tsaya, ta ji a jikin ta ta warke, daga damuwarta.
30 Ciise kolkiiba wuxuu iska gartay in xoog ka baxay isagii, oo intuu cidhiidhiga ku soo jeestay ayuu yidhi, Yaa dharkayga taabtay?
Nan da nan, Yesu ya ji iko ya fita daga gare shi sai ya ce “wanene ya taba rigata?”
31 Xertiisii ayaa ku tidhi, Adigu waad aragtaa dadka badan oo ku cidhiidhinaya. Ma waxaad na leedahay, Yaa i taabtay?
Almajiransa suka ce, “a cikin wannan taron mutane da yawa ka ce wanene ya taba ni?”
32 Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.
Amma Yesu ya waiga ya ga ko wanene ya taba shi.
33 Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay.
Matar ta san abin da ya faru sai ta zo cikin tsoro da rawar jiki ta durkusa a gaban Yesu ta fada masa gaskiya.
34 Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhay, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Nabad ku tag, cudurkaagiina ka bogso.
Sai ya ce da ita, “Diya bangaskiyarki ta warkar da ke, ki tafi lafiya kin sami warkewa daga cutarki”.
35 Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?
Sa'adda ya ke magana da ita sai ga mutane daga gidan shugaban majami'a suka ce “Diyarka ta mutu me ya sa za ka dami malam?”
36 Mar alla markuu Ciise maqlay hadalka lagu hadlay, wuxuu taliyaha sunagogga ku yidhi, Ha baqin ee iska rumayso.
Amma sa'adda Yesu ya ji abin da suka ce, sai ya ce da shugaban majami'ar, “kada ka ji tsoro ka ba da gaskiya kawai.”
37 Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.
Bai bari kowa ya kasance tare da shi ba sai Bitrus da Yakubu da Yahaya dan'uwan Yakubu.
38 Kolkaasuu yimid gurigii taliyaha sunagogga, oo wuxuu arkay buuqa iyo kuwa ooyaya oo aad u barooranaya.
Suka zo gidan shugaban majami'ar ya ga mutane suna bakin ciki, suna kuka sosai.
39 Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.
Sa'adda ya shiga gidan ya ce da mutane “Me ya sa kuke damuwa da kuka?” Yarinyar ba ta mutu ba barci ta ke yi.
40 Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay.
Sai su kayi masa dariya. Amma ya fitar da su waje su duka. Ya kira baban yarinyar da mamar ta da wadansu da ke tare da shi su ka shiga wurin da yarinyar ta ke.
41 Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac.
Ya kama hannun yarinyar ya ce da ita “Tilatha koum” wato yarinya na ce ki tashi”
42 Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.
Nan da nan yarinyar ta tashi ta yi tafiya [gama shekarun ta sun kai goma sha biyu]. Nan da nan mutanen suka yi mamaki kwarai da gaske.
43 Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.
Ya ummurce su da gaske kada kowa ya sani. Ya ce da su su ba ta abinci ta ci.

< Markos 5 >