< Markos 16 >

1 Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.
Bayan ranar assabaci, Maryamu Magadaliya da Maryamu uwar Yakubu da Salomi, suka sayo man shafawa mai kamshi domin shafe jikin Yesu saboda jana'iza.
2 Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.
Da safiyar ranar farko ta mako sai suka tafi kabarin a dai dai fitowar rana.
3 Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?
Suna magana a tsakaninsu suna cewa, wanene zai gangarar da dutsen da aka rufe bakin kabarin da shi?”
4 Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.
Da suka daga ido, sai suka ga an riga an gangarar da dutsen, domin yana da girma.
5 Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.
Da suka shiga cikin kabarin sai ga wani saurayi saye da farar tufa, yana zaune a hannun dama, suna mamaki.
6 Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.
Sai ya ce masu, “Kada ku ji tsoro. Kuna neman Yesu banazare, wanda aka giciye. Ya tashi! Baya nan. Ku duba wurin da aka kwantar dashi.
7 Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.
Sai ku je, ku gaya wa almajiransa da Bitrus cewa ya rigaya ya yi gabanku zuwa Galili. A can zaku ganshi, kamar yadda ya fada maku.”
8 Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.
Suka fita daga cikin kabarin da gudu suna rawar jiki da mamaki, ba su cewa kowa komai ba domin suna jin tsoro.
9 (note: The most reliable and earliest manuscripts do not include Mark 16:9-20.) Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.
(note: The most reliable and earliest manuscripts do not include Mark 16:9-20.) Da safiyar ranar farko ta mako ya fara bayyana kansa ga Maryamu Magadaliya wadda ya kori aljannu guda bakwai daga cikinta.
10 Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.
Sai ta tafi ta shaida wadanda suke tare da shi suke makoki da kuka.
11 Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.
Sai suka ji cewa ya tashi kuma ta ganshi, amma basu gaskata ba.
12 Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.
Bayan wadannan al'amura ya bayana kansa ta wata siffa ga mutum biyu sa'ilin da suke tafiya akan hanya.
13 Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.
Sai suka tafi suka gaya wa sauran almajiransa, duk da haka basu gaskata ba.
14 Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.
Bayan wani lokaci, Yesu ya bayyana kansa ga almajiransa su goma sha daya, ya tsauta masu saboda rashin gaskatawa da taurin zuciya, bayansun ji daga wadanda suka ganshi bayan ya tashi daga matattu.
15 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.
Sai ya umarcesu cewa “Ku tafi cikin duniya ku yi bishara ga dukan halitta.
16 Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.
Wanda ya ba da gaskiya aka kuma yi masa baftisma, zaya sami ceto, wanda baya bada gaskiya ba za ya hallaka.
17 Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,
Wadannan alamu za su kasance da wadanda suka gaskata; a cikin sunana, za su fidda aljannu, za su yi magana da sabbin harsuna.
18 abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.
Za su dauki macizai da hannayesu, idan sun sha guba ba ta cutar dasu ba, za su dibiya hannayensu ga marasa lafiya, za su sami warkaswa.”
19 Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.
Bayan Ubangiji ya gama magana da su, sai aka dauke shi zuwa sama in da zai zauna a hannun dama na Allah.
20 Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.
Almajiransa kuma suka tafi ko'ina suna sheilar bishara. Ubangiji kuma yayi aiki tare da su, yana tabbatar da kalma ta wurin ayukan al'ajiba tare da su.

< Markos 16 >