< Markos 11 >

1 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen, halka Beytfaage iyo Beytaniya, xaggii Buur Saytuun, xertiisii ayuu laba ka diray.
一行人向耶路撒冷走去,快走到伯法其和伯大尼的时候,经过橄榄山,耶稣于是派了两个门徒先行一步。
2 Wuxuuna ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba markaad gashaan waxaad ka helaysaan qayl xidhan oo aan ninna weligii fuulin. Soo fura oo keena.
他对他们说:“你们到前面的村子去,走进去会看见一头小驴拴在那里,没有人骑过它,把它解开,牵过来。
3 Haddii nin idinku yidhaahdo, Maxaad waxan u samaynaysaan? waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu u soo diri doonaa halkan.
如果有人问你们在干嘛,你们就说:‘主需要它,很快就会送还。’”
4 Markaasay tageen oo heleen qayl ku xidhan irid agteed meel dibadda ah oo jidka dhexdiisaa, wayna soo fureen.
门徒听命去了村子,发现一头小驴拴在门外的街上,于是就把它解开。
5 Kuwa halkaa taagnaa qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad samaynaysaan oo u furaysaan qaylka?
站在那里的人问他们:“你们为什么解开它?”
6 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen sida Ciise u amray, markaasay oggolaadeen.
门徒照着耶稣所述回答他们,那些人就让他们牵走了。
7 Waxay qaylkii u keeneen Ciise, dharkoodana ayay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.
门徒把小驴牵到耶稣那里,把自己的衣服搭在驴身上,耶稣骑了上去。
8 Dad badan baa dharkoodii jidka ku goglay, kuwa kalena laamo ayay beeraha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.
许多人把衣服铺在路上,还有人从田野里砍了些树枝也铺在路上。
9 Kuwii hor socday iyo kuwii daba socdayba way qayliyeen oo yidhaahdeen, Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanayo.
人群前后簇拥着他,喊道:“和撒那!祝福那奉主之名前来之人!
10 Waxaa barakaysan boqortooyada imanaysa oo aabbeheen Daa'uud. Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.
祝福我父大卫即将降临的王国!祝福最高天堂的救世主!”
11 Markaasaa Ciise Yeruusaalem yimid oo galay macbudka. Goortuu hareeraha iyo wax walbaba eegay, oo gabbalkiina dhacay, ayuu Beytaniya laba-iyo-tobankii ula baxay.
耶稣进入耶路撒冷后走进圣殿,环顾四周观察一番。天时不早了,他便和十二门徒出城,去往伯大尼。
12 Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa.
第二天他们离开伯大尼时,耶稣感到饥饿。
13 Meel fog wuxuu ka arkay geed berde ah oo caleen leh. Wuu u yimid inuu haddana wax ka helo. Goortuu u yimid waxba kama uu helin caleemo keliya maahee, waayo, wakhtigii berdaha ma ahayn.
他看到远处有一棵长满叶子的无花果树,他走过去,看看能否在树上找些果子充饥。但到了树下才发现,除了叶子什么都没有,因为现在还不到无花果生长的季节。
14 Ciise baa u jawaabay oo geedkii ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa ninna yuu midho kaa cunin. Xertiisiina waa maqashay. (aiōn g165)
耶稣对树说:“永远也不会有人再吃你的果子了!”他的门徒也听见了。 (aiōn g165)
15 Waxay yimaadeen Yeruusaalem. Ciisena macbudka ayuu galay oo bilaabay inuu ka eryo kuwii macbudkii wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.
他们返回耶路撒冷,耶稣走进圣殿后,把里面的生意人赶走,推倒兑换钱币的桌子,掀翻卖鸽子小贩的凳子,
16 Umana oggolayn in ninna alaab macbudka la soo dhex maro.
制止了那些拿着物品打算穿过圣殿的人。
17 Markaasuu wax baray oo ku yidhi, Miyaanay qornayn, Gurigayga waxaa quruumaha oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada? Idinkuse waxaad ka dhigteen god tuugo.
随后他向众人解释道:“经文上写着:‘我的殿应被称为祷告之殿。’你们竟把它变成贼窝了。”
18 Markii wadaaddadii sare iyo culimmadii maqleen, waxay doonayeen si ay u dilaan, waayo, way ka baqeen, maxaa yeelay, dadka oo dhan waxay ka yaabeen waxbariddiisa.
祭司长和宗教老师听见这番话,就想找个办法除掉耶稣。却又害怕耶稣,因为民众对他的训导很佩服。
19 Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.
夜晚时分,耶稣和师徒去往城外。
20 Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay.
第二天清晨,在返回的路上,他们看见那棵无花果树从根处枯萎了。
21 Markaasaa Butros soo xusuustay, oo wuxuu ku yidhi, Macallinkaygiiyow, eeg, geedkii berdaha ahaa oo aad habaartay waa engegay.
彼得想起耶稣之前所说,便说:“老师,看,你咒诅的那棵无花果树已经枯萎了。”
22 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ilaah rumaysta.
耶稣回答:“相信上帝。
23 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii buurtan ku yidhaahda, Ruq, baddana isku tuur, oo aan qalbigiisana ka shakiyin laakiin rumaysta in wuxuu yidhi ay noqonayso, waa u ahaan doontaa.
如果我说,只要你心中没有任何疑问,相信自己所说的一定变成现实,那么任何人都能对这座山说:‘挪到海里吧’,只要他心里不怀疑,就会变成现实。
24 Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.
所以我告诉你们,凡是你们祷告和祈求的事情,只要相信能够得到,就必得到。
25 Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.
在祈祷时,如果有谁得罪了你们,请饶恕他,这样你们的天父也会饶恕你们的罪过。”
26 Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
27 Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.
他们返回耶路撒冷后,耶稣走进殿内,祭司长、宗教老师和长老来到他面前,
28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?
问他:“你做这一切使用了什么权力?谁给你的这个权力?”
29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.
耶稣对他们说:“让我问你一个问题,你们若能回答,我就告诉你们谁给了我做这些事的力量。
30 Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.
关于约翰的施洗,它来自天上还是人间?你们回答我吧。”
31 Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?
这些人开始议论:“如果我们说从天上来,他就会说‘那你们为什么不信他?’
32 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay.
如果我们说来自人间……”但他们害怕民众,因为众人都认为约翰就是先知。
33 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
于是他们回答耶稣:“我们不知道。”耶稣也对他们说: “那我为什么要告诉你们,谁给我权力做这一切呢?”

< Markos 11 >