< Luukos 17 >

1 Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado.
Yesu ya ce wa almajiransa, “Dole ne a sami abubuwan da suke sa mutane su yi zunubi, amma kaiton mutumin nan wanda suke zuwa ta wurinsa.
2 In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
Gwamma a ɗaura dutsen niƙa a wuyansa, a jefa shi cikin teku, da ya sa ɗaya daga cikin ƙananan yaran nan ya yi zunubi.
3 Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.
Saboda haka, ku lura da kanku. “In ɗan’uwanka ya yi zunubi, ka kwaɓe shi. In ya tuba, ka gafarta masa.
4 Hadduu toddoba goor maalintii kugu dembaabo, oo toddoba goor kuu soo jeesto, isagoo leh, Waa toobadkeenay, waa inaad cafido.
In ya yi maka laifi sau bakwai a rana ɗaya, ya kuma dawo sau bakwai ɗin a wurinka, yana cewa, ‘Na tuba,’ sai ka gafarta masa.”
5 Markaasay rasuulladii waxay Rabbiga ku yidhaahdeen, Rumaysad noo kordhi.
Sai manzannin suka ce wa Ubangiji, “Ka ƙara mana bangaskiya!”
6 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad ku odhan lahaydeen geedkan sukamin, Ruq, oo badda ku beeran, wuuna idin addeeci lahaa.
Ya amsa musu ya ce, “In kuna da bangaskiya da take ƙanƙani kamar ƙwayar mustad, kuna iya ce wa wannan itacen durumi, ‘Ka tumɓuke daga nan, ka dasu a cikin teku.’ Zai kuwa yi muku biyayya.
7 Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?
“In ɗaya a cikinku yana da bawa, wanda yake masa noma, ko kiwon tumaki, da dawowar bawan daga gonar, ai, ba zai ce masa, ‘Ka zo nan, ka zauna, ka ci abinci ba’?
8 Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?
Ashe, ba zai ce masa, ‘Ka shirya mini abincin yamma, ka shirya ka yi mini hidima domin in ci in sha, bayan haka kana iya ci, ka kuma sha ba’?
9 Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?
Shin, zai gode wa bawan don yă yi aikin da aka ce ya yi ne?
10 Sidaas oo kale idinkuna goortaad samaysaan wixii laydinku amray oo dhan, waxaad tidhaahdaan, Addoommo aan waxtar lahayn baannu nahay; wixii aannu lahayn inaannu samayno ayaannu samaynay.
Haka ku ma, bayan kun yi duk abin da aka ce muku ku yi, ya kamata ku ce, ‘Mu bayi ne marasa cancanta, mun dai yi aikinmu ne kaɗai.’”
11 Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.
Yesu yana kan hanyarsa zuwa Urushalima, sai ya bi takan iyakar Samariya da Galili.
12 Oo goortuu tuulo galay, waxaa la kulmay toban nin oo baras leh oo meel fog ka istaagay.
Da zai shiga wani ƙauye, sai maza goma da suke da kuturta suka sadu da shi. Suka tsaya da nesa,
13 Markaasay codka kor u qaadeen iyagoo leh, Ciisow, Macallimow, noo naxariiso.
suka yi kira da babbar murya, suka ce, “Yesu, Ubangiji, ka ji tausayinmu!”
14 Goortuu arkay, wuxuu ku yidhi, Taga oo istusa wadaaddada. Oo waxaa dhacay, intay sii socdeen, inay daahirsameen.
Da ya gan su sai ya ce, “Ku je ku nuna kanku ga firistoci.” Suna kan hanyar tafiya sai suka tsabtacce.
15 Midkood goortuu arkay inuu bogsaday, ayuu soo jeestay oo cod weyn Ilaah ku ammaanay.
Da ɗayansu ya ga ya warke, sai ya koma, yana yabon Allah da babbar murya.
16 Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
Ya zo ya fāɗi a gaban Yesu, ya gode masa. Shi kuwa mutumin Samariya ne.
17 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii?
Yesu ya yi tambaya ya ce, “Ba duka goma ne aka tsabtacce ba? Ina sauran taran?
18 Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee?
Ba wanda ya dawo don yă yabi Allah, sai dai wannan baƙon?”
19 Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
Sai ya ce masa, “Tashi, ka yi tafiyarka, bangaskiyarka ta warkar da kai.”
20 Farrisiintii goortay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso.
Wata rana, Farisiyawa suka tambaye shi lokacin da mulkin Allah zai zo, Yesu ya amsa ya ce, “Ai, mulkin Allah ba takan zo ta wurin yin kallon ku ba.
21 Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.
Mutane kuma ba za su ce, ‘Ga shi nan,’ ko kuma, ‘Ga shi can’ ba, domin mulkin Allah yana cikinku ne.”
22 Markaasuu xertii ku yidhi, Maalmuhu waa iman doonaan goortaad dooni doontaan inaad aragtaan maalmaha Wiilka Aadanaha middood, mana arki doontaan.
Sai ya ce wa almajiransa, “Lokaci yana zuwa da za ku yi marmarin ganin rana ɗaya cikin ranakun Ɗan Mutum, amma ba za ku gani ba.
23 Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.
Mutane za su ce muku, ‘Ga shi can!’ Ko kuma, ‘Ga shi nan!’ Kada ku yi hanzarin binsu.
24 Waayo, sida hillaacu markuu dhinaca hoose oo cirka ka hillaaco oo ilaa dhinaca kale oo hoose oo cirka u ifiyo, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna ahaan doonaa maalintiisa.
Gama Ɗan Mutum, a cikin ranarsa, zai zama kamar walƙiya da take walƙawa, da take kuma haskaka sararin sama, daga wannan kusurwa zuwa wancan kusurwa.
25 Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga.
Amma da fari, dole yă sha wahaloli masu yawa, kuma mutanen zamanin nan su ƙi shi.
26 Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.
“Daidai kamar yadda ya faru a zamanin Nuhu, haka zai zama a zamanin Ɗan Mutum.
27 Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabbi'iyey.
Mutane suna ci, suna sha, suna aurayya, ana kuma ba da su ga aure, har ranar da Nuhu ya shiga jirgin. Sa’an nan ambaliyar ruwan ya sauka, ya hallaka su duka.
28 Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luud. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen.
“Haka ma aka yi a zamanin Lot. Mutane suna ci, suna sha, suna saya, suna sayarwa, suna shuki, suna kuma gine-gine.
29 Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.
Amma a ranar da Lot ya bar Sodom, sai aka yi ruwan wuta da farar wuta daga sama, aka hallaka su duka.
30 Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.
“Daidai haka zai zama, a ranar da Ɗan Mutum zai bayyana.
31 Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.
A ranan nan, kada wanda yake kan rufin gidansa ya sauka don yă kwashe dukiyarsa da take cikin gidan. Haka ma duk wanda yake gona, kada yă koma don wani abu.
32 Naagtii Luud xusuusta.
Ku tuna fa da matar Lot!
33 Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona.
Duk wanda yake so ya ceci ransa, zai rasa shi, amma duk wanda ya rasa ransa, zai cece shi.
34 Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
Ina gaya muku, a daren nan, mutane biyu za su kasance a gado ɗaya, za a ɗauki ɗaya, a bar ɗayan.
35 Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa.
Mata biyu za su kasance suna niƙan hatsi tare, za a ɗauki ɗaya, a bar ɗayan.”
36 Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa.
37 Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
Suka tambaya, suka ce, “A ina ne, ya Ubangiji?” Ya ce musu, “Ai, inda gawa take, nan ne ungulai za su taru.”

< Luukos 17 >