< Laawiyiintii 25 >

1 Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa. 3 Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa. 4 Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin. 5 Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn. 6 Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba, 7 iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil. 8 Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood. 9 Oo dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka dhawaajisaan. 10 Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii. 11 Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin. 12 Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa. 13 Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii. 14 Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin. 15 Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto. 16 Oo waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo, isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo. 17 Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 18 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan. 19 Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan. 20 Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna, 21 markaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood ku filan. 22 Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore. 23 Oo dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga. 24 Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho. 25 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey. 26 Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto, 27 markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo. 28 Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa. 29 Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto. 30 Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo. 31 Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan. 32 Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin. 33 Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil. 34 Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah. 35 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah. 36 Oo waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado. 37 Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid. 38 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed. 39 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale, 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis. 42 Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo. 43 Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso. 44 Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah. 45 Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin. 46 Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin. 47 Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii, 48 markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa, 49 ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa. 50 Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto. 51 Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday. 52 Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa. 53 Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin. 54 Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba. 55 Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

< Laawiyiintii 25 >