< Xaakinnada 13 >

1 Reer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.
Aisraeli anachitanso zinthu zoyipira Yehova, kotero Yehova anawapereka mʼmanja mwa Afilisti kwa zaka makumi anayi.
2 Oo waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.
Ku Zora kunali munthu wina dzina lake Manowa, wochokera ku fuko la Dani. Mkazi wake analibe ana popeza anali wosabereka.
3 Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.
Mngelo wa Yehova anaonekera mkaziyo ndipo anati, “Ndinu wosabereka ndipo mulibedi mwana, komabe mudzakhala ndi pakati ndipo mudzabereka mwana wamwamuna.
4 Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;
Tsono mudzisamale bwino, osamwa vinyo kapena chakumwa chilichonse choledzeretsa ndiponso musamadye chakudya chilichonse chodetsedwa,
5 waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
chifukwa mudzakhala ndi pakati ndipo mudzabereka mwana wamwamuna. Mwanayo akadzabadwa lumo lisadzapite pa mutu chifukwa mnyamatayo adzakhala Mnaziri, ndiye kuti wopatulika kwa Mulungu kuyambira pa nthawi imene adzakhale ali mʼchiberekero. Ndipo adzayamba ntchito yopulumutsa Israeli mʼmanja mwa Afilisti.”
6 Markaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;
Kenaka mayiyo anapita kukawuza mwamuna wake kuti, “Munthu wa Mulungu anabwera kwa ine, ndipo maonekedwe ake anali ngati mngelo wa Mulungu, maonekedwe woopsa kwambiri. Ine sindinamufunse kumene amachokera, ndipo iyeyo sanandiwuzenso dzina lake.
7 laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.
Koma anandiwuza kuti, ‘Mudzakhala ndi pakati ndipo mudzabereka mwana wamwamuna. Choncho musamamwe vinyo kapena chakumwa chilichonse choledzeretsa, musamadye chakudya chilichonse choyipitsidwa chifukwa mwanayo adzakhala Mnaziri, wopatulika kwa Mulungu kuyambira pa nthawi imene adzakhale ali mʼchiberekero mpaka tsiku la kufa kwake.’”
8 Markaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.
Kenaka Manowa anapemphera kwa Yehova kuti, “Chonde Ambuye, lolani munthu wa Mulungu amene munamutuma abwerenso kwa ife kuti adzatiphunzitse zochita ndi mwanayo akadzabadwa.”
9 Ilaahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.
Mulungu anamva pemphero la Manowa, ndipo mngelo wa Mulungu anabweranso kwa mkaziyo nthawi imene anali ku munda, koma Manowa mwamuna wake sanali naye.
10 Markaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid.
Tsono mkaziyo anathamanga kukawuza mwamuna wake kuti, “Wandionekeranso munthu uja amene anabwera kwa ine tsiku lija.”
11 Markaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay.
Choncho Manowa ananyamuka namutsatira mkazi wake. Atafika kwa munthuyo anamufunsa kuti, “Kodi ndinu munayankhula ndi mkazi wanga?” Iye anayankha kuti, “Ndine.”
12 Markaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?
Kenaka Manowa anafunsa kuti, “Tiyerekeze kuti mawu anuwa akwaniritsidwadi, ndiye mwanayu azidzakhala bwanji ndipo azidzachita chiyani?”
13 Markaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto.
Ndipo mngelo wa Yehova uja anamuyankha kuti, “Zonse zimene ndinawawuza akazi anuwa asamale ndipo adzazichitedi.
14 Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.
Asadzadye chilichonse chochokera ku mphesa. Asadzamwe vinyo kapena choledzeretsa chilichonse, ngakhale kudya chakudya chilichonse chodetsedwa. Zonse zimene ndinawalamula azisunge bwino.”
15 Maanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno.
Manowa anamuwuza mngelo wa Yehova uja kuti, “Chonde dikirani pangʼono, timati tikukonzereni mwana wambuzi.”
16 Oo malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay.
Mngelo wa Yehova anayankha kuti, “Ngakhale mukundidikiritsa, ine sindidya chakudya chanu. Koma ngati mukonze nsembe yopsereza iperekeni kwa Yehova.” (Manowa nʼkuti asakudziwa kuti munthuyo anali mngelo wa Mulungu).
17 Markaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?
Tsono Manowa anapempha mngelo wa Yehova kuti, “Chonde tidziwitseni dzina lanu kuti zikadzachitika zimene mwanenazi ife tidzakulemekezeni?”
18 Malaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?
Iye anayankha kuti, “Nʼchifukwa chiyani mukufunsa dzina langa? Dzina laketu ndi lodabwitsa.”
19 Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.
Ndipo Manowa anatenga mwana wambuzi pamodzi ndi chopereka cha chakudya nakapereka nsembe pa thanthwe kwa Yehova ndipo Yehova anachita zodabwitsa kwa Manowa ndi mkazi wake akuona.
20 Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.
Pamene malawi a moto amakwera kumwamba kuchoka pa guwa, mngelo wa Yehova uja anakwera kumwamba mʼmalawi a motowo Manowa ndi mkazi wake akuona. Tsono anadzigwetsa pansi naweramitsa mitu yawo pansi.
21 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.
Mngelo wa Yehova uja sanaonekerenso kwa Manowa ndi mkazi wake. Choncho Manowa anazindikira kuti anali mngelo wa Yehova.
22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.
Iye anawuza mkazi wake kuti, “Ife tifa basi pakuti taona Mulungu!”
23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
Koma mkazi wake anamuyankha kuti, “Yehova akanafuna kutipha sakanayilandira nsembe yathu yopsereza ndi chopereka chathu chachakudya chija, ndipo sakanationetsanso zinthu zonsezi kapena kutiwuza zinthu ngati zimenezi nthawi ino.”
24 Oo naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.
Motero mkaziyo anabereka mwana wa mwamuna, namutcha dzina lake Samsoni. Iye anakula ndipo Yehova anamudalitsa.
25 Oo Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.
Mzimu wa Yehova unayamba kumulimbikitsa pamene ankakhala ku misasa ya anthu a fuko la Dani, malo amene anali pakati pa Zora ndi Esitaoli.

< Xaakinnada 13 >