< Yashuuca 9 >

1 Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba
To, sa’ad da dukan sarakunan yammancin Urdun suka ji waɗannan abubuwa, sai waɗanda suke kan tudu, da na cikin kwari a yammanci, da dukan waɗanda suke gefen Bahar Rum har zuwa Lebanon (sarakunan Hittiyawa, Amoriyawa, Kan’aniyawa, Ferizziyawa, Hiwiyawa da Yebusiyawa)
2 iswada urursadeen inay isku si ula diriraan Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.
suka haɗa kansu don su yaƙi Yoshuwa da Isra’ila.
3 Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii,
Amma da mutanen Gibeyon suka ji abin da Yoshuwa ya yi wa Yeriko da Ai,
4 iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay.
sai suka shirya wata dabara ta ruɗu, suka shirya ɗan abinci don tafiya, suka ɗauki tsofaffin buhuna a kan jakunansu da tsofaffin salkuna na ruwan inabi, yagaggu da suka sha ɗinki.
5 Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay.
Suka sa tsofaffin takalman da suka sha gyara, suka sa tsofaffin tufafi. Dukan abincinsu na tafiya ya bushe ya yi fumfuna.
6 Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.
Sai suka je wurin Yoshuwa a sansanin Gilgal suka ce masa da mutanen Isra’ila, “Daga ƙasa mai nisa muka fito, yanzu fa, sai ku yi alkawari da mu.”
7 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa?
Mutanen Isra’ila kuwa suka ce wa Hiwiyawa, “Wataƙila kuna kusa da mu, ta yaya za mu yi alkawari da ku?”
8 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen?
Suka ce wa Yoshuwa, “Mu bayinku ne.” Amma Yoshuwa ya tambaye su ya ce, “Ku wane ne, kuma daga ina kuka zo?”
9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan,
Suka amsa suka ce, “Bayinka sun zo ne daga ƙasa mai nisa gama Ubangiji Allahnka ya yi suna sosai. Gama mun ji labarin abubuwan da ya yi. Dukan abubuwan da ya yi a Masar
10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.
da kuma duk abubuwan da ya yi wa sarakuna biyu na Amoriyawa gabas da Urdun, Sihon sarkin Heshbon, da Og sarkin Bashan wanda ya yi mulki a Ashtarot.
11 Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.
Dattawanmu da duk mazaunan ƙasar, suka ce mana, ‘Ku ɗauki abincin tafiyar da za ku riƙe; ku je ku same su ku ce musu, “Mu bayinku ne, ku yi alkawari da mu.”’
12 Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay:
Abincin tafiyan nan namu yana da ɗumi lokacin da muka kintsa tashi daga gida a ranar da za mu kama hanya zuwa wurinku. Amma yanzu duba yadda ya bushe, ya yi fumfuna.
13 oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis.
Waɗannan salkuna kuma da muka cika ruwan inabi, sababbi ne amma duba yadda suka yayyage. Tufafinmu da takalmanmu duk sun yayyage don doguwar tafiya.”
14 Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan.
Mutanen Isra’ila suka ɗiba daga cikin abincin tafiyar amma ba su nemi nufin Ubangiji ba.
15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii.
Sa’an nan Yoshuwa ya yi alkawari zaman salama da su, cewa ba zai kashe su ba, sai shugabannin mutanen Isra’ila kuwa suka tabbatar musu da haka ta wurin yin rantsuwa.
16 Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin.
Kwana uku bayan sun yi alkawari da Gibeyonawa, sai Isra’ilawa suka ji cewa Gibeyonawa maƙwabtansu ne, waɗanda suke zaune kurkusa da su.
17 Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim.
Saboda haka Isra’ilawa suka tashi a rana ta uku suke je biranen mutanen, wato, Gibeyon, Kefira, Beyerot da Kiriyat Yeyarim.
18 Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii.
Amma Isra’ilawa ba su kai musu hari ba domin shugabanninsu sun rantse musu da sunan Ubangiji, Allah na Isra’ila. Mutane Isra’ila duka kuwa suka yi gunaguni a kan shugabannin.
19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga.
Amma shugabanni suka amsa musu suka ce, “Mun rantse musu da sunan Ubangiji, Allah na Isra’ila, saboda haka ba za mu taɓa su ba yanzu.
20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.
Ga abin da za mu yi musu, za mu bar su da rai don kada fushin Allah yă sauka a kanmu gama mun riga mun rantse musu.”
21 Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii.
Suka ƙara da cewa, “Mu bar su da rai, amma bari su zama masu yankan itace da masu ɗibo mana ruwa.” Haka shugabannin suka cika alkawarinsu.
22 Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan?
Yoshuwa kuwa ya aika aka kira Gibeyonawa ya ce musu, “Don me kuka ruɗe mu kuka ce, ‘Mun zo ne daga wuri mai nisa,’ bayan kuwa kuna nan kurkusa da mu?
23 Sidaas daraaddeed waad habaaran tihiin, oo weligiin laydinka waayi maayo addoommo ah kuwa xaabada u gura, biyahana u dhaamiya guriga Ilaahayga.
Yanzu ku la’anannu ne. Ba za ku daina zama mana masu yankan itace da kuma masu ɗebo ruwa domin haikalin Allahnmu ba.”
24 Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay.
Suka amsa wa Yoshuwa suka ce, “An gaya wa bayinka dalla-dalla yadda Ubangiji Allahnka ya umarci bawansa Musa yă ba ka ƙasar duka, ka kuma kashe duk masu zama a cikinta, muka ji tsoro cewa za ka kashe mu shi ya sa muka yi haka.
25 Oo haddaba bal eeg gacantaadaannu ku jirnaa. Sidii kula wanaagsan oo kula qumman inaad nagu samaysid yeel.
Yanzu, a hannunka muke, ka yi duk abin da ka ga ya yi maka kyau.”
26 Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin.
Yoshuwa kuwa ya cece su daga hannun Isra’ilawa, har ba su kashe su ba.
27 Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.
A ranar Yoshuwa ya sa Gibeyonawa suka zama masu yankan itace da ɗebo ruwa wa jama’ar Isra’ila da kuma domin haikalin Ubangiji a inda Ubangiji zai zaɓa. Abin da suke ke nan har wa yau.

< Yashuuca 9 >