< Yashuuca 16 >

1 Oo reer Yuusuf qaybtoodiina wuxuu ka bilaabmay Webi Urdun oo Yerixoo ku ag yaal, biyaha Yerixoo dhankooda bari, taasoo ah xagga cidlada, iyo markii laga tago Yerixoo oo la dhex maro dalka buuraha leh ilaa Beytel,
Rabon da aka ba wa Yusuf ya fara tun daga Urdun kusa da Yeriko, gabas da ruwan Yeriko, sai ya miƙe zuwa jeji, ya haura har zuwa cikin ƙasar tudu na Betel.
2 oo wuxuu ka baxay Beytel ilaa Luus, oo wuxuu sii maray ilaa soohdinta reer Arkii iyo ilaa Cataarood;
Ya ci gaba daga Betel (wato, Luz), ya zarce zuwa sashen Arkitawa na Atarot,
3 oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
ya sauka zuwa yammancin bakin iyakar Yalfetiyawa har zuwa yankin Bet-Horon wanda yake cikin kwari. Ya zarce kuma zuwa Gezer, ya gangara ya yi ƙarshe a Bahar Rum.
4 Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.
Wannan ne yankin da aka ba wa Manasse da Efraim zuriyar Yusuf gādonsu.
5 Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;
Yankin Efraim ke nan bisa ga iyalansu. Iyakar ƙasarsu ta gādo ta kama daga Atarot Addar a gabas zuwa Bet-Horon,
6 oo soohdintu waxay galbeed ka mari jirtay Mikmetaah tan ku taal xagga woqooyi, oo soohdintu waxay ka soo wareegtay oo bari ka martay Ta'anad Shiloh, oo waxay bari ka martay Yaanooxaah;
ta wuce zuwa Bahar Rum. Daga Mikmetat a arewa kuwa iyakar ta karkata gabas zuwa Ta’anat Shilo, ta wuce zuwa Yanowa a gabas.
7 oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.
Sai ta gangara daga Yanowa zuwa Atarot da Na’ara, ta bi ta Yeriko, ta kuma fito ta Urdun.
8 Oo xagga Tafuu'axna soohdintu waxay galbeed ka sii martay durdurka reer Qaanaah; oo waxaa dhammaadkeedu ahaa xagga badda. Intaasu waa dhaxalkii reer Efrayim qabiilkoodii u heleen sidii reerahoodii ay ahaayeen,
Daga Taffuwa kuma iyakar ta bi yamma zuwa kwazazzaban Kana, ta ƙarasa a Bahar Rum. Wannan shi ne gādon mutanen Efraim bisa ga iyalansu.
9 iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.
Gādon ya kuma haɗa da dukan garuruwa da ƙauyuka waɗanda aka keɓe wa mutanen Efraim daga cikin gādon mutanen Manasse.
10 Oo ma ay eryin reer Kancaankii degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan waxay dhex degganaayeen reer Efrayim ilaa maantadan la joogo, oo waxay u noqdeen addoommo u hawshooda.
Ba su kori Kan’aniyawan da suke zama a Gezer ba, don haka Kan’aniyawa suna zama tare da mutanen Efraim har wa yau; amma Kan’aniyawa suka zama masu yin aikin dole.

< Yashuuca 16 >