< Yooxanaa 6 >

1 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.
这事以后,耶稣渡过加利利海,就是提比哩亚海。
2 Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.
有许多人因为看见他在病人身上所行的神迹,就跟随他。
3 Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.
耶稣上了山,和门徒一同坐在那里。
4 Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.
那时犹太人的逾越节近了。
5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?
耶稣举目看见许多人来,就对腓力说:“我们从哪里买饼叫这些人吃呢?”(
6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa.
他说这话是要试验腓力;他自己原知道要怎样行。)
7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
腓力回答说:“就是二十两银子的饼,叫他们各人吃一点也是不够的。”
8 Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi,
有一个门徒,就是西门·彼得的兄弟安得烈,对耶稣说:
9 Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?
“在这里有一个孩童,带着五个大麦饼、两条鱼,只是分给这许多人还算什么呢?”
10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.
耶稣说:“你们叫众人坐下。”原来那地方的草多,众人就坐下,数目约有五千。
11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.
耶稣拿起饼来,祝谢了,就分给那坐着的人;分鱼也是这样,都随着他们所要的。
12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
他们吃饱了,耶稣对门徒说:“把剩下的零碎收拾起来,免得有糟蹋的。”
13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.
他们便将那五个大麦饼的零碎,就是众人吃了剩下的,收拾起来,装满了十二个篮子。
14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.
众人看见耶稣所行的神迹,就说:“这真是那要到世间来的先知!”
15 Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.
耶稣既知道众人要来强逼他作王,就独自又退到山上去了。
16 Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.
到了晚上,他的门徒下海边去,
17 Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.
上了船,要过海往迦百农去。天已经黑了,耶稣还没有来到他们那里。
18 Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.
忽然狂风大作,海就翻腾起来。
19 Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.
门徒摇橹,约行了十里多路,看见耶稣在海面上走,渐渐近了船,他们就害怕。
20 Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.
耶稣对他们说:“是我,不要怕!”
21 Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
门徒就喜欢接他上船,船立时到了他们所要去的地方。
22 Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.
第二日,站在海那边的众人知道那里没有别的船,只有一只小船,又知道耶稣没有同他的门徒上船,乃是门徒自己去的。
23 Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahadnaqay dabadeed.
然而,有几只小船从提比哩亚来,靠近主祝谢后分饼给人吃的地方。
24 Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.
众人见耶稣和门徒都不在那里,就上了船,往迦百农去找耶稣。
25 Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
既在海那边找着了,就对他说:“拉比,是几时到这里来的?”
26 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed.
耶稣回答说:“我实实在在地告诉你们,你们找我,并不是因见了神迹,乃是因吃饼得饱。
27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey. (aiōnios g166)
不要为那必坏的食物劳力,要为那存到永生的食物劳力,就是人子要赐给你们的,因为人子是父 神所印证的。” (aiōnios g166)
28 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?
众人问他说:“我们当行什么才算做 神的工呢?”
29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
耶稣回答说:“信 神所差来的,这就是做 神的工。”
30 Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?
他们又说:“你行什么神迹,叫我们看见就信你;你到底做什么事呢?
31 Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
我们的祖宗在旷野吃过吗哪,如经上写着说:‘他从天上赐下粮来给他们吃。’”
32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
耶稣说:“我实实在在地告诉你们,那从天上来的粮不是摩西赐给你们的,乃是我父将天上来的真粮赐给你们。
33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
因为 神的粮就是那从天上降下来、赐生命给世界的。”
34 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
他们说:“主啊,常将这粮赐给我们!”
35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
耶稣说:“我就是生命的粮。到我这里来的,必定不饿;信我的,永远不渴。
36 Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.
只是我对你们说过,你们已经看见我,还是不信。
37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
凡父所赐给我的人必到我这里来;到我这里来的,我总不丢弃他。
38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
因为我从天上降下来,不是要按自己的意思行,乃是要按那差我来者的意思行。
39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.
差我来者的意思就是:他所赐给我的,叫我一个也不失落,在末日却叫他复活。
40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. (aiōnios g166)
因为我父的意思是叫一切见子而信的人得永生,并且在末日我要叫他复活。” (aiōnios g166)
41 Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
犹太人因为耶稣说“我是从天上降下来的粮”,就私下议论他,
42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
说:“这不是约瑟的儿子耶稣吗?他的父母我们岂不认得吗?他如今怎么说‘我是从天上降下来的’呢?”
43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
耶稣回答说:“你们不要大家议论。
44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
若不是差我来的父吸引人,就没有能到我这里来的;到我这里来的,在末日我要叫他复活。
45 Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
在先知书上写着说:‘他们都要蒙 神的教训。’凡听见父之教训又学习的,就到我这里来。
46 Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
这不是说有人看见过父,惟独从 神来的,他看见过父。
47 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
我实实在在地告诉你们,信的人有永生。 (aiōnios g166)
48 Anigu waxaan ahay kibista nolosha.
我就是生命的粮。
49 Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen.
你们的祖宗在旷野吃过吗哪,还是死了。
50 Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.
这是从天上降下来的粮,叫人吃了就不死。
51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed. (aiōn g165)
我是从天上降下来生命的粮;人若吃这粮,就必永远活着。我所要赐的粮就是我的肉,为世人之生命所赐的。” (aiōn g165)
52 Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?
因此,犹太人彼此争论说:“这个人怎能把他的肉给我们吃呢?”
53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.
耶稣说:“我实实在在地告诉你们,你们若不吃人子的肉,不喝人子的血,就没有生命在你们里面。
54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. (aiōnios g166)
吃我肉、喝我血的人就有永生,在末日我要叫他复活。 (aiōnios g166)
55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.
我的肉真是可吃的,我的血真是可喝的。
56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuu igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.
吃我肉、喝我血的人常在我里面,我也常在他里面。
57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u nolaan doonaa daraadday.
永活的父怎样差我来,我又因父活着;照样,吃我肉的人也要因我活着。
58 Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis wuu noolaan doonaa. (aiōn g165)
这就是从天上降下来的粮。吃这粮的人就永远活着,不像你们的祖宗吃过吗哪还是死了。” (aiōn g165)
59 Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.
这些话是耶稣在迦百农会堂里教训人说的。
60 Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara?
他的门徒中有好些人听见了,就说:“这话甚难,谁能听呢?”
61 Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?
耶稣心里知道门徒为这话议论,就对他们说:“这话是叫你们厌弃吗?
62 Haddaba maxay noqon haddaad aragtaan Wiilka Aadanaha oo kor ugu baxaya meeshuu markii hore joogi jiray?
倘或你们看见人子升到他原来所在之处,怎么样呢?
63 Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
叫人活着的乃是灵,肉体是无益的。我对你们所说的话就是灵,就是生命。
64 Laakiin waxaa dhexdiina jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacangelin lahaa.
只是你们中间有不信的人。”耶稣从起头就知道谁不信他,谁要卖他。
65 Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.
耶稣又说:“所以我对你们说过,若不是蒙我父的恩赐,没有人能到我这里来。”
66 Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.
从此,他门徒中多有退去的,不再和他同行。
67 Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?
耶稣就对那十二个门徒说:“你们也要去吗?”
68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe. (aiōnios g166)
西门·彼得回答说:“主啊,你有永生之道,我们还归从谁呢? (aiōnios g166)
69 Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
我们已经信了,又知道你是 神的圣者。”
70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid.
耶稣说:“我不是拣选了你们十二个门徒吗?但你们中间有一个是魔鬼。”
71 Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
耶稣这话是指着加略人西门的儿子犹大说的;他本是十二个门徒里的一个,后来要卖耶稣的。

< Yooxanaa 6 >