< Yooxanaa 11 >

1 Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.
To wani mutum mai suna Li'azaru, yayi rashin lafiya. Shi mutumin Baitanya ne, wato kauyen su Maryamu da 'yar'uwarta Matta.
2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.
Wato wannan Maryamu da ta shafe Ubangiji da mur ta kuma share masa kafafunsa da gashin kanta, wadda dan'uwanta Li'azaru ke rashin lafiya.
3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.
'Yan'uwannan mata suka aika sako wurin yesu, cewa, “Ubangiji, duba, shi wanda kake kauna yana rashin lafiya”.
4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano.
Da Yesu ya ji, sai ya ce “Wannan ciwo ba zai kai ga mutuwa ba, amma domin daukakar Allah ne, domin Dan Allah ya sami daukaka tawurin ta”.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros.
Yesu yana kaunar Matta, da 'yar'uwarta da Li'azaru.
6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay.
Da yaji cewa Li'azaru na rashin lafiya, sai ya tsaya kwana biyu a inda ya ke.
7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno.
Bayan haka, sai ya ce wa almajiransa, “Bari mu je Yahudiya kuma.”
8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas?
Sai almajiransa suka ce masa, “Mallam, harwayau Yahudaya na neman ka domin su jefe ka da duwatsu, kuma kana son komawa can?”
9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan.
Yesu ya amsa, “Ba sa'a goma sha biyu ce ta haske a rana guda ba? Idan mutum ya yi tafiya da rana, ba za ya yi tuntube ba, domin yana gani ta wurin hasken wannan duniya.
10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.
Amma idan mutum ya yi tafiya chikin dare, za ya yi tuntube domin haske ba ya tare da shi.
11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo.
Ya fadi wadannan al'amura, kuma bayan wadannan abubuwa, sai ya ce masu, “Abokinmu Li'azaru ya yi barci, amma zan je don In tashe shi daga barci”.
12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa.
Sai almajirai suka ce masa, “Ubangiji, idan barci yake yi, ai za ya farka.”
13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada.
Yesu kuwa ya yi maganar mutuwar Li'azaru ne, amma su suna tsammani yana magana akan barci ne na hutu.
14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay.
Sai Yesu ya yi masu bayani cewa, “Li'azaru ya mutu.
15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno.
Ina farinchiki domin ku, da bani a wurin domin ku gaskata. Bari mu je wurinsa.”
16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
Toma wanda ake kira Dan tagwaye, ya ce wa sauran almajirai, “Bari mu tafi domin mu mutu tare da Yesu.”
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.
Da Yesu ya iso, sai ya tarar cewa Li'azaru ya rigaya ya yi kwana hudu a kabari.
18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon.
Baitanya kuma tana kusa da Urushalima, 'yar tafiya marar nisa ce a tsakanin su.
19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan.
Yahudawa dayawa sun zo wurin Maryamu da Matta domin su yi masu ta'aziyar mutuwar dan'uwansu.
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday.
Da Matta ta ji cewa Yesu na zuwa, sai ta tafi domin ta same shi, amma Maryamu na zamne a cikin gida.
21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
Matta ta ce wa Yesu, “Ubangiji, da kana nan tare da mu, da dan'uwana baya mutu ba”.
22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weyddiisatid uu ku siinayo.
Ko yanzu na san cewa duk abinda ka roka a wurin Allah, za ya ba ka.
23 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa.
Yesu ya ce mata, “Dan'uwanki za ya rayu kuma.
24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa.
Sai Matta ta ce masa, “Na san zaya rayu kuma a tashin mattatu na ranar karshe.”
25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.
Yesu ya ce mata, “Ni ne tashin matattu, ni ne kuma rai; wanda ya bada gaskiya gare ni, ko ya mutu, za ya rayu;
26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay? (aiōn g165)
Kuma duk wanda yake raye, ya kuma bada gaskiya gare ni, ba zai mutu ba dadai. Kin gaskata da wannan?” (aiōn g165)
27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa.
Sai ta ce masa, “I, Ubangiji, Na gaskata cewa kaine Almasihu, Dan Allah, wanda ke zuwa duniya.
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa.
Sa'adda ta fadi haka, sai ta koma ta kira yar'uwarta Maryamu gefe guda. Ta ce, “mallam ya iso, kuma yana kiran ki.”
29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay.
Da ta ji haka, sai ta tashi da sauri ta tafi wurin sa.
30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay.
Yesu bai rigaya ya shiga kauyen ba, yana nan inda Matta ta zo ta same shi.
31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.
Da Yahudawan nan dake tare da Maryamu, wato wadannan da suka zo mata ta'aziya, suka ga ta fita daga chikin gida da sauri, sai suka bi ta, suna tsammanin cewa ta tafi ta yi kuka ne a kabari.
32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen.
Da Maryamu ta kai inda Yesu ya ke, sai ta fadi gaban sawayensa, ta ce, “Ubangiji, inda kana tare da mu, da dan'uwana bai mutu ba”.
33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday.
Da Yesu ya gan ta tana kuka, da wadannan Yahudawa da suka bi ta, sai ya yi juyayi a ruhu ya damu kuma;
34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.
sai ya ce, “A ina kuka kwantar da shi?” Sai suka ce masa, “Ubangiji, zo ka gani.”
35 Ciise waa ooyay.
Yesu ya yi kuka.
36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa.
Sai Yahudawa suka ce, “Dubi yadda yake kaunar Li'azaru!”
37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman?
Amma wadansun su suka ce, “Shi wannan mutum da ya iya ba makaho ganin gari, da bai iya hana wannan mutum mutuwa ba?
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.
Yesu yana cikin juyayi kuma a cikin kansa, sai ya tafi kabarin. Kabarin a kogo ne an kuma rufe bakinsa da dutse.
39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa.
Sai Yesu ya ce, “A kawar da dutsen.” Matta yar'uwar Li'azaru wanda ya mutu, ta ce wa Yesu, “Ubangiji, Yanzu jikin ya ruba domin ya kai kwana hudu da mutuwa”.
40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah?
Yesu ya ce mata, “Ba na ce maki idan kin gaskata za ki ga daukakar Allah ba?”
41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahadnaqayaa inaad i maqashay.
Sai suka kawar da dutsen. Yesu ya daga idanunsa ya ce, “Uba, na gode maka domin kana ji na.”
42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.
Na san kana ji na a kowane lokaci, amma domin wannan taro da ke tsaye kewaye da ni nike wannan magana, domin su bada gaskiya cewa kaine ka aiko ni.”
43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax.
Bayan ya yi wannan magana, sai ya daga murya ya ce, “Li'azaru, ka fito!”
44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.
Sai mataccen ya fito; kafafunsa da hannayensa na daure da likkafani, fuskarsa kuma na lullube da tsumma. Yesu ya ce masu, “Ku kwance shi, ya tafi”.
45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay.
To dayawa daga cikin yahudawan da suka zo wurin Maryamu suka kuma ga abinda Yesu ya yi, suka gaskata da shi;
46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.
amma wadansu suka koma wurin farisawa suka fada masu abubuwan da Yesu ya yi.
47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye.
Sai manyan firistoci da farisawa suka tara majalisa wuri guda, suka ce, “menene za mu yi?” Mutumin nan yana alamu masu yawa.
48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.
Idan mun kyale shi haka, duka za su gaskata da shi; Romawa za su zo su kwace wurinmu da al'ummar mu.
49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan,
Duk da haka, wani daga cikin su wato, Kayafas wanda shine babban firist a wannan shekara, ya ce da su, “baku san komai ba”.
50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin.
Ba ku lura cewa ya fi maku kyau mutum daya ya mutu domin mutane, a maimakon dukan al'umma ta hallaka.”
51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono,
Ya fadi wannan ne ba don kansa ba, amma sabo da shine babban firist, ya yi anabci ne cewa ya kamata Yesu ya mutu domin al'ummar;
52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan.
kuma ba don alummar kawai ba, amma domin a tattara 'ya'yan Allah da suke warwatse ko'ina wuri daya.
53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.
Tun daga wannan rana suka fara neman hanyar da za su kashe Yesu.
54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay.
Tun daga nan Yesu ya dena tafiya a sarari chikin Yahudawa, amma sai ya koma wani yanki kusa da jeji a wani gari da ake kira Ifraimu. A can kuma ya zamna da almajiransa.
55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan.
Idin ketarewa na Yahudawa ya yi kusa, da yawa sun tafi Urushalima daga yankin kasar kamin ranar idi domin su tsarkake kan su.
56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa?
Suka shiga neman Yesu, suna magana da junan su yayin da suke tsaitsaye a haikali, cewa “me kuke tunani? Ba za ya zo idin bane?”
57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
Babban firist da farisawa sun rigaya sun ba da umurni cewa duk inda aka ga Yesu a zo a shaida domin su kama shi.

< Yooxanaa 11 >