< Ayuub 4 >

1 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Then Eliphaz the Temanite answered,
2 Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
“If someone ventures to talk with you, will you be grieved? But who can withhold himself from speaking?
3 Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay, Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
Behold, you have instructed many, you have strengthened the weak hands.
4 Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay, Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
Your words have supported him who was falling, you have made the feeble knees firm.
5 Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
But now it has come to you, and you faint. It touches you, and you are troubled.
6 War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato, Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
Isn’t your piety your confidence? Isn’t the integrity of your ways your hope?
7 Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin? Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
“Remember, now, who ever perished, being innocent? Or where were the upright cut off?
8 Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
According to what I have seen, those who plow iniquity and sow trouble, reap the same.
9 Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa, Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
By the breath of God they perish. By the blast of his anger are they consumed.
10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii, Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
The roaring of the lion, and the voice of the fierce lion, the teeth of the young lions, are broken.
11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa, Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
The old lion perishes for lack of prey. The cubs of the lioness are scattered abroad.
12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay, Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
“Now a thing was secretly brought to me. My ear received a whisper of it.
13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan, Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
In thoughts from the visions of the night, when deep sleep falls on men,
14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay, Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
fear came on me, and trembling, which made all my bones shake.
15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray, Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
Then a spirit passed before my face. The hair of my flesh stood up.
16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay; Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay; Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
It stood still, but I couldn’t discern its appearance. A form was before my eyes. Silence, then I heard a voice, saying,
17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
‘Shall mortal man be more just than God? Shall a man be more pure than his Maker?
18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo; Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
Behold, he puts no trust in his servants. He charges his angels with error.
19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!
How much more those who dwell in houses of clay, whose foundation is in the dust, who are crushed before the moth!
20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
Between morning and evening they are destroyed. They perish forever without any regarding it.
21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo? Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.
Isn’t their tent cord plucked up within them? They die, and that without wisdom.’

< Ayuub 4 >