< Ayuub 32 >

1 Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa.
So these three men ceased to answer Job, because he [was] righteous in his own eyes.
2 Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa.
Then was kindled the wrath of Elihu the son of Barachel the Buzite, of the kindred of Ram: against Job was his wrath kindled, because he justified himself rather than God.
3 Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen.
Also against his three friends was his wrath kindled, because they had found no answer, and [yet] had condemned Job.
4 Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.
Now Elihu had waited till Job had spoken, because they [were] elder than he.
5 Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.
When Elihu saw that [there was] no answer in the mouth of [these] three men, then his wrath was kindled.
6 Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
And Elihu the son of Barachel the Buzite answered and said, I [am] young, and ye [are] very old; wherefore I was afraid, and durst not shew you mine opinion.
7 Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
I said, Days should speak, and multitude of years should teach wisdom.
8 Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
But [there is] a spirit in man: and the inspiration of the Almighty giveth them understanding.
9 Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
Great men are not [always] wise: neither do the aged understand judgment.
10 Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
Therefore I said, Hearken to me; I also will shew mine opinion.
11 Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
Behold, I waited for your words; I gave ear to your reasons, whilst ye searched out what to say.
12 Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
Yea, I attended unto you, and, behold, [there was] none of you that convinced Job, [or] that answered his words:
13 Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
Lest ye should say, We have found out wisdom: God thrusteth him down, not man.
14 Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
Now he hath not directed [his] words against me: neither will I answer him with your speeches.
15 Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan; Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
They were amazed, they answered no more: they left off speaking.
16 Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis, Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
When I had waited, (for they spake not, but stood still, [and] answered no more; )
17 Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
[I said], I will answer also my part, I also will shew mine opinion.
18 Waayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
For I am full of matter, the spirit within me constraineth me.
19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
Behold, my belly [is] as wine [which] hath no vent; it is ready to burst like new bottles.
20 Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
I will speak, that I may be refreshed: I will open my lips and answer.
21 Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan, Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.
Let me not, I pray you, accept any man’s person, neither let me give flattering titles unto man.
22 Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah, Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.
For I know not to give flattering titles; [in so doing] my maker would soon take me away.

< Ayuub 32 >