< Yeremyaah 31 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.
“Katika wakati huo—hili ni tangazo la Yahwe—Nitakuwa Mungu wa familia zote za Israel, na watakuwa watu wangu.”
2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.
Yahwe anasema hivi, “Watu ambao wamenusurika na upanga wamepata kibali katika nyika; nitatoka nje kuwapa pumziko Israeli.”
3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.
Yahwe alionitokea zamani na kusema, “Nimekupenda wewe, Israeli, kwa upendo wa milele. Kwa hiyo nimekuvuta kwang kwa agano la uaminifu.
4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.
Nitakujenga tena kwa hiyo utakuwa umejengwa, bikra wa Israeli..... na kwenda nje michezo ya furaha.
5 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan.
Utapanda mizabibu tena juu ya milima Samaria; wakulima watatapanda na kuweka matunda kwa ajili ya matumizi mazuri.
6 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.
Kwa maana siku itakuja wakati walizi watakapotangaza katika milima ya Efraimu, 'Inuka, twndeni juu kwenye mlimaa wa Yahwe Mungu wetu.'
7 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.
Kwa maana Yahwe anasema hivi, Piga kelele za shangwe juu ya Yakobo! Pigeni za furaha kwa ajili ya watu wakuu wa mataifa! Sifa zisikike. Sema, ''Yahwe amewaokoa watu wake, masalia wa Israeli.'
8 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.
Ona, niko karibu kuwaletaa kutoka nchi za kusini. Nitawakusanya kutoka sehemu zaa mbali za dunia. Vipofu na wenye ulemavu watakuwa kati kati yao; wanawake wajawazito na wale waliokaribu kujifungua wataakuwa pamoja nao. Kusanyiko kubwa litarudi hapa.
9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.
Watakuja kwa kuomboleza; nitawaongoza huku wakifanya maoambi yao. Nitawafanya wasafiri kataika mikondo ya maji katika bara bara ilinyoka. Hawatajikwaa juu yake, kwa maana nitakuwa baba kwa Israeli, na Afraimu atakuwa mzaliwa wanagau wwa kwanza
10 Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.
Sikia neno la Yahwe, mataifa. Litangazeni pembezoni mwa visiwa mbali. Enyi mataifa lazima museme, 'Yule aliyemtawanya Israeli anamkusanya tena na kuwalinda kama mchungaji alindavyo kondoo.'
11 Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay, oo wuxuu ka soo badbaadiyey gacantii kii isaga ka xoogga badnaa.
Kwa maana Yahwe amemfidia Yakobo na kumkomboa kutoka mkono ambao ulikuwa na nguvu sana kwake.
12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.
Kisha watakuja na kufurahia katika vilele vya Sayuni. Nyuso zao zitamelemeta kwa sababu ya wema wa Yahwe, juu ya nafaka na divai mpya, juu ya mafuta na malimbuko ya kwanza ya makundi na ng'ombe. Kwa maana maisha yao yatakuwa kama busitani iliyomwagiliwa, na hatatajisikia huzuni tena.
13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.
Kisha wanawali watafurahia kwa kucheza, na vijana na wanaume wazee watakuwa pamaoja. Kwa maana nitayageuza maombolezo yao kuwa sherehe. Nitakuwa na huruma juu yao na kuwafanya kufurahi badala ya kuhuzunika.
14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.
Kisha nitayaloanaisha sana maisha ya makuhani. Watu wangu watajijaza wenyewe kwa wema—hili ni tangazo la Yahwe.”
15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Cod baa Raamaah laga maqlay, baroorasho iyo oohin qadhaadh, oo Raaxeel carruurteeday u ooyaysaa, wayna diiddaa in carruurteeda looga qalbi qaboojiyo, waayo, ma ay joogaan.
Yahwe anasema hivi: “Sauti imesikika katika Rama, kilio na maombolezo mengi. Ni Raheli akiomboleza kwa ajili watoto wake. Hataki kufarijiwa tena juu yao, kwa maana hawako hai tena.”
16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Codkaaga oohinta ka jooji, oo indhahaagana ilmada ka celi, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Shuqulkaaga waa lagaaga abaalgudi doonaa, oo iyagu mar kalay ka iman doonaan dalkii cadowga.
Yahwe anasema hivi, Zuia sauti yako usilie na macho yako yasitoe machizi; kwa maana kuna fidia kwa ajili ya mateso yako—hili ni tangazo la Yahwe—watoto wako watarudi kutoka nchi ya adui.
17 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan.
Kuna matumaini kwa ajili ya siku zenu za baadaye—hili ni tangazo la Yahwe—uzao wako watarudi ndani ya mipaka yao.”
18 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay.
Kwa hakika nimemsikia Efraimu akilia, 'Uliniadhibu, nami nieadhibika kama ndama assiye na mafunzo. Nirudisha na nitarudishwa, kwa maana wewe ni Yahwe Mungu wangu.
19 Hubaal markaan soo noqday ayaan toobadkeenay, oo markii lay waaniyeyna bowdadaan dharbaaxay, oo waan ceeboobay, oo xataa waan sharafjabay, waayo, waxaan weli sitay ceebtii yaraantayda.
Kwa maana baada ya kurudi kwako, nilikuwa na huzuni; baada ya kufundiswa, nilijipiga kofi sshavu langu. Niliaibika ana dharirika, kwa maana nilizaliwa na hataia ya ujana wangu.'
20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
Efraimu siyo mtoto wangu wa thamani? Yeye si mpendwa wangu, mwanangu anipendezaye? Kwa maana kila ninaponena juu yake, bado nina mwita kipenzi cha akili yangu. Kwa namna hii moyo wangu unamtamani. Kwa hakika nitaakuwa na huruma ajuu yake—hili ni tangazo la Yahwe.”
21 Calaamado samayso, oo tiirar jidka lagu garto qotonso, oo qalbigaaga u soo jeedi xagga jidka weyn, kaasoo ah jidkii aad markii hore ku tagtay. Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, soo noqo. Magaalooyinkaagan ku soo noqo.
Jiwekee alama za bara bara kwa ajili yako mwenyewe. Weka matangaazo ya maelekezo kwa ajili yako mwenyewe. Iweke akili yako juu ya njia sahihi, njia unayopaswa kufuata. Rudii, bikra Israeli! Rudi kwenye hii miji yako.
22 Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta.
Utatanga tanga hadi lini, binti usiye mwaminifu? Kwa maana Yahwe ameumba kitu fulani kipya juu ya dunia—mwanamke anamzunguka mwanaume.
23 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.
Yahwe wa majeshi, Mungu wa Israeli, anasema hivi, '“Nitakapowarudisha watu katika nchi yao, watasema hivi katika anchi ya Yuda na miji yake, “Yahwe akubariki, wewe sehemu takatifu ambapo anaishi, ewe mlima mtakatifu.'
24 Xaggaas waxaa degganaan doona dadka dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisa oo dhanba, kuwaasoo beeraley iyo kuwa xoolodhaqato ah.
Kwa maana Yuda na miji yake yote wataishi pamoja humo, kama vile watakavyoishi wakulima na wachungaji pamaoja na makundi yao.
25 Waayo, naf kasta oo daallan ayaan wabxiyey, oo naf kasta oo murugaysanna waan dhergiyey.
Kwa maana nitawapa majai ya kunywa waliochoaka, na nitamjaza kila anayeteseka na kiu.”
26 Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd.
Baada ya haya niliamka, na nikagundua kwamba usingizi wangu ulikuwa unaburudisha.
27 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba ku dhex beeri doono abuur dad iyo duunyoba.
Angalia, siku zinakuja—hili ni tangazo la Yaahwe—nitakapoipanda nyumba ua Israeli na Yuda pamoja na wazawa wa wanadamaau na wanyama.
28 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero.
Zamani, niliwaweka katika uangalizi ili kuwang'oa na kuwabomoa, kuwaangusha, kuwaharibu, na kuwaletea madhara. Lakini katika siku zijazo, nitawaangalia, ili niwajenge na kuwapanda—hili ji tangazo la Yahwe.
29 Oo wakhtigaas iyagu mar dambe ma ay odhan doonaan, Aabbayaashii waxay cuneen canab dhanaan, carruurtiina way saliilyoodeen.
Katika siku hizo hakuna atakayesema tena, “Baba za watu wamekula zabibu kali, bali meno ya watoto ni butu.'
30 Laakiinse mid kastaaba wuu u dhiman doonaa xumaantiisa, oo nin kasta oo canab dhanaan cunaaba wuu saliilyoon doonaa.
Kwa maana kila mtu atakuwa katika uovu wake mwenyewe; kila alaye zabibu kalai, meno yake yataakuwa butu.
31 Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,
Angalia, siku zinakuja—hili ni tangazo la Yahwe—nitakapoanzisha aganao jipya pamaoja na nyumba aya Israeli na nyumba ya Yuda.
32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
Halitakuwa kama agano ambalo nilianzisha na baba zao nilipowatoa kwa mkono wao nje ya nchi ya Missiri. Hizo zzilikuwa siku ambapo walilivunja aaganao lanaahu, ingawa nilikuwa mme kwao—hili ni tangazo la Yahwe.
33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
Lakaini hili ni agano nitakaloanzisha na nyumba ya Israeli baada ya siku hizi—hili ni tangazo la Yahwe: Nitaiweka sheria yangu ndani yao na nitaiandika juu ya mioyo yao, kwa maana nitakuwa Mungu wao, nao watakuwa watau wangu.
34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
Kisha kila mtu hatamfundisha jiranai yake, wala mtu hatamfundisha ngugu yake akisema, 'Mjue Yahwe!' Kwa maana wao wote, kuanzia mdogo wao hata mkubwa, watanijua—hili ni tangazo la Yahwe—kwa maana nitawasamehe uovu wao na sitazikumbuka tena dhambi zao.”'
35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:
Yahwe anasema hivi—Yahwe, yeye afanyaye jua kuangaza mchana na kuzipanga mwezi na nyota kuangaza usiku. Yeye ndiye aiwekaye bahari katika mwendo ili mawimbi yake yaungurume. Yahwe wa majeshi katika ajina lake.
36 Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan.
Anasema hivi, ikiwa tu mambo haya ya akudumu yakitoweka machoni panaagu—hili ni agizo la Yahwe—uzao wa Israeli hawatasimama mbaalai nami wasiwe taiafa.”
37 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddii samada sare la qiyaasi karo, amase aasaaska dhulka hoose la soo baadhi karo, markaas aniguna farcanka reer binu Israa'iil oo dhan waan u wada xoori doonaa wixii ay sameeyeen oo dhan aawadood, ayaa Rabbigu leeyahay.
Yahwe anasema hivi, “Kama tu urefu wa mbingu unaweza kupimwa, na kama tu misingi ya dunia chini inaweza kugunduliwa, nitawakataa uzao wote wa Israeli kwa sababu ya yote waliyofanya—hili ni tangazo la Yahwe.”
38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.
“Angalia, siku zinakuja—hili ni tanagazo la Yahwe—ambapo mji utajengwa tena kwa ajili yanagu, kutoka Mnara wa Hananeli hadi kwenye Lango la Pembeni.
39 Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa.
Kisha mistari ya kupimia itaenda nje hadi mbali, hadi kwenye kilima cha Garebu na kuzunguka Goa.
40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
Bonde lote la miili iliyokufa na majivu, na shamaba lenye matuta linalofika hadi Bonde la Kidroni mbali hadi kwenye kona ya Lango la Farasi upande wa mashariki, litateuliwa kwa ajili ya Yahwe. Mji hautang'olewa wala kupinduliwa tena, milele.”

< Yeremyaah 31 >