< Yeremyaah 20 >

1 Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya.
Ikawa kuhani Pashuri mwana wa Imeri, mkuu wa maafisa wa Hekalu la Bwana, alipomsikia Yeremia akitoa unabii juu ya mambo haya,
2 Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga.
akaamuru Yeremia nabii apigwe na kufungwa kwenye mkatale katika Lango la Juu la Benyamini huko Hekaluni la Bwana.
3 Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib.
Siku ya pili Pashuri alipomwachia kutoka kwenye mkatale, Yeremia akamwambia, “Bwana hakukuita jina lako kuwa Pashuri bali Magor-Misabibu.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.
Kwa kuwa hili ndilo asemalo Bwana: ‘Nitakufanya kuwa hofu kuu kwako wewe mwenyewe na rafiki zako wote, na kwa macho yako mwenyewe utawaona wakianguka kwa upanga wa adui zao. Nitawatia Yuda wote mikononi mwa mfalme wa Babeli, ambaye atawachukua na kuwapeleka Babeli, ama awaue kwa upanga.
5 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.
Nitatia utajiri wote wa mji huu kwa adui zao: yaani mazao yao yote, vitu vyao vyote vya thamani, na hazina zote za wafalme wa Yuda. Watavitwaa kwa nyara na kuvipeleka Babeli.
6 Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
Nawe Pashuri pamoja na wote waishio katika nyumba yako mtakwenda uhamishoni Babeli. Mtafia humo na kuzikwa, wewe na rafiki zako wote ambao umewatabiria uongo.’”
7 Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa.
Ee Bwana, umenidanganya, nami nikadanganyika; wewe una nguvu kuniliko, nawe umenishinda. Ninadharauliwa mchana kutwa, kila mmoja ananidhihaki.
8 Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.
Kila ninenapo, ninapiga kelele nikitangaza ukatili na uharibifu. Kwa hiyo neno la Bwana limeniletea matukano na mashutumu mchana kutwa.
9 Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.
Lakini kama nikisema, “Sitamtaja wala kusema tena kwa jina lake,” neno lake linawaka ndani ya moyo wangu kama moto, moto uliofungwa ndani ya mifupa yangu. Nimechoka sana kwa kulizuia ndani mwangu; kweli, siwezi kujizuia.
10 Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
Ninasikia minongʼono mingi, “Hofu iko pande zote! Mshtakini! Twendeni tumshtaki!” Rafiki zangu wote wananisubiri niteleze, wakisema, “Labda atadanganyika; kisha tutamshinda na kulipiza kisasi juu yake.”
11 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
Lakini Bwana yu pamoja nami kama shujaa mwenye nguvu; hivyo washtaki wangu watajikwaa na kamwe hawatashinda. Watashindwa, nao wataaibika kabisa; kukosa adabu kwao hakutasahauliwa.
12 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.
Ee Bwana Mwenye Nguvu Zote, wewe umjaribuye mwenye haki na kupima moyo na nia, hebu nione ukilipiza kisasi juu yao, kwa maana kwako nimeliweka shauri langu.
13 Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.
Mwimbieni Bwana! Mpeni Bwana sifa! Yeye huokoa uhai wa mhitaji kutoka mikononi mwa waovu.
14 Ha inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin.
Ilaaniwe siku niliyozaliwa! Nayo isibarikiwe ile siku mama yangu aliyonizaa!
15 Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!
Alaaniwe mtu yule aliyemletea baba yangu habari, yule aliyemfanya afurahi sana, akisema, “Mtoto amezaliwa kwako, tena mtoto wa kiume!”
16 Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
Mtu huyo na awe kama miji ile ambayo Bwana Mungu aliiangamiza bila huruma. Yeye na asikie maombolezo asubuhi na kilio cha vita adhuhuri.
17 maxaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba.
Kwa sababu hakuniua nikiwa tumboni, hivyo mama yangu angekuwa kaburi langu, nalo tumbo lake la uzazi lingebaki kuwa kubwa daima.
18 Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
Kwa nini basi nilitoka tumboni ili kuona taabu na huzuni, na kuzimaliza siku zangu katika aibu?

< Yeremyaah 20 >