< Ishacyaah 27 >

1 Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira. 2 Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa. 3 Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa. 4 Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa. 5 Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo. 6 Oo wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan. 7 Miyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale? 8 Markaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay. 9 Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin. 10 Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan. 11 Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono. 12 Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa. 13 Oo wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

< Ishacyaah 27 >