< Cibraaniyada 8 >

1 Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira,
Yanzu abin da muke kokarin cewa shine: Muna da babban firist wanda ke zaune a hannun dama na kursiyi mai martaba dake sammai.
2 kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin.
Shi kuwa bawa ne a wannan wuri mai tsarki, haikali na gaskiya wanda Allah ya shirya ba wani bil'adama ba.
3 Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo.
Kowanne babban firist kuwa yana mika bayebaye da hadayu. Don haka ya kamata a sami abin hadaya.
4 Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay;
Da a ce Almasihu yana duniya ba zai zama firist ba ko kadan.
5 kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay.
Domin a kwai masu mika hadaya bisa ga shari'a. Suna hidimar misalin abubuwan da suke inuwar sama. Kamar yadda Allah ya yi wa Musa gargadi yayin da ya ke shirin gina Alfarwa: ''Duba'' Allah ya ce, ''kayi komai bisa ga salon da aka koya maka a bisa dutse.”
6 Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan.
Amma yanzu hidimar da Almasihu ya karba ta dara tasu dukka, domin kuwa shine matsakancin muhimmin alkawari, wanda aka kammala a kan muhimman alkawura.
7 Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen.
Domin kuwa idan alkawarin fari ba shi da laifi babu anfanin neman alkawari na biyu.
8 Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya, Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
Da Allah ya sami laifi akan mutane, sai ya ce ''Zan sake sabon alkawari da gidan Isra'ila da kuma gidan Yahuza.
9 Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
kuma ba zai zama kamar yadda nayi da kakanninku ba, kamar yadda na rike su a hannu har Na fidda su daga kasar Masar. Basu kuma ci gaba da Alkawarina ba, ni kuwa na yi watsi da su,'' inji Ubangiji.
10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda, Qalbigoodana waan ku qori doonaa, Oo Ilaah baan u ahaan doonaa, Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
Gama wanna shine alkawarin da zan yi da gidan Isra'ila bayan wadannan kwanaki, Inji Ubangiji. Zan sa shari'a ta a bakinsu in kuma rubuta ta a zuciyarsu, Zan kuma zama Allah a garesu, su kuma su zama jama'ata.
11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo, Waayo, kulli way i garan doonaan, Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
Ba za su kuma koyar da makwabta ko yan'uwansu cewa, ''ku san Ubangiji'' gama dukkanin su za su san ni, daga karami har zuwa babba.
12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa, Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.
Zan kuma nuna tausayi ga ayyukan su na rashin adalci, ba kuma zan kara tunawa da zunubansu ba.
13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.
A kan fadin ''sabo'' ya mayar da alkawarin fari tsoho. Wannan kuma da aka ambata tsoho na shirin bacewa.

< Cibraaniyada 8 >