< Galatiya 5 >

1 Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.
基督解救了我們,是為使我們獲得自由;所以你們要站穩,不可再讓奴隸的軛束縛住你們。
2 Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo.
請注意,我保祿告訴你們:若你們還願意受割損,基督對你們就沒有什麼益處。
3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo.
我再向任何自願受割損的人聲明:他有遵守全部法律的義務。
4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.
你們這些靠法律尋求成義的人,是與基督斷絕了關係,由恩寵上跌了下來。
5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.
至於我們,我們卻是依賴聖神,由於信德,懷著能成義的希望,
6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.
因為在基督耶穌內,割損或不割損都算不得什麼,唯有以愛德行事的信德,才算什麼。
7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?
以你們跑得好! 有誰攔阻了你們去追隨真理呢﹖
8 Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya.
這種勸誘決不是出自那召選你們的天主。
9 In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa.
少許的酵母就能使整個麵團發酵。
10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.
我在主內信任你們,認為你們不會有什麼別的心思;但那擾亂你們的人,不論他是誰,必要承受懲罰。
11 Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay.
至於我,弟兄們,如果我仍宣講割損的需要,那我為什麼還受迫害﹖若是這樣,十字架的絆腳石早就已除去了。
12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
巴不得那些擾亂你們的人,將自己割淨了!
13 Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego.
弟兄們,你們蒙召選,是為得到自由;但不要以這自由作為放縱肉慾的藉口,惟要以愛德彼此服事。
14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
因為全部法律總括在這句話內:『愛你的近人如你自己』。
15 Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.
但如果你們彼此相咬相吞,你們要小心,免得同歸於盡。
16 Laakiin waxaan leeyahay, Ruuxa ku socda, kolkaas aydnaan damaca jidhka yeelayne.
我告訴你們:你們若隨聖神的引導行事,就決不會去滿足本性的私慾,
17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.
因為本性的私慾相反聖神的引導,聖神的引導相反本性的私慾:二者互相敵對,致使你們不能行你們所願意的事。
18 Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.
但如果你們隨聖神的引導,就不在法律權下。
19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo,
本性私慾作為是顯而易見的: 即淫亂、不潔、放蕩、
20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo,
崇拜偶像、施行邪法、仇恨、競爭、嫉妒、忿怒、爭吵、不睦、分黨、
21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
妒恨、 [ 兇殺 ] 、醉酒、宴樂,以及與這些相類似的事。我以前勸戒過你們,如今再說一次:做這種事的人,決不能承受天主的國。
22 Laakiin midhaha Ruuxu waa jacayl, farxad, nabad, dulqaadasho, roonaan, wanaag, aaminnimo,
然而聖神的效果卻是:仁愛、喜樂、平安、忍耐、良善、溫和、忠信、
23 qabownimo, iscelin; waxa caynkaas ah sharci ka gees ahu ma jiro.
柔和、節制: 關於這樣的事,並沒有法律禁止。
24 Kuwa Ciise Masiix waxay iskutallaabta ku qodbeen jidhka iyo kacsigiisa xaaraanta ah iyo damacyadiisa sharka ah.
凡是屬於耶穌基督的人,已把肉身同邪情和私慾釘在十字架上了。
25 Haddii aynu Ruuxa ku nool nahay, aynu Ruuxana ku soconno.
如果我們因聖神生活,就應隨從聖神的引導而行事。
26 Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.
不要貪圖虛榮,不要彼此挑撥,互相嫉妒。

< Galatiya 5 >