< Galatiya 4 >

1 Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,
Ina cewa muddin magaji yaro ne, babu bambancin sa da bawa, ko da yake shine mai mallakan dukan kadarorin.
2 laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay.
A maimakon haka, yana karkashin masu jagora da amintattu har sai lokacin da mahaifinsa ya ajiye.
3 Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;
Hakannan mu ma, lokaci da muke yara, an rike mu cikin kangi na tushin ka'idojin wannan duniya.
4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
Amma da lokacin ya yi daidai, Allah ya aiko da dansa, haihuwar mace, haihuwar karkashin shari'a.
5 inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.
Ya yi haka ne domin ya fanshi wadanda ke a karkashin shari'a, domin mu karbi diyanci a matsayin 'ya'ya.
6 Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow.
Domin ku 'ya'ya ne, Allah ya aiko da Ruhun Dansa cikin zuciyarmu, Ruhun wanda ke kirar, “Abba, Uba.”
7 Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.
Saboda wannan dalilin kai ba kuma bawa ba ne amma da. Idan kai da ne, hakannan kuma kai ma magaji ne ta wurin Allah.
8 Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda.
Duk da haka a da, da ba ku san Allah ba, bayi ne ku ga alloli wadanda ainihi ba alloli ba ne ko kadan.
9 Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?
Amma yanzu da kuka san Allah, ko kuma, yanzu da Allah ya san ku, me ya sa kuke sake komawa zuwa ga tushen ka'idodin nan mara karfi da amfani? Kuna so ku sake komawa zaman bayi kuma daga farko?
10 Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado.
Kuna kiyaye ranaku na musamman, sabobin watanni, lokatai, da shekaru.
11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
Ina ji maku tsoro. Ina tsoro cewa kamar na yi aiki cikinku a wofi.
12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.
Ina rokon ku 'yan'uwa, ku zama kamar yadda nake, domin ni ma na zama kamar ku. Ba ku yi mani laifin komai ba.
13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.
Amma kun sani cewa saboda rashin lafiya ne na yi maku shelar bishara da farko.
14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix.
Ko da yake halin da nake ciki cikin jiki a zahiri ya sa ku cikin gwaji, ba ku raina ni ba ko kuma kuka watsar da ni. A maimakon haka, kun karbe ni kamar mala'ikan Allah, kamar ni Almasihu Yesu ne da kansa.
15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd.
Saboda haka, yanzu ina murnar taku? Domin ina shaidar ku, idan mai yiwuwa ne, da kun kwakulo idanunku, kun ba ni.
16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed?
To kenan, na zama makiyin ku ne saboda na gaya maku gaskiya?
17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.
Suna neman ku da himma ba domin wani alheri ba ne. Suna so su raba ni da ku domin ku bi su.
18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya.
Yana da kyau ko yaushe a yi himma domin dalilai masu kyau, ba kuma kawai sa'adda ina tare da ku ba.
19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.
'Ya'yana kanana, sabili da ku ina cikin zafin nakuda kuma sai Almasihu ya samu kafuwa cikinku.
20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.
Da ma a ce ina tare da ku yanzu in canza muryata, domin ina damuwa a kanku kwarai.
21 Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?
Ku gaya mani, ku da kuke marmarin ku zo karkashin shari'a, ba ku ji abin da shari'ar ta ce ba?
22 Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay.
A rubuce yake cewa, Ibrahim yana da 'ya'ya maza biyu, daya dan baiwa ne, dayan kuma dan 'yantaciyar mace ne.
23 Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay.
Abin lura anan, dan baiwar an haife shi ta hanyar mutuntaka ne, amma dan 'yantaciyar macen, an haife shi ta wurin alkawari ne.
24 Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar.
Ana iya bayyana abubuwan nan a hanyar kwatanci kamar haka, wadannan mata na kama da alkawarai ne guda biyu. Dayan alkawarin daga dutsen Sinayi ne. Ta haifi 'ya'ya da ke bayi ne su. Ita ce Hajaratu.
25 Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba.
Yanzu fa, Hajaratu ita ce dutsen Sinayi da ke Arebiya. Misali ce na Urushalima na yanzu, domin tana cikin bauta tare da 'ya'yanta.
26 Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen.
Amma Urushalima da ke bisa 'yantacciya ce, ita ce mahaifiyarmu.
27 Waayo, waxaa qoran, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay; Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay; Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.
Kamar yadda yake a rubuce, “Ki yi murna, ke bakarariya, ke da ba ki taba haihuwa ba. Ki yi shewa na farinciki, ke da ba ki dandana haihuwan da ba. Domin 'ya'yan bakarariya da yawa suke, fiye da ta mace mai miji.”
28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale.
Yanzu fa, 'yan'uwa, kamar yadda Ishaku yake, haka muke, wato 'ya'yan alkawari.
29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale.
A lokacin can, shi wanda aka haife shi ta hanyar mutuntaka ya tsananta wa wanda aka haife shi ta hanyar Ruhu. Haka yake har yanzu.
30 Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah.
Amma menene nassi ya ce? “Ka kori baiwar nan tare da danta. Domin dan baiwar nan ba za ya ci gado tare da dan macen nan da ke 'yantacciya ba.”
31 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.
Saboda haka 'yan'uwa, mu ba 'ya'yan baiwa ba ne, a maimakon haka, mu 'ya'yan macen nan ne da ke 'yantacciya.

< Galatiya 4 >