< Galatiya 1 >

1 Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay.
Mimi ni Paulo mtume. Mimi sio mtume kutoka kwa wanadamu wala kupitia kwa mwanadamu, lakini kupitia kwa Yesu Kristo na Mungu Baba aliyemfufua kutoka kwa wafu.
2 Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.
Pamoja na ndugu wote na mimi, ninayaandikia makanisa ya Galatia.
3 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,
Neema iwe kwenu na amani itokayo kwa Mungu Baba yetu na Bwana Yesu Kristo,
4 kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah. (aiōn g165)
aliyejitoa mwenyewe kwa ajili ya dhambi zetu ili kwamba atukomboe na nyakati hizi za uovu, kutokana na mapenzi ya Mungu wetu na Baba. (aiōn g165)
5 Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn g165)
Kwake uwe utukufu milele na milele. (aiōn g165)
6 Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale,
Ninashangaa kwamba mnageukia haraka kwenye injili nyingine. Ninashangaa kwamba mnageukia mbali kutoka kwake yeye aliyewaita kwa neema ya Kristo.
7 oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan.
Hakuna injili nyingine, lakini kuna baadhi ya watu wanao wasababishieni nyinyi matatizo na kutaka kubadilisha injili ya Kristo.
8 Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado.
Lakini hata kama ni sisi au malaika kutoka mbinguni atatangaza kwenu injili tofauti na ile tuliyoitangaza kwenu, na alaaniwe.
9 Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado.
Kama tulivyo sema mwanzoni, na sasa nasema tena, “Kama kuna mtu atawatangazia kwenu injili tofauti na mliyoipokea, na alaaniwe.”
10 Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
Kwani sasa hivi ninatafuta uthibitisho wa watu au Mungu? Ninatafuta kuwafurahisha wanadamu? Kama ninaendelea kujaribu kuwafurahisha wanadamu, mimi sio mtumishi wa Kristo.
11 Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.
Ndugu, ninataka ninyi mjue kwamba injili niliyoitangaza haitokani na wanadamu.
12 Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.
Sikuipokea kutoka kwa mtu, wala sikufundishwa. Badala yake, ilikuwa ni kwa ufunuo wa Yesu Kristo kwangu.
13 Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.
Mmekwisha sikia juu ya maisha yangu ya nyuma katika dini ya Kiyahudi, jinsi nilivyokuwa nikilitesa kwa ukali kanisa la Mungu zaidi ya kipimo na kuliteketeza.
14 Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay.
Nilikuwa nimeendelea katika Dini ya Kiyahudi zaidi ya ndugu zangu wengi Wayahudi. Nilikuwa na bidii sana katika tamaduni za baba zangu.
15 Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay
Lakini Mungu alipendezwa kunichagua mimi kutoka tumboni mwa mama. Aliniita mimi kupitia neema yake
16 inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.
kumdhihirisha Mwanawe ndani yangu, ili kwamba nimtangaze yeye miongoni mwa watu wa mataifa. Wala sikutafuta ushauri wa mwili na damu
17 Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.
na sikupanda kwenda Yerusalem kwa wale waliokuwa mitume kabla yangu. Badala yake nilienda Uarabuni na baadae kurudi Damesiki.
18 Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.
Kisha baada ya miaka mitatu nilipanda kwenda Yerusalemu kumtembelea Kefa, nikakaa naye kwa siku kumi na tano.
19 Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.
Lakini sikuona mitume wengine isipokuwa Yakobo, ndungu yake na Bwana.
20 Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo.
Tazama, mbele za Mungu, sidanganyi kwa kile niandikacho kwenu.
21 Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,
Kisha nilikwenda mikoa ya Shamu na Kilikia.
22 oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil.
Sikuwa najulikana kwa macho kwa makanisa ya Uyahudi yale yaliyokuwa katika Kristo,
23 Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.
lakini walikuwa wakisikia tu, “Yeye aliyekuwa akitutesa sasa anatangaza imani aliyokuwa akiiharibu.”
24 Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.
Walikuwa wakimtukuza Mungu kwa ajili yangu.

< Galatiya 1 >