< Baxniintii 21 >

1 Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.
Now these are the judgments which thou shalt set before them.
2 Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.
If thou buy an Hebrew servant, six years he shall serve: and in the seventh he shall go out free for nothing.
3 Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.
If he come in by himself, he shall go out by himself: if he be married, then his wife shall go out with him.
4 Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.
If his master give him a wife, and she bear him sons or daughters; the wife and her children shall be her master’s, and he shall go out by himself.
5 Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,
But if the servant shall plainly say, I love my master, my wife, and my children; I will not go out free:
6 de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.
then his master shall bring him unto God, and shall bring him to the door, or unto the door post; and his master shall bore his ear through with an awl; and he shall serve him for ever.
7 Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.
And if a man sell his daughter to be a maidservant, she shall not go out as the menservants do.
8 Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.
If she please not her master, who hath espoused her to himself, then shall he let her be redeemed: to sell her unto a strange people he shall have no power, seeing he hath dealt deceitfully with her.
9 Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.
And if he espouse her unto his son, he shall deal with her after the manner of daughters.
10 Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.
If he take him another [wife]; her food, her raiment, and her duty of marriage, shall he not diminish.
11 Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.
And if he do not these three unto her, then shall she go out for nothing, without money.
12 Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.
He that smiteth a man, so that he die, shall surely be put to death.
13 Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.
And if a man lie not in wait, but God deliver [him] into his hand; then I will appoint thee a place whither he shall flee.
14 Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.
And if a man come presumptuously upon his neighbour, to slay him with guile; thou shalt take him from mine altar, that he may die.
15 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.
And he that smiteth his father, or his mother, shall be surely put to death.
16 Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.
And he that stealeth a man, and selleth him, or if he be found in his hand, he shall surely be put to death.
17 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.
And he that curseth his father, or his mother, shall surely be put to death.
18 Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;
And if men contend, and one smiteth the other with a stone, or with his fist, and he die not, but keep his bed:
19 kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.
if he rise again, and walk abroad upon his staff, then shall he that smote him be quit: only he shall pay for the loss of his time, and shall cause him to be thoroughly healed.
20 Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.
And if a man smite his servant, or his maid, with a rod, and he die under his hand; he shall surely be punished.
21 Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.
Notwithstanding, if he continue a day or two, he shall not be punished: for he is his money.
22 Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.
And if men strive together, and hurt a woman with child, so that her fruit depart, and yet no mischief follow: he shall be surely fined, according as the woman’s husband shall lay upon him; and he shall pay as the judges determine.
23 Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,
But if any mischief follow, then thou shalt give life for life,
24 oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,
eye for eye, tooth for tooth, hand for hand, foot for foot,
25 oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.
burning for burning, wound for wound, stripe for stripe.
26 Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.
And if a man smite the eye of his servant, or the eye of his maid, and destroy it; he shall let him go free for his eye’s sake.
27 Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.
And if he smite out his manservant’s tooth, or his maidservant’s tooth; he shall let him go free for his tooth’s sake.
28 Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.
And if an ox gore a man or a woman, that they die, the ox shall be surely stoned, and his flesh shall not be eaten; but the owner of the ox shall be quit.
29 Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.
But if the ox were wont to gore in time past, and it hath been testified to his owner, and he hath not kept him in, but that he hath killed a man or a woman; the ox shall be stoned, and his owner also shall be put to death.
30 Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.
If there be laid on him a ransom, then he shall give for the redemption of his life whatsoever is laid upon him.
31 Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.
Whether he have gored a son, or have gored a daughter, according to this judgment shall it be done unto him.
32 Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.
If the ox gore a manservant or a maidservant; he shall give unto their master thirty shekels of silver, and the ox shall be stoned.
33 Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,
And if a man shall open a pit, or if a man shall dig a pit and not cover it, and an ox or an ass fall therein,
34 de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
the owner of the pit shall make it good; he shall give money unto the owner of them, and the dead [beast] shall be his.
35 Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.
And if one man’s ox hurt another’s, that he die; then they shall sell the live ox, and divide the price of it; and the dead also they shall divide.
36 Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.
Or if it be known that the ox was wont to gore in time past, and his owner hath not kept him in; he shall surely pay ox for ox, and the dead [beast] shall be his own.

< Baxniintii 21 >