< Efesos 6 >

1 Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
'Ya'ya, ku yi biyayya ga iyayenku chikin Ubangiji, domin wannan daidai ne.
2 Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
“Ka girmama mahaifinka da mahaifiyarka” (Doka ta fari kenan da alkawari),
3 inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.
“ta haka za ku yi albarka, domin kwanakinku su yi tsawo a duniya”.
4 Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
Hakanan, ku ubanni kada ku cakuni 'ya'yan ku har su yi fushi, amma ku goye su cikin horon Ubangiji da gargadinsa.
5 Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
Bayi, ku yi biyayya ga iyayengijinku na duniya tare da girmamawa da tsoro da zuciya mai gaskiya. Ku yi masu biyayya kamar ga Almasihu.
6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
Ku yi masu biyayya ba don lallai suna kallonku ba domin ku faranta masu rai. Maimakon haka, ku yi biyayya kamar bayi ga Almasihu. Ku yi nufin Allah daga zuciya.
7 Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,
Ku yi hidima da dukan zuciya, kamar kuna bautar Ubangiji ba mutane ba.
8 idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.
Sai ku sani cewa duk abinda mutum ya yi zai karbi sakamako daga wurin Ubangiji, ko shi bawa ne ko 'yantacce.
9 Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
Ku kuma iyayengiji, ku yi irin wannan ga barorin ku. Kada ku razana su. Kun sani shi wanda ke Ubangijinsu da ku daya ne yana sama. Kun sani tare da shi baya nuna tara.
10 Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
A karshe, ku karfafa cikin Ubangiji da cikin karfin ikonsa.
11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
Ku dauki dukan makamai na Allah, domin ku iya dagewa gaba da dabarun shaidan.
12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira. (aiōn g165)
Gama yakinmu ba da nama da jini bane. Amma, da ikoki da mulkoki da mahukuntan wannan zamani mai duhu da rundunai masu duhu na mugunta cikin sammai. (aiōn g165)
13 Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.
Don haka ku dauki dukan makamai na Allah, domin ku iya tsayawa da karfi cikin muguwar rana. Bayan kun yi komai za ku tsaya da karfi.
14 Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan,
Saboda haka ku tsaya da karfi. Ku yi wannan bayan kun yi damara cikin gaskiya kuna yafa sulke na adalci.
15 oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda,
Ku yi wannan bayan kun daure kafafunku da shirin kai bisharar salama.
16 oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan.
Cikin dukan abu ku dauki garkuwar bangaskiya, wadda za ku kashe dukan kibau masu wuta na mugun.
17 Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah.
Ku dauki kwalkwalin ceto da takobin Ruhu, wanda shine maganar Allah.
18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
Tare da kowacce irin addu'a da roko kuna addu'a kullum cikin Ruhu. Da wannan lamiri, kuna tsare wannan da iyakacin kula da dukan juriya da roko saboda dukan masu bi.
19 Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
Ku yi mani addu'a, domin in karbi sako duk sa'adda na bude bakina. Ku yi addu'a in sami gabagadin bayyana boyayyar gaskiyar bishara.
20 kaas oo aan u ahay mid ergo ah oo silsilad ku xidhan, inaan cabsila'aan ugu hadlo sida igu waajibka ah.
Saboda bishara nake jakada cikin sarkoki, yadda a cikinta zan yi magana gabagadi yadda takamata.
21 Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.
Amma domin ku san rayuwa ta, da yadda nake, Tikikus, dan'uwa kaunatacce da amintaccen bawa cikin Ubangiji, zai sanar da ku dukan abu.
22 Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.
Saboda wannan dalili na aiko shi gare ku, domin ku san al'amuran mu, kuma domin ku sami ta'aziya a zukatan ku.
23 Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.
Bari salama ta kasance tare da 'yan'uwa, kauna da bangaskiya daga wurin Allah Uba da Ubangiji Yesu Almasihu.
24 Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
Alheri ya kasance tare da wadannan da suke kaunar Ubangijinmu Yesu Almasihu tare da kauna mara mutuwa.

< Efesos 6 >