< Wacdiyahii 8 >

1 Yaa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micnihiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, oo adaygga wejigiisuna wuu beddelmaa.
Kas ir kā gudrais un kas zin sacīt, kādas tās lietas ir? Cilvēka gudrība dara gaišu viņa vaigu un viņa bargums pārvēršās.
2 Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
Es (saku): liec vērā ķēniņa pavēli, kā tu Dievam esi zvērējis.
3 Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.
Nesteidzies no viņa vaiga iet nost, netinies nekādā ļaunā darbā; jo visu, ko viņš grib, to viņš dara.
4 Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?
Kur ķēniņa vārds ir, tur ir vara, un kas uz viņu var sacīt: ko tu dari?
5 Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.
Kas bausli tur, tas neredzēs ļauna; un gudra sirds zin laiku un tiesu.
6 Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.
Jo ikkatram padomam ir savs laiks un sava tiesa; jo cilvēka ļaunums to smagi spiež.
7 Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?
Jo viņš nezin, kas notiks un kas viņam sacīs, kā tas būs?
8 Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.
Cilvēka nav, kam būtu vara pār garu, to garu aizturēt; viņam arī nav varas pār miršanas dienu, un nav atlaišanas karā; tā arī bezdievība to neizglābs, kas to dara.
9 Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.
Visu to es esmu redzējis, un esmu griezis savu sirdi uz ikvienu darbu, ko dara pasaulē. Dažkārt cilvēks pār cilvēku valda sev par nelaimi.
10 Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Es arī vēl redzēju bezdievīgus, kas tika aprakti un nāca pie dusas; bet tālu aizgāja no svētās vietas un tika aizmirsti pilsētā, kas bija darījuši taisnību; arī tā ir niecība.
11 Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.
Kad tiesu par ļauno darbu nenes drīzumā, tad cilvēku bērnu sirds paliek droša, ļaunu darīt.
12 In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.
Jebšu grēcinieks simts reizes ļaunu dara un dzīvo ilgi, tomēr es zinu, ka dievbijīgiem labi klāsies, kas priekš viņa bīstas.
13 Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
Bet bezdievīgam labi neklāsies, un viņš ilgi nedzīvos, tā kā ēna; tādēļ ka viņš priekš Dieva nebīstas.
14 Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Niecība ir, kas notiek virs zemes, ka ir taisni cilvēki, kam tā klājās, tā kā būtu darījuši bezdievīgi, un ir bezdievīgi, kam tā klājās, tā kā būtu darījuši taisni; es sacīju: arī tā ir niecība.
15 Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.
Tādēļ es slavēju to prieku, ka cilvēkam cita labuma nav pasaulē, kā vien ēst un dzert un priecāties, un tas viņam atlec no viņa pūliņa viņa dzīvības laikā, ko Dievs viņam dod pasaulē.
16 Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),
Kad es apņēmos, gudrību atzīt un ieraudzīt to grūtumu, kas virs zemes notiek, ka dažs ne dienu ne nakti miegu neredz savām acīm.
17 markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.
Tad es redzēju visu Dieva darbu, ka cilvēks to darbu nevar izprast, kas notiek pasaulē; jebšu cilvēks darbojās izdomāt, tomēr viņš to neizdibinās, un jebšu arī tas gudrais sacītu, ka viņš to zina, tomēr viņš to nevar atrast.

< Wacdiyahii 8 >