< Sharciga Kunoqoshadiisa 9 >

1 Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,
Mvera Israeli. Watsala pangʼono kuwoloka Yorodani ndi kukathamangitsa mitundu ikuluikulu ndi yamphamvu kuposa iweyo, imene mizinda yake ndi ikuluikulu yokhala ndi makoma ofika mpaka kumwamba.
2 oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?
Anthuwo ndi ataliatali, Aanaki! Ukudziwa za iwo ndipo unamvapo zikunenedwa kuti, “Ndani amene angalimbane ndi Aanaki?”
3 Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay.
Koma khulupirira lero kuti Yehova Mulungu wako amene ali patsogolo pako ali ngati moto wonyeketsa. Adzawononga iwowo ndipo adzawagonjetsa iweyo ukuona. Pamenepo udzawathamangitsa ndi kuwakantha mwamsanga, monga momwe Yehova wakulonjezera.
4 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis.
Yehova Mulungu wako akadzawapirikitsa pamaso pako, usadzanene mu mtima mwako kuti, “Yehova wandibweretsa kuno kudzalanda dziko lino chifukwa cha kulungama kwanga.” Ayi, koma ndi chifukwa cha kuyipa kwa anthu amene Yehova ati awapirikitse pamaso pako.
5 Oo xaqnimadiinna iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.
Sukalowa ndi kutenga dziko lawolo chifukwa cha kulungama kwako kapena kukhulupirika kwako koma chifukwa cha kuyipa kwa anthuwo. Yehova Mulungu wako awapirikitsa pamaso pako kuti akwaniritse zimene analumbira kwa makolo ako Abrahamu, Isake ndi Yakobo.
6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag.
Tsono zindikira kuti si chifukwa cha kulungama kwako kuti Yehova Mulungu wako akukupatsa dziko labwinoli kuti ulitenge popeza ndiwe wokanika.
7 Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.
Kumbukirani izi ndipo musayiwale mmene munaputira mkwiyo wa Yehova Mulungu mʼchipululu muja. Kuyambira tsiku limene munatuluka mu Igupto mpaka pamene munafika kuno, mwakhala owukira Yehova.
8 Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.
Ku Horebu munaputa mkwiyo wa Yehova, kotero kuti anakwiya kwambiri nafuna kukuwonongani.
9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin.
Nditakwera ku phiri kuti ndikalandire miyala iwiri ya malamulo, ya pangano limene Yehova anachita ndi inu, ndinakhala ku phiriko kwa masiku makumi anayi usiku ndi usana, sindinadye buledi kapena kumwa madzi.
10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.
Yehova anandipatsa miyala iwiri yolembedwa ndi chala chake. Pa miyalapo panali malamulo onse amene Yehova analengeza kwa inu pa phiri kuchokera mʼmoto pa tsiku la msonkhano.
11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.
Pakutha pa masiku makumi anayi usiku ndi usana, Yehova anandipatsa miyala iwiri, miyala ya pangano.
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.
Tsono Yehova anandiwuza, “Tsikako kuno msanga, chifukwa anthu ako aja unawatulutsa ku Iguptowa adziyipitsa. Iwo apatukapo mofulumira pa zimene ndinawalamulira ndipo adzipangira fano lachitsulo.”
13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag,
Ndipo Yehova anati kwa ine, “Anthu awa ndawaona ndipo ndi anthu okanikadi!
14 haddaba iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn.
Ndilekeni ndiwawononge ndi kufafaniza mayina awo pa dziko lapansi. Ndipo ndidzakuyesa iwe mtundu wa anthu wamphamvu ndi wochuluka kuposa iwo.”
15 Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.
Choncho ndinatembenuka ndi kutsika phiri moto ukanayakabe. Ndipo miyala iwiri ya pangano inali mʼmanja mwanga.
16 Oo anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray.
Ine poyangʼana ndinaona kuti inu munachimwira Yehova Mulungu wanu. Munadzipangira fano lowumbidwa ngati mwana wangʼombe. Inuyo munapatuka msanga kuchoka pa njira imene Yehova anakulamulirani.
17 Markaasaan qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda ku jejebiyey.
Motero ine ndinaponya pansi miyala imene inali mʼmanja mwanga, ndi kuyiphwanya inu mukuona.
18 Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga xanaajiseen.
Tsono nthawi yomweyo ndinagwa chafufumimba pamaso pa Yehova kwa masiku makumi anayi usiku ndi usana. Sindinadye buledi kapena kumwa madzi chifukwa cha machimo onse amene munawachita, kuchita zoyipa pamaso pa Yehova ndi kumukwiyitsa kwambiri.
19 Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay.
Ine ndinachita mantha ndi mkwiyo ndi ukali wa Yehova chifukwa anakwiya nanu kokwanira kukuwonongani. Koma Yehova anandimveranso.
20 Oo Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay.
Ndipo Yehova anakwiya ndi Aaroni ndipo akanamuwononga, koma ine ndinamupemphereranso Aaroniyo.
21 Markaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega.
Ndiponso ndinatenga chinthu chanu choyipacho, mwana wangʼombe amene munapangayo, ndi kumuwotcha pa moto. Kenaka ndinamuphwanya ndi kumuperapera ndikukhala ngati fumbi ndipo ndinawaza fumbilo mu mtsinje umene unkayenda kuchokera mʼphiri.
22 Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.
Inu munamukwiyitsanso Yehova ku Tabera, ku Masa ndi ku Kibiroti Hatava.
23 Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.
Ndipo Yehova atakutulutsani ku Kadesi Barinea anati, “Pitani mukatenge dziko limene ndakupatsani.” Koma munawukira ulamuliro wa Yehova Mulungu wanu. Inu simunamukhulupirire kapena kumumvera.
24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.
Kuyambira pamene ndinakudziwani, mwakhala owukira Yehova.
25 Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa.
Ine ndinagwa chafufumimba pamaso pa Yehova kwa masiku makumi anayi usana ndi usiku chifukwa Yehova ananena kuti akuwonongani.
26 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay.
Ndinapemphera kwa Ambuye ndi kuti, “Haa Yehova Wamkulukulu, musawawononge anthu anu, chuma chanuchanu chimene munachipulumutsa ndi mphamvu yanu yayikulu ku Igupto ndi dzanja lanu la mphamvu.
27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,
Kumbukirani atumiki anu Abrahamu, Isake ndi Yakobo. Musatengere kupulupudza, kuyipa ndi kuchimwa kwawo anthuwa.
28 waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.
Kupanda kutero, ndiye kuti anthu a ku dziko lija munatitulutsaku adzati, ‘Yehova anawatulutsa kuti akawaphe mʼchipululu popeza sanathe kukawalowetsa mʼdziko limene anawalonjeza ndipo anadana nawo.’
29 Laakiin iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad xooggaaga weyn iyo cududdaada fidsan ku soo bixisay.
Koma iwowa ndi anthu anu, chuma chanu chimene munachitulutsa ndi mphamvu yanu yayikulu ndi mkono wanu wotambasuka.”

< Sharciga Kunoqoshadiisa 9 >