< Sharciga Kunoqoshadiisa 4 >

1 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.
以色列! 現在你要聽我教訓你們的法令和規律,盡力遵行:這樣你們纔能生活,纔能進入佔領,上主你們祖先的天主賜給你們的地方。
2 Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo.
我吩咐你們的話,你們不可增刪,而應全守我向你們所訓示的,上主你們天主的誡命。
3 Indhihiinnaad ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.
你們親眼見了上主在巴耳培敖爾所做的事:凡隨從巴耳培敖爾的人,上主你們的天主都由你們中間消滅了;
4 Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin kastaaba maanta waa nool yahay.
你們依附上主你們的天主的人,今日都還活著。
5 Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
看,我授與你們法令和規律,都是上主我的天主吩咐與我的,好叫你們在你們要去佔領的土地內,依照遵行。
6 Haddaba iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah.
你們要謹守遵行,因為這樣,在萬民眼中,纔能顯出你們的智慧和見識;他們一聽到這一切法令說:「這實在是一個有智慧,有見識的大民族! 」
7 Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?
有那個大民族的神這樣接近他們,如同上主我們的天主,在我們每次呼求他時,這樣親近我們呢﹖
8 Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?
又有那個大民族,有這樣公正的法令和規律,如同我今天在你們面前,所頒佈的這一切法律呢﹖
9 Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.
你應謹慎,加意留心,不要忘了你親眼所見的奇事,終生日日不要讓這些事遠離你的心,並要將這一切傳於你的子子孫孫。
10 Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan.
當你在曷勒布,站在上主你的天主面前的那一天,上主曾對我說:「你給我召集民眾,我要叫他們聽清我的話,使他們在世有生之日,學習敬畏我,以此教訓自己的子女。」
11 Oo idinkuna waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro weyn.
你們遂走上前來,站在山腳下,其時山上火燄沖天,且為黑暗和烏雲籠罩著。
12 Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod.
上主由火中對你們說話,你們聽到說話的聲音,卻見不到什麼形狀,只有聲音。
13 Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah.
他將他的盟約,即那十條誡命,給你們宣布出來,吩咐你們遵守,又將這誡命寫在兩塊石版上;
14 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.
同時上主也吩咐我將法令和規律教訓你們.叫你們在要去佔領的土地內遵行。
15 Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,
你們應極其謹慎:因為上主你們的天主,在曷勒布由火中對你們說話的那天,你們既然沒有見到什麼形狀,
16 waaba intaasoo aad iskharribtaan, oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,
那麼,你們切不要墮落,為自己製造任何形狀的神像,無論是男或者是女的形狀,
17 ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,
或地上各種走獸的形狀,或空中各類飛鳥的形狀,
18 ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya.
或地上任何爬蟲的形狀,或地下水裏各種魚類的形狀。
19 Ama waa intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga, oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka hooseeya oo dhan.
當你舉目望天,觀看日月星辰,和天上的眾星宿時,切不要為之勾引,而去敬拜事奉。那原是上主,你的天主分賜給普天下萬民享用的;
20 Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay.
至於你們,上主揀選了你們,將你們由鐵爐中──埃及──領出來,作他特有的子民,就如今日一樣。
21 Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,
可是,上主為了你們的緣故,對我發怒起誓,不讓我過約但河,不許我進入,上主你的天主賜給你作產業的那肥美的土地;
22 laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.
我只有死在這地方,不得過約但河;你們都要過去,佔領那肥美的土地為產業,
23 Digtoonaada, waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.
那麼你們應謹慎,不要忘記上主你們的天主與你們所訂立的盟約,不要製造任何形狀的神像,有如上主你的天主所禁止的,
24 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo waa Ilaah masayr ah.
因為上主你的天主是吞噬的烈火,忌邪的天主。
25 Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,
當你們生養了子孫,在那地住得久了,如果你們墮落下去,製造任何形狀的偶像,行了上主你的天主眼中視為邪惡的事,惹他發怒,
26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan.
我今天就指著上天下地對你們作證,你們必在過約但河後所佔領的土地上迅速滅亡,決不會在那地長久生存,必全被消滅。
27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan.
上主要將你們分散到萬民之中,在上主領你們所到的外邦中,你們剩下的人,必為數不多。
28 Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.
在那裏你們要事奉人手所製造的神,即各種看不見,聽不見,不會吃,不能聞的木石神像。
29 Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.
你在那裏必要尋求上主你的天主,只要你全心全靈尋求,你就可尋到他。
30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan,
日後,當這些事都臨於你,使你困惱時,你必回心歸向上主你的天主,聽從他的聲音;
31 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.
因為上主你的天主原是仁慈的天主,他不會捨棄你,不會毀滅你,也不會忘卻他起誓與你祖先所立的盟約。
32 Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey, ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.
你且考察在你以前過去的世代,從天主在地上造了人以來,由天這邊到天那邊,是否有過像這樣的大事,是否聽過像這樣的事﹖
33 War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday?
是否有一民族,如同你一樣,聽到了天主由火中說話的聲音,還仍然活著﹖
34 Oo weligiis Ilaah maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii Masar?
或者,是否有過一個神,以災難、神蹟、奇事、戰爭、強力的手、伸展的臂和可怕的威能,企圖將某一民族由另一民族中領出來,如上主你們的天主在埃及於你們眼前,對你們所做的一切一樣﹖
35 Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro.
這一切只顯示給你,是要你知道,只有上主是天主,除他以外再沒有別的神。
36 Oo isagu samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.
他由天上使你聽到他的聲音,是為教訓你;在地上使你見到他的烈火,叫你聽到他由火中發出的言語。
37 Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn,
他由於愛你的祖先,纔揀選了他們的後裔,親自以強力把你由埃及領出來,
38 iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay.
由你面前趕走比你更大的民族,領你進入他們的國土,賜給你作為產業,就如今日一樣。
39 Haddaba maanta ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin.
所以今日你該知道,且要牢記在心:天上地下,只有上主是天主,再沒有別的神。
40 Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.
你應遵守他的法令和誡命,就是我今日所訓示與你的,好使你和你的後代子孫得享幸福,在上主你的天主永久賜給你的土地內,能以久住。」
41 Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,
那時梅瑟在約但河東,向日出之地,劃定了三座城,
42 in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.
使那素無仇恨而又無心殺死同胞的人,可逃到那裏去避難;凡逃入其中的一座,就可獲救。
43 Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.
為勒烏本人指定了位於曠野高原的貝責爾;為加得人指地了基肋阿得的辣摩特;為默納協人指定了巴商的哥藍。
44 Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,
這是梅瑟在以色列子民面前宣布的法律,
45 kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,
就是梅瑟在以色列子民出埃及後,對他們所發表的勸告、法令和規則。
46 iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.
地點是在約但河東,貝特培敖爾對面的山谷中,即在位於赫市朋的阿摩黎王息紅的國土內。息紅已為梅瑟和以色列子民由埃及出來後所殺,
47 Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.
他的土地為他們所佔領,並且也佔了巴商王敖格的土地。──這兩個阿摩黎人王,住在約但河東,向日出之地,
48 Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon),
從阿爾農河岸的阿洛厄爾,直到息爾翁山,即赫爾孟山,
49 iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.
連約但河東的全阿辣巴荒野在內,直到位於丕斯加山坡下的阿辣巴海。

< Sharciga Kunoqoshadiisa 4 >