< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >

1 Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar. 2 Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 3 Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen. 4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin. 5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, 6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen. 7 Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan. 8 Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban. 9 Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad. 10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo. 11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan. 13 Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah. 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna. 15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan. 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan. 17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey. 18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa. 20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. 21 Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona. 22 Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 16 >