< Daanyeel 1 >

1 Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.
Katika mwaka wa tatu wa utawala wa Yehoyakimu mfalme wa Yuda, Nebukadneza mfalme wa Babeli alikuja Yerusalemu na kuuzunguka mji ili kuzuia mahitaji yake yote.
2 Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
Bwana alimpa Nebukadneza ushindi dhidi ya Yehoyakimu mfalme wa Yuda, na alimpatia vitu vitakatifu kutoka nyumba ya Mungu. Alivipeleka vitu hivyo mpaka katika nchi ya Babeli, kwa nyumba ya mungu wake, na aliviweka vitu vitakatifu katika hazina ya mungu wake.
3 Markaasaa boqorkii la hadlay Ashfenas oo madax u ahaa raggiisii bohommada ahaa, oo wuxuu u sheegay inuu keeno reer binu Israa'iil qaar ka mid ah, oo weliba ah kuwo ka soo farcamay reer boqor, iyo kuwa gobta ah;
Mfalme akamwambia Ashipenazi, afisa wake mkuu, awalete baadhi ya watu wa Israeli, wa familia ya kifalme na za kiungwana -
4 kuwo dhallinyar oo aan iin lahayn, oo qurqurxoon, oo xagga xigmadda oo dhan ku dheer, oo aqoon badan, oo waxgarasho leh, iyo inta awood u leh inay guriga boqorka istaagaan, iyo inuu iyaga tacliinta iyo afka reer Kaldayiin baro.
vijana wasio na hila, wenye mwonekano wa kuvutia, wenye ujuzi katika hekima yote, wenye kujawa na ufahamu na weledi, na wenye sifa za kutumika katika ikulu ya mfalme. Alitakiwa kuwafundisha maandiko na lugha ya Babeli.
5 Boqorkiina wuxuu rukun uga dhigay iyagii in ka mid ah cuntadiisii wanaagsanayd iyo khamrigii uu cabbi jiray, oo wuxuu amray in intii saddex sannadood ah la quudiyo si ay dabadeed boqorka isu hor taagaan.
Mfalme aliwatengea kwa ajili yao fungu kutoka katika chakula chake kizuri kwa kila siku na katika divai aliyokunywa. Vijana hawa walitakiwa kufunzwa kwa miaka mitatu, na baada ya hapo, wangeweza kumtumikia mfalme.
6 Kuwaasna waxaa ku jiray, oo reer Yahuudah ka mid ahaa, Daanyeel, Xananyaah, Miishaa'eel, iyo Casaryaah.
Miongoni mwao walikuwa ni Danieli, Hanania, Mishaeli, na Azaria, baadhi ya watu wa Yuda.
7 Markaasaa amiirkii bohommada ayaa magacyo u baxshay oo Daanyeel wuxuu u baxshay Beelteshaasar, Xananyaahna wuxuu u baxshay Shadrag; Miishaa'eelna wuxuu u baxshay Meeshag; Casaryaahna wuxuu u baxshay Cabeednegoo.
Afisa mkuu aliwapa majina: Danieli alimwita Belteshaza, Hanania alimwita Shadraka, Mishaeli alimwita Meshaki, na Azaria alimwita Abedinego.
8 Daanyeelna wuxuu qalbiga ku haystay inuusan isku nijaasayn cuntada wanaagsan ee boqorka iyo khamriga uu cabbo toona; sidaas daraaddeed wuxuu amiirkii bohommada weyddiistay inuu u oggolaado inuusan isnijaasayn.
Lakini Danieli alinuia katika akili yake kuwa asingejitia ujanisi mwenyewe kwa chakula kizuri cha mfalme wala kwa divai ambayo alikunywa.
9 Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.
Basi, aliomba ruhusa kutoka kwa afisa mkuu ili kwamba asije akajitia uchafu yeye mwenyewe. Hivyo, Mungu alimpa Danieli kibali na huruma kupitia katika heshima ambayo afisa mkuu alikuwa nayo kwake.
10 Markaasaa amiirkii bohommadu Daanyeel ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa sayidkayga boqorka ah, oo rukunka idiinka dhigay cuntadiinna iyo cabbitinkiinna, waayo, muxuu u arki wejiyadiinna oo ka liita kuwa dhallinyarada ah ee aad isku da'da tihiin? Sidaasaad madaxayga khatar ugu gelinaysaan boqorka hortiisa.
Afisa mkuu alimwambia Danieli, “Ninamwogopa bwana wangu mfalme. Ameagiza aina ya chakula na vinywaji mnavyotakiwa kutumia. Kwa nini awaone ninyi mkiwa mnaonekana vibaya kuliko vijana wengine wa umri wenu? Mfalme aweza kukitwaa kichwa changu kwa sababu yenu.
11 Markaasaa Daanyeel ku yidhi wakiilkii, amiirka bohommadu ka dhigay inuu u taliyo Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah,
Kisha Daniel akamwambia msimamizi ambaye afisa mkuu alikuwa amemweka juu ya Danieli, Hanania, Mishaeli, na Azaria.
12 Waan ku baryayaaye, intii toban maalmood ah na tijaabi annagoo addoommadaada ah, oo ha nala siiyo atar aan cunno iyo biyo aan cabnoba.
Alisema, “Tafadhari tujaribuni, sisi watumishi wako kwa siku kumi. Tupatieni tu mboga mboga za kula na maji ya kunywa.
13 Dabadeedna wejiyadayada hortaada ha lagu fiiriyo iyo wejiga dhallinyarada boqorka cuntadiisa cunta; oo markaas annagoo ah addoommadaada sidii aad nagu aragtid noola macaamilo.
Kisha ulinganishe mwonekano wetu na mwonekano wa vijana wanaokula vyakula vya mfalme, na mtutendee, sisi watu wako kulingana na kile unachokiona.”'
14 Sidaasuu uga dhegaystay xaaladdaas, oo intii toban maalmood ah ayuu tijaabiyey.
Hivyo msimamizi alikubaliana naye kufanya hivi, na aliwajaribu kwa siku kumi.
15 Markay tobankii maalmood dhammaadeen, way ka weji qurxoonaayeen, wayna ka buurbuurnaayeen dhallinyaradii cuntada boqorka wax ka cuni jirtay oo dhan.
Katika mwisho wa siku kumi mwonekano wao ulikuwa ni wenye afya nzuri kuliko wa wale vijana waliokula vyakula vya kifalme.
16 Sidaas daraaddeed wakiilkii waa ka qaaday cuntadoodii iyo khamrigii ay cabbi jireen, oo wuxuu siiyey atar.
Basi, msimamizi aliliondoa fungu lao la chakula na vivywaji vyao na walipewa mboga mboga tu.
17 Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.
Na kuhusu vijana hawa nne Mungu aliwapa uelewa na ufahamu katika maandiko yote na hekima, na Danieli aliweza kupambanua aina zote za maono na ndoto.
18 Oo markii wakhtigii boqorku yidhi, Ha la ii keeno, dhammaaday ayuu amiirkii bohommadu keenay iyagii Nebukadnesar hortiisa.
Katika mwisho wa muda uliokuwa umepangwa na mfalme kuwaleta ndani, afisa mkuu aliwaleta mbele ya Nebukadneza.
19 Boqorkiina markaasuu la hadlay iyagii, oo kulligoodna lagama helin mid la mid ah Daanyeel, iyo Xananyaah, iyo Miishaa'eel, iyo Casaryaah; sidaas daraaddeed boqorkii bay is-hor taageen.
Mfalme aliongea nao, na miongoni mwa kundi lote hapo hapakuwa na wa kuwalinganisha na akina Danieli, Hanania, Mishaeli, na Azaria. Walisimama mbele ya mfalme, wakiwa tayari kumtumikia.
20 Waxyaalihii boqorku weyddiiyey oo ku saabsan xigmadda iyo waxgarashada, wuxuu ogaaday inay toban jeer kaga fiican yihiin saaxiriintii iyo xiddigiyayaashii boqortooyadiisa joogay oo dhan.
Katika kila swali la hekima na ufahamu ambalo mfalme aliwauliza, aliwakuta wakiwa na uwezo mara kumi kuliko waganga wote na wale waliojidai kusema na wafu, waliokuwa katika ufalme wake wote.
21 Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.
Danieli alikuwa hapo mpaka mwaka wa kwanza wa Mfalme Koreshi.

< Daanyeel 1 >