< Caamoos 4 >

1 Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
Слышите слово сие, юницы Васанитидския, яже в горе Самарийстей, преобидящыя убогих и попирающыя нищих, глаголющыя господем своим: подадите нам, да пием.
2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
Клятся Господь святыми Своими, яко се, дние грядут на вы, и возмут вы во оружии, и сущих с вами ввергут в конобы подгнещаемыя огненнии губителие:
3 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
и извержены будете наги прямо друг друга и отвержетеся в гору Ремман, глаголет Господь.
4 Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna.
Внидосте в Вефиль и беззаконновасте, и в Галгалех умножисте еже нечествовати, и принесосте заутра требы вашя, в треденство десятины вашя:
5 Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
и прочтоша извне закон и призваша исповедание: возвестите, яко сия возлюбиша сынове Израилевы, глаголет Господь Бог.
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon.
Аз же дам вам оскомину зубом во всех градех ваших и недостаток хлеба во всех местех ваших: и не обратистеся ко Мне, глаголет Господь.
7 Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.
И аз удержах дождь от вас прежде триех месяцев жатвы, и надождю на един град, а на другий (един) не надождю: часть едина надождится, и часть, на нюже не надождю, изсохнет:
8 Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
и соберутся два и три града во град един пити воду и не насытятся: и не обратистеся ко Мне, глаголет Господь.
9 Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Побих вы раждежением и златеницею: умножисте вертограды вашя, винограды вашя и смоквы вашя и масличия ваша: сия поядоша гусеницы: и ниже тако обратистеся ко Мне, глаголет Господь.
10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Послах на вы смерть на пути Египетстем, и избих оружием юношы вашя, с пленом коней твоих, и изведох во огни Полки вашя во гневе Моем: и ниже тако обратистеся ко Мне, глаголет Господь.
11 Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Разорих вы, якоже разори Бог Содому и Гоморру, и бысте яко главня исторжена из огня: и ниже тако обратистеся ко Мне, глаголет Господь.
12 Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow.
Сего ради сице сотворю ти, Израилю: обаче, яко сице сотворю ти, уготовися призывати Бога твоего, Израилю.
13 Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
Се, Аз утвержаяй гром и созидаяй ветр и возвещаяй в человецех Христа Своего, творяй утро и мглу и восходяй на высокая земли: Господь Бог Вседержитель имя Ему.

< Caamoos 4 >