< Caamoos 2 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.
主はこう言われる、「モアブの三つのとが、四つのとがのために、わたしはこれを罰してゆるさない。これは彼がエドムの王の骨を焼いて灰にしたからである。
2 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.
それゆえ、わたしはモアブに火を送り、ケリオテのもろもろの宮殿を焼き滅ぼす。モアブは騒ぎと、ときの声と、ラッパの音の中に死ぬ。
3 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.
わたしはそのうちから、支配者を断ち、そのすべてのつかさを彼と共に殺す」と主は言われる。
4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.
主はこう言われる、「ユダの三つのとが、四つのとがのために、わたしはこれを罰してゆるさない。これは彼らが主の律法を捨て、その定めを守らず、その先祖たちが従い歩いた偽りの物に惑わされたからである。
5 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.
それゆえ、わたしはユダに火を送り、エルサレムのもろもろの宮殿を焼き滅ぼす」。
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.
主はこう言われる、「イスラエルの三つのとが、四つのとがのために、わたしはこれを罰してゆるさない。これは彼らが正しい者を金のために売り、貧しい者をくつ一足のために売るからである。
7 Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.
彼らは弱い者の頭を地のちりに踏みつけ、苦しむ者の道をまげ、また父子ともにひとりの女のところへ行って、わが聖なる名を汚す。
8 Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.
彼らはすべての祭壇のかたわらに質に取った衣服を敷いて、その上に伏し、罰金をもって得た酒を、その神の家で飲む。
9 Laakiin anigu hortoodaan ka baabbi'iyey kii reer Amor oo sarajooggiisu ahaa sida sarajoogga geedaha kedarka la yidhaahdo, oo u xoogga badnaa sida geedaha alloonka la yidhaahdo, oo weliba midhihiisii waan ka baabbi'iyey xagga sare, oo xididdadiisiina waan ka baabbi'iyey xagga hoose.
さきにわたしはアモリびとを彼らの前から滅ぼした。これはその高きこと、香柏のごとく、その強きこと、かしの木のようであったが、わたしはその上の実と、下の根とを滅ぼした。
10 Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor.
わたしはまた、あなたがたをエジプトの地から連れ上り、四十年のあいだ荒野で、あなたがたを導き、アモリびとの地を獲させた。
11 Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay.
わたしはあなたがたの子らのうちから預言者を起し、あなたがたの若者のうちからナジルびとを起した。イスラエルの人々よ、そうではないか」と主は言われる。
12 Laakiinse idinku Nadiirradii waxaad siiseen khamri ay cabbaan, oo nebiyadiina intaad amarteen ayaad ku tidhaahdeen, Innaba waxba ha sii sheegina.
「ところがあなたがたはナジルびとに酒を飲ませ、預言者に命じて『預言するな』と言う。
13 Bal eega, hoostiina baan ugu hoos riixmay sida gaadhiga xidhmooyin bal ah ka buuxan u riixmo.
見よ、わたしは麦束をいっぱい積んだ車が物を圧するように、あなたがたをその所で圧する。
14 Kan dheereeyaa ma carari kari doono, oo kan xoogga badanuna xooggiisa kuma adkaan doono, oo kan itaalka badanuna isma samatabbixin doono,
速く走る者も逃げ場を失い、強い者もその力をふるうことができず、勇士もその命を救うことができない。
15 oo kan qaansada haystaana isma taagi doono, oo kan cagaha ka dheereeyaana isma samatabbixin doono, oo kii faras ku joogaana isma samatabbixin doono,
弓をとる者も立つことができず、足早の者も自分を救うことができず、馬に乗る者もその命を救うことができない。
16 oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.
勇士のうちの雄々しい心の者もその日には裸で逃げる」と主は言われる。

< Caamoos 2 >