< Falimaha Rasuullada 9 >

1 Laakiin Sawlos oo weli dhaaranaya inuu cabsiiyo oo dilo xerta Rabbiga, ayuu wuxuu u tegey wadaadkii sare,
Amma Shawulu, ya cigaba da maganganun tsoratarwa har ma da na kisa ga almajiran Ubangiji, ya tafi wurin babban firist
2 oo weyddiistay warqado uu la tago Dimishaq ilaa sunagogyada, si hadduu helo dadkii Jidka, ha ahaadeen rag ama dumarba, uu iyagoo xidhxidhan Yeruusaalem u keeno.
kuma ya roke shi wasiku zuwaga majami'un da ke Dimashku, domin idan ya sami wani da ke na wannan hanya, maza ko mata, ya kawo su Urushalima a daure.
3 Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.
Yayin da yana tafiya, ya kasance da ya iso kusa da Dimashku, nan da nan sai ga wani haske daga sama ya haskaka kewaye da shi;
4 Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?
Sai ya fadi a kasa kuma yaji wata murya na ce da shi, ''Shawulu, Shawulu, me yasa kake tsananta mani?''
5 Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid;
Shawulu ya amsa, ''Wanene kai, Ubangiji?'' Ubangiji ya ce, ''Nine Yesu wanda kake tsanantawa;
6 laakiin kac oo magaalada gal, oo waxaa laguu sheegi doonaa wixii kugu waajib ah inaad samaysid.
amma ka tashi, ka shiga cikin birnin, kuma za a gaya maka abinda lallai ne kayi.
7 Nimankii la sodcaalayayna hadalla'aan bay istaageen, iyagoo codkii maqlaya laakiin aan ninna arkaynin.
Mutanen da ke tafiya tare da Shawulu suka tsaya shiru sun rasa abin fada, suna sauraron muryar, amma ba su ga kowa ba.
8 Markaasaa Sawlos dhulkii ka kacay; markii indhihiisii furmeenna, waxba ma uu arkin; markaasay gacanta ku hageen oo Dimishaq keeneen.
Shawulu ya tashi daga kasa, kuma daga ya bude idanunsa, baya ganin komai; sai suka kama hannuwansa suka yi masa jagora suka kawo shi cikin birnin Dimashku.
9 Saddex maalmood ayuu aragla'aan joogay, waxbana ma cunin, waxbana ma cabbin.
Har kwana uku ba ya kallo, kuma ba ya ci balle sha.
10 Haddaba waxaa Dimishaq joogay nin xer ah oo la odhan jiray Ananiyas; oo Rabbigu wuxuu kula hadlay riyo, isagoo ku leh, Ananiyasow. Isna wuxuu ku yidhi, Waa i kan, Rabbiyow.
Akwai wani almajiri a Dimashku mai suna Hananiya; sai Ubangiji ya yi magana da shi cikin wahayi, ya ce, ''Hananiya.'' Sai ya ce, ''Duba, gani nan Ubangiji.''
11 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kac oo aad jidka la yidhaahdo Toosane, oo waxaad guriga Yuudas ka doontaa nin la yidhaahdo Sawlos oo reer Tarsos ah; oo bal eeg, waa tukanayaaye;
Ubangiji ya ce masa, ''Tashi, ka tafi titin da ake kira Mikakke, kuma a gidan wani mai suna Yahuza ka tambaya mutum daga Tarsus mai suna Shawulu; gama yana addu'a;
12 oo wuxuu arkay nin la yidhaahdo Ananiyas isagoo u soo gelaya oo gacmihiisa dul saaraya inuu araggiisii helo.
kuma ya gani cikin wahayi mutum mai suna Hananiya na shigowa kuma ya daura masa hannu, domin idanunsa su bude.''
13 Laakiin Ananiyas baa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbiyow, waxaan dad badan ka maqlay ninkanu intuu shar badan u gaystay quduusiintaada Yeruusaalem jooga;
Amma Hananiya ya amsa, ''Ubangiji, na ji labari daga wurin mutane da yawa game da mutumin nan, da irin muguntar da ya aikata ga tsarkakan mutanenka da ke Urushalima.
14 halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
An bashi izini daga babban firist domin ya kama dukan wanda ke kira bisa sunanka.''
15 Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil;
Amma Ubangiji ya ce masa, ''Jeka, gama shi zababben kayan aiki na ne, wanda zai yada sunana ga al'ummai da sarakuna da 'ya'yan Isra'ila;
16 maxaa yeelay, waxaan tusi doonaa waxyaalaha waajib ku ah inuu u silco magacaygii dartiis.
Domin zan nuna masa irin wahalar da zai sha sabo da sunana.''
17 Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo.
Sai Hananiya ya tafi, ya shiga gidan. Ya dora masa hannu a kai, ya ce, ''Dan'uwa Shawulu, Ubangiji Yesu, wanda ya bayyana a gareka a hanya sa'adda kake zuwa, ya aiko ni domin ka sami ganin gari ka kuma cika da Ruhu Mai Tsarki.''
18 Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;
Nan take wani abu kamar bawo ya fado daga idanun Shawulu, kuma ya sami ganin gari; ya tashi aka yi masa baftisma;
19 cunto buuna cunay, waana xoogaystay. Haddaba dhawr maalmood ayuu la joogay xertii Dimishaq joogtay.
kuma ya ci abinci sai aka karfafa shi. Ya zauna tare da almajirai a Dimashku kwanaki da yawa.
20 Oo markiiba sunagogyada dhexdooda ayuu dadka kaga dhex wacdiyey Ciise inuu yahay Wiilka Ilaah.
Nan take ya fara shellar Yesu cikin haikali, yana cewa shine dan Allah.
21 Dadkii maqlay oo dhammuna waa yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Kanu sow ma aha kii Yeruusaalem ku layn jiray kuwa magacaas ugu yeedhi jiray? Oo sababtaas ayuu halkan u yimid inuu iyagoo xidhxidhan hor keeno wadaaddada sare.
Dukan wadanda suka saurare shi suka yi mamaki suka ce ''Ba wannan mutumin ne yake hallaka mutanen Urushalima da ke kira bisa ga wannan suna ba? Ya kuma zo nan domin ya ba da su a daure ga manyan firistoci.''
22 Laakiin Sawlos xooggiisii baa u sii kordhay, wuuna wareeriyey Yuhuuddii Dimishaq joogtay isagoo caddaynaya inuu kanu yahay Masiixa.
Amma Shawulu kuwa ya sami iko sosai, kuma yana haddasa damuwa tare da rinjaya tsakanin Yahudawan dake zama a Dimashku ta wurin tabbatar da Yesu shine Almasihu.
23 Oo markii maalmo badan dhaafeen, ayay Yuhuuddu ku tashadeen inay dilaan;
Bayan kwanaki da yawa, sai Yahudawan suka yi shiri domin su kashe shi.
24 laakiin Sawlos waa ogaaday tashigoodii. Haddaba habeen iyo maalinba irdaha magaalada bay ka fiirin jireen inay dilaan;
Amma shirin su ya zama sananne ga Shawulu. Suna fakkon sa ta wurin tsaron kofar birnin dare da rana domin su kashe shi.
25 laakiin xertiisii baa habeen qaadday oo derbiga ka sii daysay iyagoo dambiil ku dejinaya.
Amma da tsakar dare almajiransa suka daukeshi a kwando, suka zurara shi ta katanga.
26 Oo kolkuu Yeruusaalem yimid, wuxuu isku dayay inuu xertii ku darsamo; dhammaantoodse waa ka cabsadeen, maxaa yeelay, ma ay rumaysnayn inuu xer yahay.
Sa'adda ya zo Urushalima, Shawulu ya yi niyyar hada kai da almajirai, amma dukansu suna tsoronsa, domin ba su yarda cewa shima ya zama almajiri ba.
27 Laakiin Barnabas baa kaxeeyey, oo wuxuu u geeyey rasuulladii oo u sheegay siduu Rabbiga ugu arkay jidka, iyo inuu la hadlay, iyo siduu Dimishaq geesinimo ugu wacdiyey magaca Ciise.
Amma Barnaba ya dauke shi ya kawo shi wurin manzannin. Ya kuwa gaya musu yadda Shawulu ya sadu da Ubangiji a hanya, har Ubangiji ya yi magana da shi, kuma yadda Shawulu ya yi wa'azi cikin sunan Yesu gabagadi a Dimashku.
28 Markaasuu iyagii la joogay, isagoo la gelaya, kalana baxaya Yeruusaalem, geesinimona dadka ugu wacdiyaya magaca Rabbiga;
Ya sadu da su lokacin shigar su da fitar su a Urushalima. Ya yi wa'azi gabagadi cikin sunan Ubangiji Yesu
29 wuxuuna la hadlay oo la dooday Yuhuuddii Gariigta ahayd; iyaguse waxay doondooneen inay dilaan.
kuma yana muhawara da Yahudawan Helenanci; amma sun ci gaba da kokarin kashe shi.
30 Kolkii walaalihii garteen, waxay keeneen Kaysariya, oo waxay u sii direen Tarsos.
Da 'yan'uwa suka gane haka, sai suka kawo shi Kaisariya, suka kuwa tura shi zuwa Tarsus.
31 Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
Sa'annan iklisiya dake dukan kasar Yahudiya, Galili da kuma Samariya suka sami salama da kuma ginuwa; suka kuwa ci gaba da tafiya cikin tsoron Ubangiji, da kuma ta'aziyar Ruhu Mai Tsarki, iklisiyar kuwa ta karu da yawan mutane.
32 Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd.
Har ta kai, yayin da Bitrus ya zaga dukan yankin kasar, ya dawo wurin masu bi dake zama a garin Lidda.
33 Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.
A can kuwa ya sami wani mutum mai suna Iniyasu, wanda yake shanyayye ne, yana kwance har tsawon shekara takwas a kan gado.
34 Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay.
Bitrus ya ce masa, ''Iniyasu, Yesu Almasihu ya warkar da kai. Tashi ka nade shimfidarka.'' Nan take sai ya mike.
35 Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.
Sai duk mazauna kasar Lidda da kasar Sarona suka ga mutumin, suka kuma juyo ga Ubangiji.
36 Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay.
Yanzu kuwa a Yafa akwai wata almajira, mai suna Tabita, ma'ana ''Dokas.'' Wannan matar kuwa tana chike da ayyukan nagarta da halin tausayi da take yi ga mabukata.
37 Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare.
Ya kai ga cewa a kwanakin can ta yi rashin lafiya har ta mutu; da suka wanke gawar ta suka kwantar da ita a bene.
38 Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid.
Da shike Lidda na kusa da Yafa, almajiran kuma sun ji cewa Bitrus yana can, suka aika mutane biyu wurinsa. Suna rokansa, ''Ka zo garemu ba tare da jinkiri ba.''
39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
Bitrus ya tashi ya tafi da su, da isowar sa, suka kai shi benen. Sai dukan gwamrayen suka tsaya kusa da shi suna kuka, sai suka dauko riguna da sutura da Dokas ta dinka lokacin da take tare da su.
40 Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.
Bitrus ya fitar da su duka daga cikin dakin, ya durkusa, ya yi addu'a; sai, ya juya wurin gawar, ya ce, ''Tabita, tashi.'' Ta bude idanunta, da ta ga Bitrus ta zauna,
41 Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.
Bitrus kuwa ya mika hannunsa ya tashe ta; sa'annan ya kira masu bi da gwamrayen, ya mika ta a raye garesu.
42 Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.
Wannan al'amari ya zama sananne cikin dukan Yafa, kuma mutane da yawa suka bada gaskiya ga Ubangiji.
43 Waxaana dhacday inuu maalmo badan Yaafaa la joogay nin la yidhaahdo Simoon oo megdeeye ah.
Ya kasance, cewa, Bitrus ya zauna kwanaki da dama a Yafa tare da wani mutum mai suna Saminu, majemi.

< Falimaha Rasuullada 9 >