< Falimaha Rasuullada 5 >

1 Laakiin nin Ananiyas la odhan jiray, isagoo haweenaydiisii Safira la jirto, ayuu xoolihiisii qaar iibshay, 2 markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay. 3 Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid? 4 Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah. 5 Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay. 6 Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen. 7 Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay. 8 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay. 9 Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan. 10 Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa. 11 Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan. 12 Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan. 13 Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga; 14 oo waxaa ku soo kordhay iyaga kuwa badan oo Rabbiga rumaystay, oo rag iyo dumarba leh; 15 xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro. 16 Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey. 17 Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan, 18 intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen. 19 Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi, 20 Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan. 21 Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno. 22 Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen, 23 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay. 24 Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan. 25 Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane. 26 Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo. 27 Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey, 28 oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan. 29 Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn. 30 Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen. 31 Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo. 32 Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga. 33 Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan. 34 Laakiin waxaa shirkii iska dhex taagay mid Farrisiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Gamalii'eel, kaas oo ahaa macallinkii sharciga, dadkuna aad u maamuusi jireen, oo wuxuu amray in nimanka dibadda cabbaar loo saaro. 35 Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan. 36 Maxaa yeelay, hadda ka hor waxaa kacay Tudas, isagoo nin weyn iska dhigaya, kaasoo niman badan oo qiyaas afar boqol gaadhaa raaceen. Isagii waa la dilay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen, oo waxay noqdeen wax aan waxba ahayn. 37 Ninkaas dabadiis, waagii dadka la qori jiray, waxaa kacay Yuudas kii reer Galili, oo dad buu duufsaday; isaguna waa dhintay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen. 38 Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan; 39 laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan. 40 Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen. 41 Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo. 42 Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix.

< Falimaha Rasuullada 5 >