< Falimaha Rasuullada 10 >

1 Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga.
Now a certain man in Caesarea, named Cornelius, a centurion of the band called the Italian band,
2 Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray.
a devout man, and one that feared God with all his house, giving much alms to the people, and praying to God always,
3 Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.
saw in a vision plainly, about the ninth hour of the day, an angel of God coming in to him, and saying to him, Cornelius!
4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
And he, looking steadily at him, and becoming affrighted, said, What is it, Lord? And he said to him, Thy prayers and thine alms have come up for a memorial before God.
5 Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros.
And now send men to Joppa, and call for one Simon, who is surnamed Peter;
6 Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda.
he lodgeth with one Simon a tanner, whose house is by the seaside.
7 Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray;
And when the angel that spoke to him had departed, he called two of his household servants, and a devout soldier of those who waited on him,
8 oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.
and having told them every thing sent them to Joppa.
9 Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,
On the morrow, as they were on their journey, and were drawing near the city, Peter went up on the housetop to pray, about the sixth hour.
10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday,
And he became very hungry and wished to eat; but while they were making ready, a trance came upon him,
11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka;
and he beheld heaven opened, and a sort of vessel descending, as it were a large sheet having cords at the four corners, and let down upon the earth;
12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.
wherein were all the four-footed beasts and creeping things of the earth, and birds of the air.
13 Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun.
And there came a voice to him, Arise, Peter; slay, and eat.
14 Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.
But Peter said, Not so, Lord; for I have never eaten anything common and unclean.
15 Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.
And a voice came to him again, the second time, That which God hath cleansed, call not thou common.
16 Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.
This was done three times; and the vessel was immediately taken up into heaven.
17 Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,
Now, while Peter was doubting within himself what the vision which he had seen meant, lo! the men who were sent from Cornelius had made inquiry for Simon's house, and stood before the gate;
18 waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale.
and they called, and asked whether Simon, surnamed Peter, lodged there.
19 Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa.
And while Peter was meditating on the vision, the Spirit said to him, Behold, men are seeking thee;
20 Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray.
but arise, and go down, and go with them, without scruple; for I have sent them.
21 Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen?
And Peter went down to the men and said, Behold, I am he whom ye are seeking; for what cause have ye come?
22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
And they said, Cornelius a centurion, a righteous man, and one that feareth God, and of good report among all the nation of the Jews, was warned from God by a holy angel to send for thee to his house, and to hear words from thee.
23 Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.
Then he called them in, and lodged them. And on the morrow he arose and went forth with them, and certain of the brethren from Joppa accompanied him.
24 Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa.
And the morrow after, he came into Caesarea. And Cornelius was expecting them, and had called together his kinsmen and near friends.
25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday.
And as Peter came in, Cornelius met him, and fell down at his feet, and did him reverence.
26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay.
But Peter raised him up, saying, Stand up; I myself also am a man.
27 Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;
And while talking with him, he went in, and found many who had come together.
28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;
And he said to them, Ye know that it is an unlawful thing for a Jew to keep company with one of another nation, or to come near him; but God showed me that I should not call any man common or unclean.
29 sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen.
Wherefore I came without objection, when sent for. I ask therefore, for what reason did ye send for me?
30 Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,
And Cornelius said, Four days ago, I was fasting till this hour; and at the ninth hour was praying in my house; and lo! a man stood before me in bright clothing,
31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay.
and said, Cornelius, thy prayer hath been heard, and thine alms have been remembered before God.
32 Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal.
Send therefore to Joppa, and call for Simon, who is surnamed Peter; he lodgeth in the house of Simon a tanner, by the sea-side; and he, when he cometh, will speak to thee.
33 Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.
I therefore sent to thee immediately; and thou hast done well in coming here. Now therefore we are all present before God, to hear all things that have been commanded thee from the Lord.
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan:
And Peter opened his mouth, and said, Of a truth I perceive that God is not a respecter of persons,
35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa.
but in every nation he that feareth him and worketh righteousness is acceptable to him—
36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.
the word which he sent to the sons of Israel, publishing glad tidings of peace through Jesus Christ; he is Lord of all men.
37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,
Ye yourselves know what was spoken of through the whole of Judaea, beginning from Galilee after the baptism which John preached,
38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii.
relating to Jesus of Nazareth, that God anointed him with the Holy Spirit and with power; who went about doing good, and healing all that were overpowered by the Devil; for God was with him.
39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen.
And we are witnesses of all things which he did both in the country of the Jews and in Jerusalem; whom they also slew by hanging him on a cross.
40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey,
Him God raised up on the third day, and caused him to be manifested,
41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.
not to all the people, but to witnesses before appointed by God, to ourselves, who ate and drank with him after he rose from the dead;
42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
and he commanded us to preach to the people, and to testify that it is he who hath been appointed by God to be judge of the living and the dead.
43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
To him all the prophets bear witness, that through his name every one that believeth in him shall receive forgiveness of sins.
44 Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.
While Peter was yet speaking these words, the Holy Spirit fell on all that heard the word.
45 Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.
And those of the circumcision who believed, as many as came with Peter, were astonished that on the gentiles also was poured out the gift of the Holy Spirit;
46 Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.
for they heard them speaking with tongues, and magnifying God. Then answered Peter,
47 Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?
Can any one forbid water, that these should not be baptized, who have received the Holy Spirit even as we have?
48 Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.
And he commanded that they should be baptized in the name of the Lord. Then they entreated him to remain some days.

< Falimaha Rasuullada 10 >