< 2 Tesaloniika 3 >

1 Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano,
Finally, brethren, pray for us, that the word of the Lord may run and be glorified, as with you,
2 oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha.
and that we may be delivered from unreasonable and wicked men; for it is not all that have faith.
3 Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.
But faithful is the Lord, who will establish you, and guard you from evil.
4 Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno.
And we have confidence in the Lord concerning you, that ye both do and will do the things which we command you.
5 Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa.
And the Lord direct your hearts to the love of God, and to perseverance in the cause of Christ.
6 Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen.
Now we charge you, brethren, in the name of the Lord Jesus Christ, that ye withdraw yourselves from every brother that walketh disorderly, and not after the tradition which they received of us.
7 Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.
For ye yourselves know how ye ought to imitate us; for we behaved not ourselves disorderly among you,
8 Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin;
neither did we eat any man's bread for nought, but were working with labor and travail night and day, that we might not be burdensome to any of you.
9 mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
Not because we have not authority, but to make ourselves an example to you, that ye should imitate us.
10 Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin.
For also when we were with you, this we commanded you: If any one will not work, neither let him eat.
11 Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya.
For we hear of some who walk among you disorderly, working not at all, but are busybodies.
12 Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan.
Now such we charge and exhort in the Lord Jesus Christ, that with quietness they work, and eat their own bread.
13 Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.
But ye, brethren, be not weary in well-doing.
14 Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.
And if any one obey not our word by this epistle, mark that man; and keep no company with him, that he may be shamed;
15 Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.
yet count him not as an enemy, but admonish him as a brother.
16 Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.
Now the Lord of peace himself give you peace always in every way; the Lord be with you all.
17 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.
The salutation by the hand of me, Paul; which is the token in every letter; so I write.
18 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.
The grace of our Lord Jesus Christ be with you all.

< 2 Tesaloniika 3 >