< 2 Tesaloniika 1 >

1 Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Paŭlo kaj Silvano kaj Timoteo al la eklezio de la Tesalonikanoj en Dio, nia Patro, kaj la Sinjoro Jesuo Kristo:
2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Graco al vi kaj paco de Dio, la Patro, kaj de la Sinjoro Jesuo Kristo.
3 Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa.
Ni devas ĉiam danki Dion pro vi, fratoj, kiel estas ja dece, pro tio, ke via fido kreskas treege, kaj abundas via reciproka amo de ĉiu al ĉiu,
4 Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.
tiel, ke ni mem fanfaronas pri vi en la eklezioj de Dio, pro via pacienco kaj fido sub ĉiuj viaj persekutoj kaj afliktoj, kiujn vi elportadas;
5 Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.
tio estas evidenta signo de la justa juĝo de Dio; por ke vi montriĝu indaj je la regno de Dio, por kiu vi ankaŭ suferas;
6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,
ĉar estas justaĵo ĉe Dio redoni afliktojn al tiuj, kiuj vin afliktas,
7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa
kaj al vi, la afliktataj, ripozon kun ni, ĉe la malkaŝiĝo de la Sinjoro Jesuo el la ĉielo kun la anĝeloj de lia potenco,
8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
en flamanta fajro, por venigi venĝon sur tiujn, kiuj ne konas Dion kaj ne obeas al la evangelio de nia Sinjoro Jesuo;
9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, (aiōnios g166)
kiuj suferos punadon, eternan detruon de antaŭ la vizaĝo de la Sinjoro kaj de la gloro de lia potenco, (aiōnios g166)
10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
kiam li venos por esti glorata en siaj sanktuloj, kaj esti admirata ĉe ĉiuj, kiuj ekkredis (ĉar nia atestado ĉe vi estis kredata) en tiu tago.
11 Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka,
Por tiu celo ni ankaŭ konstante preĝas por vi, ke nia Dio vin trovu indaj je la voko, kaj kun potenco plenumu ĉiun bonvolon de boneco kaj ĉiun laboron de fido;
12 in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.
por ke la nomo de nia Sinjoro Jesuo estu glorata en vi, kaj vi en li, laŭ la graco de nia Dio kaj la Sinjoro Jesuo Kristo.

< 2 Tesaloniika 1 >