< Samuu'Eel Labaad 5 >

1 Markaasaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Daa'uud ugu yimaadeen Xebroon, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay laftaada iyo jidhkaaga. 2 Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil. 3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya. 4 Oo Daa'uudna soddon sannadood buu jiray markuu bilaabay inuu boqor noqdo, oo wuxuuna boqor ahaa afartan sannadood. 5 Oo reer Yahuudahna wuxuu Xebroon ugu talinayay toddoba sannadood iyo lix bilood, oo reer Israa'iil oo dhan iyo reer Yahuudahna wuxuu Yeruusaalem ugu talinayay saddex iyo soddon sannadood. 6 Oo boqorkii iyo raggiisiiba waxay tageen Yeruusaalem, inay ku duulaan reer Yebuus oo ahaa dadkii dalka degganaa, kuwaasoo la hadlay Daa'uud oo ku yidhi, Adoo kuwa indhaha la' iyo curyaannada qaada mooyaane halkan iman maysid, waayo, waxay u maleeyeen inuusan Daa'uud halkaas iman karin. 7 Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud. 8 Markaasaa Daa'uud maalintaas wuxuu yidhi, Ku alla kii reer Yebuus laayaa, ha tago meesha biyomareenka ah, oo ha ku laayo curyaannada iyo indhoolayaasha oo neceb Daa'uud naftiisa. Sidaas daraaddeed waxay leeyihiin, Indhoolayaasha iyo curyaannadu yaanay guriga soo gelin. 9 Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha. 10 Oo Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay; waayo, waxaa isaga la jiray Rabbiga ah Ilaaha ciidammada. 11 Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo nijaarro iyo wastaadyo, oo iyana guri bay Daa'uud u dhiseen. 12 Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood. 13 Oo Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho. 14 Oo kuwanuna waa kuwii isaga Yeruusaalem ugu dhashay magacyadoodii: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, 15 iyo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Nefeg, iyo Yaafiica, 16 iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled. 17 Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay. 18 Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim. 19 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa. 20 Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim. 21 Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii. 22 Haddana reer Falastiin mar kalay soo kaceen oo dooxadii Refaa'iim ku firdheen. 23 Oo Daa'uudna markuu Rabbiga wax weyddiiyey ayaa Rabbigu ku yidhi, Waa inaadan ku kicin, laakiinse xagga dambe ka mar oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo. 24 Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, kolkaas waa inaad dhaqsataa, waayo, Rabbigu waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo. 25 Oo Daa'uudna sidii buu yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu reer Falastiin ku laynayay ilaa Gebac iyo tan iyo Geser.

< Samuu'Eel Labaad 5 >