< Samuu'Eel Labaad 21 >

1 Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon.
Pa nthawi ya ulamuliro wa Davide kunali njala kwa zaka zitatu zotsatana. Kotero Davide anapemphera kwa Yehova. Yehova anati, “Izi zachitika chifukwa chakuti Sauli ndi banja lake akanali ndi mlandu wakupha Agibiyoni.”
2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed; )
Mfumu inayitanitsa Agibiyoni ndipo inayankhula nawo. (Tsono Agibiyoni sanali Aisraeli, koma otsala mwa Aamori. Aisraeli analumbira kuwasiya ndi moyo, koma Sauli chifukwa cha chikondi cha pa Israeli ndi Yuda, anafuna kuwawonongeratu).
3 oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?
Davide anafunsa Agibiyoni kuti, “Kodi ine ndikuchitireni chiyani? Ndipepese bwanji kuti inu mudalitse cholowa cha Yehova?”
4 Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa.
Agibiyoni anamuyankha kuti, “Ife tilibe ufulu woti nʼkulamula Sauli ndi banja lake kuti atipatse siliva kapena golide, tilibenso ufulu woti nʼkupha wina aliyense mu Israeli.” Davide anafunsa, “Mukufuna ine ndikuchitireni chiyani?”
5 Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan,
Iwo anayankha mfumu kuti, “Tsono za munthu amene anatiwononga ndi kukonza chiwembu choti titheretu ndi kukhala wopanda malo mu Israeli,
6 ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.
mutipatse adzukulu ake aamuna asanu ndi awiri kuti tiwaphe ndi kuwapereka pamaso pa Yehova ku Gibeya wa Sauli, wosankhidwa wa Yehova.” Choncho mfumu inati, “Ine ndidzakupatsani.”
7 Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.
Koma mfumu inasunga Mefiboseti mwana wa Yonatani, mwana wa Sauli, chifukwa cha kulumbira kumene mfumu Davide ndi Yonatani mwana wa Sauli anachita pamaso pa Yehova.
8 Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad;
Ndipo mfumu inatenga Arimoni ndi Mefiboseti, ana aamuna awiri a Rizipa, mwana wamkazi wa Ayiwa, amene anaberekera Sauli pamodzi ndi ana asanu a Merabi mwana wamkazi wa Sauli, amene anabereka Adirieli mwana wa Barizilai Mmeholati.
9 oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.
Iye anawapereka kwa anthu a ku Gibiyoni, amene anawapha nawayika pa phiri la Yehova. Onse asanu ndi awiri anafera limodzi. Iwo anaphedwa masiku oyamba kukolola barele.
10 Markaasaa Risfaah oo ahayd ina Ayah ayaa soo qaadatay dhar joonyad ah oo waxay ku goglatay dhagaxa, halkaasna waxay joogtay wakhtigii beergooyska iyo ilaa roob cirka ka soo daatay; oo maalintiina uma ay oggolaan in haadka hawadu ku dego, habeenkiina waxay ka dhawri jirtay dugaagga duurka.
Rizipa mwana wamkazi wa Ayiwa anatenga chiguduli ndi kudziyalira pa mwala (pamene panali mitemboyo). Kuyambira nthawi yoyamba kukolola mpaka pamene mvula inayambanso kugwa, iye sanalole kuti mbalame zikhudze mitemboyo masana kapena nyama zakuthengo usiku.
11 Oo waxaa Daa'uud loo soo sheegay wixii ay samaysay Risfaah ina Ayah oo ahayd Saa'uul naagtiisii addoonta ahayd.
Davide atawuzidwa zimene Rizipa mwana wamkazi wa Ayiwa, mzikazi wa Sauli anachita,
12 Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,
anapita kukatenga mafupa a Sauli ndi mwana wake Yonatani kwa anthu a ku Yabesi Giliyadi (iwo anawatenga mwamseri kuchoka pabwalo la ku Beti-Sani, kumene Afilisti anawapachika atapha Sauli ku Gilibowa).
13 oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.
Davide anakatenga mafupa a Sauli ndi mwana wake Yonatani kumeneko ndiponso mafupa otayidwa a amene anaphedwa nawasonkhanitsa pamodzi.
14 Oo lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan waxaa lagu aasay dalka reer Benyaamiin meel ku taal oo la yidhaahdo Seelac, oo waxaa la geliyey qabrigii aabbihiis Qiish; oo waxaa la sameeyey kulli wixii boqorku ku amray oo dhan. Oo taas dabadeedna Ilaah baa dalkii loo baryay.
Iwo anayika mafupa a Sauli ndi mwana wake Yonatani mʼmanda a Kisi abambo ake a Sauli ku Zera mʼdziko la Benjamini, ndipo anachita zonse zimene mfumu inalamula. Atachita zimenezi, Mulungu anayankha pemphero lopempherera dzikolo.
15 Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.
Nthawi inanso panali nkhondo pakati pa Afilisti ndi Aisraeli, Davide anapita ndi ankhondo ake kukamenyana ndi Afilisti ndipo iye anatopa kwambiri.
16 Oo Yiishbii Benob, oo ka mid ahaa wiilashii Rafaa, oo miisaanka warankiisu ahaa saddex boqol oo sheqel oo naxaas ah, oo seef cusubuna dhexday ugu xidhnayd, ayaa damcay inuu Daa'uud dilo.
Ndipo Isibi-Benobi, mmodzi mwa zidzukulu za Rafa, amene mkondo wake unkalemera makilogalamu atatu ndi theka ndipo analinso ndi lupanga latsopano, anati adzapha Davide.
17 Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.
Koma Abisai mwana wa Zeruya anabwera kudzapulumutsa Davide. Iye anamukantha Mfilisitiyo ndi kumupha. Pamenepo asilikali a Davide analumbira kwa iye kuti, “Inu simudzapita nafenso ku nkhondo, kuti nyale ya Israeli isadzazimitsidwe.”
18 Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Goob lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Saf oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa.
Patapita nthawi, panali nkhondo ina ndi Afilisti ku Gobu. Pa nthawi imeneyo Sibekai Mhusati anapha Safu, mmodzi mwa zidzukulu za Arefai.
19 Oo haddana reer Falastiin waxaa lagula diriray Goob; oo Elxaanaan ina Yacaray Oregiim oo reer Beytlaxam ahaa wuxuu dilay Goli'ad oo reer Gad ahaa, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa.
Pa nkhondo inanso ndi Afilisti ku Gobu, Elihanani mwana wa Yaare-Oregimu wa ku Betelehemu anapha Goliati Mgiti, amene anali ndi mkondo ngati ndodo yowombera nsalu.
20 Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo gacmahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, cagahana mid kasta wuxuu ku lahaa lix farood, oo farihiisuna kulligood waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa.
Pa nkhondo inanso imene inachitika ku Gati panali munthu wina wamtali kwambiri wa zala zisanu ndi chimodzi mʼmanja ndi mʼmapazi ndipo zonse pamodzi zinalipo 24. Iyenso anali chidzukulu cha Rafa.
21 Oo markuu reer binu Israa'iil caayay, waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcii ahaa dhalay.
Pamene iye ankanyoza Aisraeli, Yonatani mwana wa Simea, mʼbale wake wa Davide anamupha.
22 Afartaasu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad; oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii, iyo gacantii addoommadiisa.
Anthu anayi amenewa anali zidzukulu za Rafa ku Gati, ndipo onse anaphedwa ndi Davide ndi ankhondo ake.

< Samuu'Eel Labaad 21 >