< Samuu'Eel Labaad 17 >

1 Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,
亞希多弗又對押沙龍說:「求你准我挑選一萬二千人,今夜我就起身追趕大衛,
2 oo waxaan u imanayaa intuu daallan yahay oo gacmihiisu taag daranyihiin, markaasaan cabsiinayaa, oo dadka isaga la jira oo dhammuna way carari doonaan. Markaasaan dili doonaa boqorka oo keliya.
趁他疲乏手軟,我忽然追上他,使他驚惶;跟隨他的民必都逃跑,我就單殺王一人,
3 Oo dadka oo dhanna waan kuu soo celin doonaa, oo ninka aad doonaysaa waa sidii iyadoo ay dhammaan soo wada noqdeen; markaasay dadka oo dhammu nabad ku noolaan doonaan.
使眾民都歸順你。你所尋找的人既然死了,眾民就如已經歸順你;這樣,也都平安無事了。」
4 Oo hadalkaasuna aad buu uga farxiyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
押沙龍和以色列的長老都以這話為美。
5 Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Bal haddana iigu yeedh Xuushay kii reer Arkii, oo bal aan maqalno wuxuu isagu leeyahay.
押沙龍說:「要召亞基人戶篩來,我們也要聽他怎樣說。」
6 Markaasaa Xuushay u yimid Absaaloom, oo Absaaloomna intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Axiitofel sidan buu ku hadlay. Haddaba siduu nagu yidhi ma yeelnaa? Haddii kale, adigu hadal.
戶篩到了押沙龍面前,押沙龍向他說:「亞希多弗是如此如此說的,我們照着他的話行可以不可以?若不可,你就說吧!」
7 Kolkaasaa Xuushay wuxuu Absaaloom ku yidhi, Axiitofel talada uu markan ku taliyey ma fiicna.
戶篩對押沙龍說:「亞希多弗這次所定的謀不善。」
8 Oo weliba Xuushay wuxuu yidhi oo kale, Waad taqaannaa aabbahaa iyo raggiisaba inay rag xoog leh yihiin, iyo in maankoodu u kulul yahay sidii orso ilmaheedii duurka laga xaday, oo aabbahaana waa nin dagaalyahan ah, oo dadkana meel la baryi maayo.
戶篩又說:「你知道,你父親和跟隨他的人都是勇士,現在他們心裏惱怒,如同田野丟崽子的母熊一般,而且你父親是個戰士,必不和民一同住宿。
9 Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.
他現今或藏在坑中或在別處,若有人首先被殺,凡聽見的必說:『跟隨押沙龍的民被殺了。』
10 Oo xataa kan xoog badan, ee qalbigiisu yahay sida qalbiga libaaxa, wuu dhalaali doonaa dhammaantiis; waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu way og yihiin in aabbahaa yahay nin xoog badan, iyo in kuwa isaga la jira ay yihiin rag daran.
雖有人膽大如獅子,他的心也必消化;因為以色列人都知道你父親是英雄,跟隨他的人也都是勇士。
11 Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.
依我之計,不如將以色列眾人-從但直到別是巴,如同海邊的沙那樣多-聚集到你這裏來,你也親自率領他們出戰。
12 Sidaasaynu isaga ugu iman doonnaa meesha laga helo, oo waxaynu ugu soo degi doonnaa sida dharabku dhulka ugu soo dego oo kale; oo isaga iyo dadka la socda oo dhanba xataa mid qudha ka reebi mayno.
這樣,我們在何處遇見他,就下到他那裏,如同露水下在地上一般,連他帶跟隨他的人,一個也不留下。
13 Oo weliba hadduu magaalo galo, markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu xadhko soo qaadan doonaan, oo waxaynu magaalada u jiidaynaa xagga webiga oo waan ku ridaynaa, ilaa halkaas laga waayo xataa dhagax yar.
他若進了哪一座城,以色列眾人必帶繩子去,將那城拉到河裏,甚至連一塊小石頭都不剩下。」
14 Markaasaa Absaaloom iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yidhaahdeen, Xuushay kii reer Arkii taladiisu way ka wanaagsan tahay taladii Axiitofel. Waayo, Rabbigu wuxuu ka dhigay in laga adkaado taladii wanaagsanayd oo Axiitofel, si Rabbigu Absaaloom shar ugu soo dejiyo.
押沙龍和以色列眾人說:「亞基人戶篩的計謀比亞希多弗的計謀更好!」這是因耶和華定意破壞亞希多弗的良謀,為要降禍與押沙龍。
15 Markaasaa Xuushay wuxuu ku yidhi wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, Axiitofel saas iyo saas buu ula taliyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo anna saas iyo saas baan ula taliyey.
戶篩對祭司撒督和亞比亞他說:「亞希多弗為押沙龍和以色列的長老所定的計謀是如此如此,我所定的計謀是如此如此。
16 Sidaas daraaddeed haddiiba u cid dira, oo Daa'uud u war geeya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Caawa ha ku baryin meelaha loogu gudbo cidlada, laakiinse si alla si aad yeeshaba ka gudub; yaan adiga iyo dadka kula socda oo dhanba la wada liqine, boqorow.
現在你們要急速打發人去,告訴大衛說:『今夜不可住在曠野的渡口,務要過河,免得王和跟隨他的人都被吞滅。』」
17 Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.
那時,約拿單和亞希瑪斯在隱‧羅結那裏等候,不敢進城,恐怕被人看見。有一個使女出來,將這話告訴他們,他們就去報信給大衛王。
18 Laakiinse wiil baa arkay iyagii, oo wuxuu u soo sheegay Absaaloom, oo iyana labadoodiiba haddiiba way carareen, oo waxay yimaadeen nin Baxuuriim deggan gurigiis oo barxadda ceel ku leh; oo iyana halkaasay ku dhaadhaceen.
然而有一個童子看見他們,就去告訴押沙龍。他們急忙跑到巴戶琳某人的家裏;那人院中有一口井,他們就下到井裏。
19 Oo naagtiina ceelka afkiisii bay wax ku gogoshay, oo waxay ku dul firdhisay hadhuudh la tumay; oo waxbana lagama ogaan.
那家的婦人用蓋蓋上井口,又在上頭鋪上碎麥,事就沒有洩漏。
20 Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.
押沙龍的僕人來到那家,問婦人說:「亞希瑪斯和約拿單在哪裏?」婦人說:「他們過了河了。」 僕人找他們,找不着,就回耶路撒冷去了。
21 Oo markay tageen dabadeed ayay ceelkii ka soo baxeen, oo ay tageen, oo ay Boqor Daa'uud u soo warrameen; oo waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, War ka kaca, oo haddiiba biyaha gudba, waayo, Axiitofel sidaasuu talo kaa gees ah ugu taliyey.
他們走後,二人從井裏上來,去告訴大衛王說:「亞希多弗如此如此定計害你,你們務要起來,快快過河。」
22 Markaasaa Daa'uud iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu kaceen, oo waxay ka gudbeen Webi Urdun; oo markii waagii baryay ma jirin mid iyagii ah oo aan Webi Urdun ka gudbin.
於是大衛和跟隨他的人都起來,過約旦河。到了天亮,無一人不過約旦河的。
23 Oo Axiitofelna markuu arkay inaan taladiisii la raacin ayuu dameerkii kooraystay, oo magaaladiisuu tegey, oo intuu reerkiisii la dardaarmay, ayuu isdeldelay; wuuna dhintay, oo waxaa lagu aasay qabrigii aabbihiis.
亞希多弗見不依從他的計謀,就備上驢,歸回本城;到了家,留下遺言,便吊死了,葬在他父親的墳墓裏。
24 Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.
大衛到了瑪哈念,押沙龍和跟隨他的以色列人也都過了約旦河。
25 Oo Absaaloomna wuxuu ciidankii madax uga dhigay Camaasaa, oo Yoo'aab wuu ka beddelay. Haddaba Camaasaa waxaa dhalay nin reer binu Israa'iil ah oo magiciisa la odhan jiray Yitraa, oo wuxuu qabay Abiigayil oo ay Naaxaash dhashay, oo waxay la dhalatay Seruuyaah oo ahayd Yoo'aab hooyadiis.
押沙龍立亞瑪撒作元帥,代替約押。亞瑪撒是 以實瑪利人 以特拉的兒子。以特拉曾與拿轄的女兒亞比該親近;這亞比該與約押的母親洗魯雅是姊妹。
26 Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.
押沙龍和以色列人都安營在基列地。
27 Markii Daa'uud yimid Maxanayim waxaa u yimid Shobii oo ahaa ina Naaxaash ee ahaa reer Cammoonkii degganaa Rabbaah, iyo Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel ee ahaa reer Loo Debaar, iyo Barsillay oo ahaa reer Gilecaadkii degganaa Rogeliim,
大衛到了瑪哈念,亞捫族的拉巴人拿轄的兒子朔比,羅‧底巴人亞‧米利的兒子瑪吉,基列的羅基琳人巴西萊,
28 oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir,
帶着被、褥、盆、碗、瓦器、小麥、大麥、麥麵、炒穀、豆子、紅豆、炒豆、
29 iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.
蜂蜜、奶油、綿羊、奶餅,供給大衛和跟隨他的人吃;他們說:「民在曠野,必飢渴困乏了。」

< Samuu'Eel Labaad 17 >