< Boqorradii Labaad 8 >

1 Markaasaa Eliishaa la hadlay naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey oo wuxuu ku yidhi, Sara joogso oo tag, adiga iyo reerkaagiiba, oo waxaad degtaa meel alla meeshii aad degi karto, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu amray in dalka abaaru ku dhacdo, oo waxay dalka joogi doontaa toddoba sannadood.
Now Elisha had spoken to the woman, whose son he had restored to life, saying, "Arise, and go, you and your household, and stay for a while wherever you can; for the LORD has called for a famine. It shall also come on the land seven years."
2 Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.
The woman arose, and did according to the word of the man of God. She went with her household, and lived in the land of the Philistines seven years.
3 Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.
It happened at the seven years' end, that the woman returned out of the land of the Philistines. Then she went forth to cry to the king for her house and for her land.
4 Markaasna boqorku wuxuu la hadlayay Geexasii oo ahaa midiidinkii ninkii Ilaah, oo wuxuu ku lahaa, Waxaan kaa baryayaa inaad ii sheegto waxyaalihii waaweynaa oo Eliishaa sameeyey oo dhan.
Now the king was talking with Gehazi the servant of the man of God, saying, "Please tell me all the great things that Elisha has done."
5 Intuu boqorkii uga warramayay sidii uu u soo noolaysiiyey mid meyd ahaa, bal eeg, naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey ayaa boqorkii ugu qayshatay gurigeedii iyo dhulkeedii. Oo Geexasiina wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow, tanu waa naagtii, kanuna waa wiilkeedii Eliishaa soo noolaysiiyey.
It happened, as he was telling the king how he had restored to life him who was dead, that look, the woman, whose son he had restored to life, cried to the king for her house and for her land. Gehazi said, "My lord, O king, this is the woman, and this is her son, whom Elisha restored to life."
6 Oo boqorkiina markuu naagtii saas weyddiiyey ayay iyana u sheegtay. Markaasaa boqorkii iyadii u amray sirkaal oo ku yidhi, U wada celi wax alla wixii ay lahayd oo dhan, iyo weliba midhihii beerteeda ka baxay tan iyo maalintii ay dalka ka tagtay iyo ilaa haddeer.
When the king asked the woman, she told him. So the king appointed to her a certain officer, saying, "Restore all that was hers, and all the fruits of the field since the day that she left the land, even until now."
7 Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.
Elisha came to Damascus; and Benhadad the king of Aram was sick. It was told him, saying, "The man of God has come here."
8 Markaasaa boqorkii Xasaa'eel ku yidhi, Hadiyad qaad, oo waxaad ka hor tagtaa ninka Ilaah, oo Rabbiga wax iiga soo weyddii, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorku ma cudurkuu ka bogsanayaa?
The king said to Hazael, "Take a present in your hand, and go, meet the man of God, and inquire of the LORD by him, saying, 'Will I recover from this sickness?'"
9 Markaasaa Xasaa'eel tegey inuu isagii ka hor tago oo wuxuu qaaday hadiyad ah Dimishaq wax alla waxeedii wanaagsanaa oo dhan oo afartan rati ku raran, oo intuu u yimid ayuu soo hor istaagay oo yidhi, Waxaa ii soo kaa diray wiilkaagii Benhadad oo ah boqorkii Suuriya, oo wuxuu leeyahay, Miyaan cudurkan ka bogsanayaa?
So Hazael went to meet him, and took a present with him, even of every good thing of Damascus, forty camels' burden, and came and stood before him, and said, "Your son Benhadad king of Aram has sent me to you, saying, 'Will I recover from this sickness?'"
10 Markaasaa Eliishaa wuxuu isagii ku yidhi, Tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Hubaal waad bogsanaysaa; habase yeeshee Rabbigu wuxuu i tusay inuu hubaal dhimanayo.
Elisha said to him, "Go, say to him, 'You shall surely recover;' however the LORD has shown me that he shall surely die."
11 Oo isna wuu ku dhaygagay ilaa uu isku yaxyaxay; markaasaa ninkii Ilaah ooyay.
He settled his gaze steadfastly on him, until he was ashamed. Then the man of God wept.
12 Markaasaa Xasaa'eel ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad u ooyaysaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maxaa yeelay, waxaan ogahay xumaanta aad dadka Israa'iil ku samayn doonto; waayo, qalcadahooda dab baad ku dhejin doontaa, oo raggooda dhallinyarada ahna seef baad ku wada layn doontaa, oo dhallaankoodana dhulkaad ku tuuri doontaa, oo naagahooda uurka lehna waad dooxi doontaa.
Hazael said, "Why do you weep, my lord?" He answered, "Because I know the evil that you will do to the children of Israel. You will set their strongholds on fire, and you will kill their young men with the sword, and will dash in pieces their little ones, and rip up their women with child."
13 Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.
Hazael said, "But what is your servant, who is but a dog, that he should do this great thing?" Elisha answered, "The LORD has shown me that you will be king over Aram."
14 Markaasuu Eliishaa ka tegey oo wuxuu u yimid sayidkiisii isaga ku yidhi, War maxaa Eliishaa kugu soo yidhi? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wuxuu ii sheegay inaad hubaal bogsanaysid.
Then he departed from Elisha, and came to his master, who said to him, "What did Elisha say to you?" He answered, "He told me that you would surely recover."
15 Oo maalintii ku xigtay ayuu maro qaaday oo biyo dhex geliyey, markaasuu wejiga boqorka ku deday wuuna dhintay; oo meeshiisiina Xasaa'eel ayaa boqor ka noqday.
It happened on the next day, that he took a thick cloth, dipped it in water, and spread it on his face, so that he died. Then Hazael reigned in his place.
16 Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.
In the fifth year of Joram the son of Ahab king of Israel, Jehoshaphat then being king of Judah, Jehoram the son of Jehoshaphat king of Judah began to reign.
17 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.
He was thirty-two years old when he began to reign. He reigned eight years in Jerusalem.
18 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
He walked in the way of the kings of Israel, as did the house of Ahab; for he had the daughter of Ahab as wife. He did that which was evil in the sight of the LORD.
19 Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu dalka Yahuudah baabbi'iyo, sababtuna waa addoonkiisii Daa'uud aawadiis, waayo, wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.
However the LORD would not destroy Judah, for David his servant's sake, as he promised him to give to him a lamp for his children always.
20 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.
In his days Edom revolted from under the hand of Judah, and made a king over themselves.
21 Markaasaa Yooraam u gudbay xagga Saaciir, isagoo wata gaadhifardoodkiisii oo dhan; oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishii gaadhifardoodka, dadkiina waxay ku carareen teendhooyinkoodii.
Then Joram passed over to Zair, and all his chariots with him: and he rose up by night, and struck the Edomites who surrounded him, and the captains of the chariots; and the people fled to their tents.
22 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay reer Libnaah.
So Edom revolted from under the hand of Judah to this day. Then Libnah revolted at the same time.
23 Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
The rest of the acts of Joram, and all that he did, aren't they written in the book of the chronicles of the kings of Judah?
24 Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah.
Joram slept with his fathers, and was buried with his fathers in the City of David; and Ahaziah his son reigned in his place.
25 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.
In the twelfth year of Joram the son of Ahab king of Israel, Ahaziah the son of Jehoram king of Judah began to reign.
26 Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
Twenty-two years old was Ahaziah when he began to reign; and he reigned one year in Jerusalem. His mother's name was Athaliah the daughter of Omri king of Israel.
27 Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab.
He walked in the way of the house of Ahab, and did that which was evil in the sight of the LORD, as did the house of Ahab; for he was the son-in-law of the house of Ahab.
28 Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.
He went with Joram the son of Ahab to war against Hazael king of Aram at Ramoth Gilead: and the Arameans wounded Joram.
29 Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
King Joram returned to be healed in Jezreel of the wounds which the Arameans had given him at Ramah, when he fought against Hazael king of Aram. Ahaziah the son of Jehoram king of Judah went down to see Joram the son of Ahab in Jezreel, because he was sick.

< Boqorradii Labaad 8 >