< Boqorradii Labaad 4 >

1 Haddaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.
Mkazi wa mmodzi mwa ana a aneneri anafuwula kwa Elisa kuti, “Mtumiki wanu, mwamuna wanga wamwalira ndipo inu mukudziwa kuti ankaopa Yehova. Koma tsopano munthu amene mwamuna wanga anakongolako zinthu zake, akubwera kudzatenga ana anga awiri aamuna kuti akhale akapolo ake.”
2 Markaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.
Elisa anayankha mayiyo kuti, “Kodi ufuna ndikuchitire chiyani? Tandiwuza uli ndi chiyani mʼnyumba mwako?” Mayiyo anayankha kuti, “Mdzakazi wanu alibe kanthu kalikonse koma timafuta pangʼono chabe.”
3 Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag, oo weelal weyddiiso derisyadaada oo dhan, oo ha ahaadeen weelal madhan, wax yarna ha soo weyddiisan.
Elisa anati, “Pita kabwereke mitsuko yonse yopanda kanthu kwa anzako. Usakabwereke mitsuko yochepa.
4 Oo waa inaad gurigaaga gashaa oo adiga iyo wiilashaadu albaabka isku soo xidha, oo markaas weelashaas saliidda ku shub, oo intii buuxsanta oo dhan gees u dhig.
Kenaka ukalowe mʼnyumba mwako ndi kudzitsekera iwe ndi ana ako. Mukakatero mukakhuthulire mafuta mʼmitsuko yonseyo, ndipo mtsuko uliwonse ukadzaza muzikawuyika pambali.”
5 Sidaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.
Mayi uja anachoka kwa Elisa nakadzitsekera ndi ana ake. Anthu anabweretsa mitsuko kwa iye ndipo ankathiramo mafuta.
6 Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.
Mitsuko yonse itadzaza, mayiyo anawuza mwana wake kuti, “Bweretsa mtsuko wina.” Koma iye anayankha kuti, “Mitsuko yonse yatha.” Pamenepo mafuta analeka kutuluka.
7 Markaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadha ku noolaada.
Mayiyo anapita nakamuwuza munthu wa Mulungu amene anamuyankha kuti, “Pita, kagulitse mafutawo ndipo ukabweze ngongole ija. Ndalama zotsalazo zikakhale zako ndi ana ako.”
8 Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.
Tsiku lina Elisa anapita ku Sunemu. Kumeneko kunkakhala mayi wina wachuma amene anawumiriza Elisa kuti adye chakudya. Choncho nthawi iliyonse imene Elisa amadutsa kumeneko, ankayima ndi kudya.
9 Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.
Mayiyo anawuza mwamuna wake kuti, “Taonani, ine ndikudziwa kuti munthu amene amadutsa pano nthawi zambiriyu ndi munthu woyera wa Mulungu.
10 Haddaba waan ku baryayaaye aynu isaga derbiga uga samayno qol yar, oo halkaas u dhigno sariir, iyo miis, iyo kursi, iyo laambad; oo waxay ahaan doontaa markuu inoo yimaadoba inuu halkaas ku leexdo.
Tiyeni timumangire kachipinda kakangʼono pa denga la nyumbayi ndi kumuyikiramo bedi ndi tebulo, mpando ndi nyale. Akabwera kuno azikhala mʼmenemo.”
11 Oo waxaa maalin dhacday inuu halkaas yimid oo intuu qolkii ku leexday ayuu halkaas jiifsaday.
Tsiku lina pamene Elisa anafika ku Sunemu, iye anakalowa mʼchipinda chake chija nagona mʼmenemo.
12 Oo markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.
Iye anati kwa mtumiki wake Gehazi, “Muyitane Msunemuyu.” Ndipo anapita kukamuyitana mayiyo, ndipo anabwera nayima pamaso pa Elisa.
13 Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.
Elisa anati kwa Gehazi, “Muwuze mayiyo kuti, ‘Wavutika potichitira zonsezi. Nanga tsopano ifeyo tikuchitire chiyani? Kodi ukufuna kuti tikadziwitse mfumu kapena mtsogoleri wa ankhondo zimene watichitirazi?’” Mayiyo anayankha kuti, “Ine ndimakhala mwamtendere pakati pa abale anga.”
14 Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.
Elisa anafunsanso Gehazi kuti, “Kodi tingamuchitire chiyani?” Gehazi anati, “Ndithu, mayiyu alibe mwana ndipo mwamuna wake ndi wokalamba.”
15 Markaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.
Pamenepo Elisa anati, “Muyitane.” Choncho Gehazi anamuyitana, ndipo iye anabwera nayima pa khomo.
16 Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.
Elisa anati kwa mayiyo, “Nthawi ngati yomwe ino chaka chamawa, udzakhala utanyamula mwana wamwamuna mʼmanja mwako.” Mayiyo anatsutsa zimenezi nanena kuti, “Ayi mbuye wanga. Inu munthu wa Mulungu, musanamize mdzakazi wanu!”
17 Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.
Koma mayi uja anakhala woyembekezera, ndipo chaka chotsatiracho, nthawi ngati yomweyo anabereka mwana wamwamuna monga momwe Elisa anamuwuzira.
18 Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.
Mwana uja anakula, ndipo tsiku lina anapita kwa abambo ake amene anali ndi anthu odula tirigu.
19 Oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.
Mwanayo anafuwula kwa abambo ake kuti, “Mayo! Mutu wanga ine! Mayo! Mutu wanga ine!” Abambo akewo anawuza wantchito wake kuti, “Munyamule ndi kukamupereka kwa amayi ake.”
20 Oo markuu soo qaaday oo hooyadiis u keenay, tan iyo duhurkii ayuu jilbaha hooyadiis ku fadhiyey, dabadeedna wuu dhintay.
Wantchito uja atamunyamula ndi kumupereka kwa amayi ake. Mwanayo anakhala pa miyendo ya amayi akeyo mpaka masana, ndipo pambuyo pake anamwalira.
21 Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.
Mayiyo ananyamula mwanayo nakamugoneka pa bedi la munthu wa Mulungu uja. Kenaka anatseka chitseko iye nʼkuchokapo.
22 Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.
Iye anayitanitsa mwamuna wake namuwuza kuti, “Tumizireni wantchito mmodzi ndi bulu mmodzi kuti ndipite mofulumira kwa munthu wa Mulungu nʼkubwererako.”
23 Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.
Mwamuna wakeyo anafunsa kuti, “Chifukwa chiyani ukupita kwa iyeyo lero? Lero si tsiku la Chikondwerero cha Mwezi Watsopano kapena tsiku la Sabata.” Mayiyo anayankha kuti, “Zonse zili bwino.”
24 Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.
Mayiyo anamangirira chishalo pa bulu ndipo anawuza wantchito wake kuti, “Yendetsa bulu mofulumira. Usachepetse liwiro pokhapokha nditakuwuza.”
25 Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.
Choncho ananyamuka nakafika kwa munthu wa Mulungu uja ku Phiri la Karimeli. Munthu wa Mulungu ataona mayiyo patali, anawuza mtumiki wake Gehazi kuti, “Taona! Msunemu uyo!
26 Haddaba waan ku baryayaaye ku orod oo ka hor tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ma nabad qabtaa? Ninkaagiina ma nabad qabaa? Wiilkaagiina ma nabad qabaa? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waa nabad.
Thamanga msanga ukakumane naye ndipo ukamufunse kuti, ‘Kodi muli bwino? Kodi mwamuna wanu ali bwino? Kodi mwana wanu ali bwino?’” Mayiyo anayankha kuti, “Zonse zili bwino.”
27 Oo markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.
Atafika kwa munthu wa Mulunguyo pa phiripo, mayiyo anagwira mapazi a Elisa. Gehazi anabwera kuti amukankhe, koma munthu wa Mulungu anati, “Musiye! Iyeyu ali pa mavuto aakulu, koma Yehova wandibisira zimenezi ndipo sanandiwuze chifukwa chake.”
28 Markaasay tidhi, War ma Rabbigaan wiil ka doonay? Sow kuma aan odhan, War hay khiyaanayn?
Tsono mayiyo anati, “Mbuye wanga, kodi ine ndinakupemphani mwana? Kodi sindinakuwuzeni kuti musandinamize?”
29 Oo isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa.
Elisa anawuza Gehazi kuti, “Manga lamba mʼchiwuno mwako, tenga ndodo yanga mʼdzanja lako ndipo thamanga. Ngati ukumana ndi munthu wina aliyense, usamupatse moni, ndipo ngati wina akupatsa moni, usayankhe. Ukagoneke ndodo yanga pa nkhope ya mwanayo.”
30 Oo wiilkii hooyadiis waxay tidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasuu kacay oo raacay.
Koma mayi wake wa mwana uja anati, “Pali Yehova wamoyo ndiponso pali inu nomwe, ineyo sindidzakusiyani.” Choncho Elisa ananyamuka natsatira mayiyo.
31 Oo Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.
Gehazi anatsogola nakagoneka ndodoyo pa nkhope ya mwanayo, koma sipanamveke mawu kapena kugwedezeka kuonetsa kuti ali moyo. Choncho Gehazi anabwerera kukakumana ndi Elisa ndipo anamuwuza kuti, “Mwanayo sanatsitsimuke.”
32 Oo Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.
Ndipo Elisa atafika ku nyumbako, taonani, mwanayo anali wakufa atamugoneka pa bedi lake.
33 Sidaas daraaddeed guduhuu galay oo intuu labadoodiiba albaabkii ku xidhay ayuu Rabbiga baryay.
Elisa analowa mʼnyumbamo natseka chitseko. Anali awiri okha mʼchipindamo ndipo iye anapemphera kwa Yehova.
34 Markaasuu intuu kacay ayuu yarkii ku kor jiifsaday, oo afkuu afka u saaray, indhihiina indhuhuu u saaray, gacmihiina gacmuhuu u saaray; oo korkiisuu isku fidiyey; markaasaa yarka jidhkiisii soo diiray.
Kenaka anakwera pa bedi ndi kumugonera mwanayo, pakamwa pake panakhudzana ndi pakamwa pa mwanayo, maso ake anakhudzana ndi maso a mwanayo, ndipo manja ake anakhudzana ndi manja a mwanayo. Pamene ankadzitambalitsa yekha pa mwanayo, thupi la mwanayo linayamba kufunda.
35 Markaasuu noqday oo guriga dhexdiisii mar ayuu hore iyo dib ugu socday, oo intuu tegey ayuu haddana yarkii isku fidiyey, markaasaa yarkii toddoba goor hindhisay oo indhaha kala qaaday.
Elisa anatembenuka nayenda uku ndi uku kamodzi mʼchipindamo ndipo kenaka anakweranso pa bedi nagoneranso mwanayo. Mwanayo anayetsemula kasanu ndi kawiri ndipo anatsekula maso ake.
36 Markaasuu Geexasii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Tii reer Shuuneem u yeedh. Oo isna wuu u soo yeedhay. Oo markay gudaha ugu soo gashay ayuu ku yidhi, Wiilkaaga qaado.
Elisa anayitana Gehazi ndipo anati, “Muyitane Msunemuyo.” Ndipo anaterodi. Mayiyo atabwera, Elisa anati, “Tenga mwana wako.”
37 Markaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday.
Mayiyo analowa, nagwada pa mapazi a Elisa, naweramitsa mutu wake pansi. Kenaka ananyamula mwana wake natuluka.
38 Oo Eliishaa haddana wuxuu yimid Gilgaal; oo wakhtigaasna dalku abaar buu ahaa, oo isagana waxaa hortiisa fadhiyey qoonkii nebiyada ahaa; oo isna midiidinkiisii ayuu ku yidhi, Dheriga weyn dabka saar oo qoonka nebiyada ah maraq u kari.
Elisa anabwerera ku Giligala ndipo ku dera limenelo kunali njala. Elisa akukumana ndi ana a aneneri, anati kwa mtumiki wake, “Ika mʼphika waukulu pa moto ndipo uwaphikire chakudya anthu awa.”
39 Oo midba berrinka u baxay inuu khudaar soo guro aawadeed, oo wuxuu helay geed duureed, oo ubbodibadeedyona faraquu ka soo buuxsaday, oo intuu soo noqday ayuu dherigii maraqa ku googooyay, waayo, ma ay garanayn.
Mmodzi mwa ana aneneriwo anapita kuthengo kukafuna ndiwo ndipo anakapeza mpesa wakuthengo. Iye anathyolako zipatso zake nadzaza nsalu yake. Atabwerera, anazidula zipatsozo naziyika mu mʼphika, ngakhale kuti panalibe amene ankazidziwa.
40 Sidaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen.
Anawapakulira anthu chakudyacho, koma atayamba kudya, anthuwo anafuwula kuti, “Inu munthu wa Mulungu muli imfa mu mʼphikamu!” Ndipo sakanatha kudya chakudyacho.
41 Laakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag.
Elisa anati, “Bweretsani ufa.” Iye anathira ufa mu mʼphikamo ndipo anati, “Perekani chakudyachi kwa anthu kuti adye.” Ndipo mu mʼphikamo munalibenso zoopsa.
42 Oo nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii.
Munthu wina wochokera ku Baala-Salisa anabwera atamutengera munthu wa Mulungu malofu a barele makumi awiri opangidwa kuchokera ku zokolola zoyamba kucha, pamodzinso ndi ngala zatsopano za tirigu. Elisa anati kwa munthuyo, “Apatse anthu kuti adye.”
43 Markaasaa midiidinkiisii wuxuu ku yidhi, War waa sidee, ma intanaan boqol nin hor dhigaa? Laakiinse isagii wuxuu yidhi, Dadku ha cuneene sii; waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Way cuni doonaan, oo weliba wax bay reebi doonaan.
Mtumiki wake anafunsa kuti, “Kodi ndikachigawe motani chakudyachi kwa anthu 100?” Koma Elisa anamuwuzanso kuti, “Apatse anthu adye. Pakuti izi ndi zimene Yehova akunena kuti, ‘Iwo adzadya chakudyachi ndipo china chidzatsalako.’”
44 Sidaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.
Tsono iye anachipereka kwa anthuwo ndipo anadya china nʼkutsalako, molingana ndi mawu a Yehova.

< Boqorradii Labaad 4 >