< 2 Korintos 5 >

1 Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira. (aiōnios g166)
For we know that, if our earthly tent-habitation be destroyed, we have a building provided by God, a house not made with hands, everlasting, in the heavens. (aiōnios g166)
2 Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.
For while in this we groan, longing to be clothed upon with our habitation which is from heaven;
3 Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
since, indeed, when we have put off our present garment, we shall not be found naked.
4 Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
For we who are in this tent groan, being burdened; inasmuch as we do not desire to be unclothed, but to be clothed upon, that mortality may be swallowed up by life.
5 Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
Now he that hath prepared us for this very thing is God; who also gave to us the Spirit as the pledge.
6 Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
We have courage, therefore, always, and know that while we are at home in the body, we are absent from the Lord;
7 waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
for we walk by faith, not by sight; but we have courage,
8 Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
and are well pleased rather to be absent from the body, and to be at home with the Lord.
9 Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
Wherefore we also strive that, whether at home or absent, we may be approved by him.
10 Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
For we must all be made manifest before the judgment-seat of Christ, that each one may receive the things done in his body, according to what he did, whether good or bad.
11 Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
Knowing therefore the fear of the Lord, we persuade men; but to God we have been made manifest, and I hope have been made manifest in your consciences also.
12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
For we are not again commending ourselves to you, but giving you occasion to glory on our behalf; that ye may have somewhat to answer those who glory in outward appearance, and not in heart.
13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
For whether we were beside ourselves, it was for God; or whether we are in our sound mind, it is for you.
14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
For the love of Christ constraineth us, because we thus judged, that if one died for all, then all died;
15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
and he died for all, that they who live should no longer live to themselves, but to him who died for their sakes, and rose again.
16 Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
So that we henceforth know no one according to the flesh; and if we have even known Christ according to the flesh, yet now we no longer know him.
17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
Therefore, if any one is in Christ, he is a new creation; the old things have passed away; behold, all things have become new.
18 Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
And all things are from God, who reconciled us to himself by Christ, and gave to us the ministry of reconciliation;
19 taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.
seeing that in Christ God was reconciling the world to himself, not reckoning to them their trespasses, and having committed to us the word of reconciliation.
20 Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
We then are ambassadors for Christ; as though God were exhorting you by us, in behalf of Christ we entreat you, Be reconciled to God.
21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
Him, who knew not sin, he made sin for us, that we might become God's righteousness in him.

< 2 Korintos 5 >