< Taariikhdii Labaad 13 >

1 Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.
In the eighteenth year of king Jerobo'am became Abiyah king over Judah.
2 Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray.
Three years he reigned in Jerusalem: and his mother's name was Michayahu the daughter of Uriel of Gib'ah. And there was war between Abiyah and Jerobo'am.
3 Oo Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah.
And Abiyah joined the battle with an army of valiant men of war, even of four hundred thousand chosen men: Jerobo'am also set the battle in array against him with eight hundred thousand chosen men, being mighty men of valor.
4 Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.
And Abiyah stood up above mount Zemarayim, which is in the mountain of Ephraim, and said, Hear me, O Jerobo'am, and all Israel;
5 War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?
Ought ye not to know that the Lord the God of Israel hath given the kingdom over Israel to David for eternity, yea, to him and to his sons by a covenant of salts?
6 Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii.
But there rose up Jerobo'am the son of Nebat, the servant of Solomon the son of David, and rebelled against his lord.
7 Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.
And there were gathered unto him idle men, worthless persons, and put themselves in violent resistance against Rehobo'am the son of Solomon: while Rehobo'am was young and tender hearted, and could not sustain himself before them.
8 Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.
And now ye think to sustain yourselves before the kingdom of the Lord in the hand of the sons of David; and ye are a great multitude; and with you are golden calves, which Jerobo'am hath made for you as gods.
9 Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.
Have ye not cast out the priests of the Lord, the sons of Aaron, and the Levites, and have made yourselves priests like the people of the [various] lands? so that whosoever cometh to consecrate himself with a young bullock and seven rams can become a priest to things that are no gods?
10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira.
But as for us, the Lord is our God, and we have not forsaken him; and the priests, who minister unto the Lord, are the sons of Aaron; and the Levites are at their [appointed] work;
11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen.
And they burn unto the Lord burnt-offerings every morning and every evening and incense of sweet spices; and the rows of the show-bread [do they place] upon the pure table; and there is the candlestick of gold with its lamps, to light the same every evening; for we keep the charge of the Lord our God, while ye have truly forsaken him.
12 Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.
And, behold, with us at our head, is the [true] God, with his priests with trumpets for blowing the alarm, to sound an alarm against you. O children of Israel, do not fight against the Lord the God of your fathers; for ye will not prosper.
13 Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda.
But Jerobo'am caused an ambush to come around behind them: so they themselves were before Judah, and the ambush was behind them.
14 Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.
And when Judah turned round, behold, they had the battle before and behind: and they cried unto the Lord, and the priests blew with the trumpets.
15 Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.
And then gave the men of Judah a shout: and it came to pass, as the men of Judah shouted, that God struck down Jerobo'am and all Israel before Abiyah and Judah.
16 Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.
And the children of Israel fled from before Judah, and God gave them up into their hand.
17 Oo Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay.
And Abiyah and his people smote them with a great defeat, and there fell down slain of Israel five hundred thousand chosen men.
18 Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
Thus were the children of Israel humbled at that time: and the children of Judah became powerful, because they relied upon the Lord the God of their fathers.
19 Oo Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii.
And Abiyah made pursuit after Jerobo'am, and captured cities from him, Bethel with its villages, and Jeshanah with its villages, and 'Ephrayin with its villages.
20 Oo Yaaraabcaamna xoog dambe ma uu helin wakhtigii Abiiyaah noolaa, oo Rabbiga ayaa wax ku riday, wuuna dhintay.
And Jerobo'am did not recover strength again in the days of Abiyahu: and the Lord struck him, and he died.
21 Laakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood.
But Abiyahu became strong, and he took himself fourteen wives, and begat twenty and two sons, and sixteen daughters.
22 Haddaba Abiiyaah falimihiisii kale, iyo socodkiisii, iyo hadalladiisiiba waxay ku qoran yihiin kitaabkii Nebi Iddo.
And the rest of the acts of Abiyah, and his ways, and his speeches, are written in the writing of the prophet 'Iddo.

< Taariikhdii Labaad 13 >