< Taariikhdii Labaad 10 >

1 Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.
[南北分裂]勒哈貝罕去了舍根,因為全以色列人集合在舍根,要立他為王。
2 Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayuu ka soo noqday dalkii Masar (waayo, wuxuu joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay).
乃巴特的兒子雅絡貝罕,─為躲避撒羅滿王,曾逃往埃及,─一聽見這事,便從埃及回來,
3 Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,
有人派人去請了他來,他便和全以色列人前來對勒哈貝罕說:
4 War aabbahaa harqood daran buu na saaray, haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.
「你的父親使我們的負擔繁重,現在請你減輕你父親加給我們的苦役喊重軛,我們縩肯服事你! 」
5 Markaasuu ku yidhi, Saddex maalmood dabadood igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.
他回答他們說:「三天以後,你們再來見我。」人民都走了。
6 Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?
勒哈貝罕王同那些在他父親撒羅滿生時作臣僕的老年人商議,問他們說:「你們有什麼主意,叫我好答覆這些人民﹖」
7 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Haddaad dadkan u roonaatid, oo aad ka farxisid, oo aad erayo wanaagsan kula hadashid, markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.
他們回答說:「如果你今日善待這些百姓,使他們心悅,向他們說好話,他們必會常常服事你。」
8 Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.
但是,君王竟拒絕老年人給他出的主意,反去同那些與他一同長大,侍立在他面前的少年人商議,
9 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?
問他們說:「這些人民對我說:請你將你父親給我們加給我們的負擔減輕些。你們有什麼主意,好使我答覆他們﹖」
10 Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.
那些與他一同長大的少年人答說:「這些百姓曾對你說:你父親曾加重我們的負擔,請你給我們減輕些。你要這樣回答他們,這樣對他們說:我的小指比我父親的腰還粗;
11 Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa, oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
我父親曾加給你你們重擔,我更要加重你們的負擔;我父親用鞭子責打你們,我卻要用鐵刺鞭責打你們。」
12 Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.
雅洛貝罕和全人民照君王所說「你們第三天再來見我」的話,第三天來見勒哈貝罕王。
13 Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,
嚴厲答覆了人民;勒哈貝罕王拋棄了老年人的意見,
14 oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa, aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.
依照少年人的主張答覆人民說:「我的父親加重了你們的負擔,我更要加重;我父親用鞭子責打你們,我要用鐵刺鞭責打你們。」
15 Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan, waayo, taasu xagga Ilaah bay ka timid, si uu Rabbigu u adkeeyo eraygiisii uu Yaaraabcaam ina Nebaad kula hadlay oo uu u soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.
君王始終不肯聽從人民;這種轉變原是出於天主,為實現上主藉史羅人阿希雅論及乃巴特的兒子雅洛貝罕所說的話。
16 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.
全以色列人見王不肯依從他們,便回覆君王說:「我們與達味有什麼分子﹖我們與葉瑟的兒子毫無關係! 以色列! 回到你的帳幕去! 達味現在你只顧你本家罷! 」於是全以色列人都回了自己的帳幕,
17 Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.
只那些住在猶大城內的以色列子民,歸勒哈貝罕統治。
18 Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Hadooraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.
勒哈貝罕王派遣監管勞役的阿多蘭去見以色列,以色列子民卻用石頭將他砸死;勒哈貝罕王急忙上車,逃回了耶路撒冷。
19 Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.
這樣,以色列叛離達味王朝,直到現在。

< Taariikhdii Labaad 10 >