< 1 Tesaloniika 2 >

1 Waayo, walaalayaalow, waxaad og tihiin imaatinkayagii aannu idiin nimid inuusan noqon mid aan waxtar lahayn.
Domin ku da kanku kun sani, 'yan'uwa, cewa zuwan mu gareku, ba a banza yake ba.
2 Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna.
Kun kuma san yadda aka wulakantar damu, aka kuma kunyatar damu a Filibi, kamar yadda kuka sani. Muna nan kuwa da karfin zuciya cikin Allahnmu domin yi maku bisharar Allah cikin fama da yawa.
3 Waayo, waanadayadu kama iman qalad ama wasakh ama khiyaano,
Domin kuwa gargadinmu zuwa a gare ku ba gurbatacciya bace, ko cikin rashin tsarki, ba kuma ta yaudara bace.
4 laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.
A maimako, kamar yadda Allah ya amince damu, ya kuma damka mana amanar bishararsa, haka kuma muke yin magana. Muna maganar ba domin mu gamshi mutane ba, amma domin mu gamshi Allah. Domin shi ne yake gwada zuciyarmu.
5 Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.
Domin bamu taba yi maku dadin baki ba, ko sau daya, kamar yadda kuka sani, ko kwadayi a asirce, kamar yadda Allah shine shaidar mu.
6 Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa.
Bamu kuma nemi daukaka daga mutane ko daga gare ku ko kuma wadansu ba. Da mun so da mun mori ikonmu a matsayin manzannin Almasihu.
7 Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.
A maimakon haka, mun kaskantar da kanmu a tsakanin ku kamar yadda uwa take ta'azantar da 'ya'yan ta.
8 Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.
Don haka muna da kauna domin ku, ba bisharar Allahnmu kadai muke jin dadin yi maku ba, amma harda bada rayukan mu domin ku. Domin kun zama kaunatattu ne a garemu,
9 Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah.
Kufa tuna, 'yan'uwa, game da aikinmu da famarmu. Dare da rana muna aiki sosai domin kada mu nawaita wa kowane dayan ku. A lokacin da muke yi maku bisharar Allah.
10 Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.
Ku shaidu ne, haka ma Allah, yadda muka yi rayuwar tsarki da kuma adalci da rashin abin zargi a wajenku wadanda kuka bada gaskiya.
11 Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,
Don haka kun kuma sani yadda muka rika yi da kowannenku, kamar uba da 'ya'yansa, yadda muka yi ma ku garadi da kuma karfafa ku, mun kuma shaida.
12 inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.
Domin ku yi tafiya a hanyar da ta dace ga Allah, wanda ya kira ku zuwa ga mulkinsa da kuma daukakarsa.
13 Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.
Domin wannan dalili ne yasa muke yi wa Allah godiya a koyaushe. Domin a lokacin da kuka karbi maganar Allah daga wurinmu wadda kuka ji, kun karbeta da gaske ba kamar maganar mutum ba. A maimako, kuka karbeta da gaskiyarta, kamar yadda take, maganar Allah. Wannan kalma kuma ita ce ke aiki a cikin ku wadanda kuka yi bangaskiya.
14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,
Domin ku 'yan'uwa, kun zama masu koyi da ikilisiyoyin Allah da ke Yahudiya cikin Almasihu Yesu. Domim kuma kun sha wahala irin tamu daga wurin mutanen kasarku kamar yadda suma suka sha a hannun Yahadawa.
15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah.
Yahudawane suka kashe Ubangiji Yesu da sauran Annabawa, kuma Yahudawane suka koro mu, Basu gamshi Allah ba. A maimako, suna hamayya da dukkan mutane.
16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
Sun kuma haramta mana yin magana da Al'ummai domin su sami ceto. Sakamakon haka kuwa kullum suna cika zunubansu. Fushi kuma ya afko kansu daga karshe.
17 Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna;
Mu kuma, 'yan'uwa, mun rabu daku na karamin lokaci, a zahiri, ba a zuciya ba, mun kuma yi iyakar kokarinmu da marmarin ganin fuskarku.
18 waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday.
Domin mun yi maramarin zuwa gareku. Ni, Bulus, ba sau daya ba, amma Shaidan ya hanamu.
19 Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha?
To menene begenmu a gaba, ko murnarmu ko rawanin alfahari, a gaban Ubangijinmu Yesu a ranar zuwansa? Ko ba ku bane, da kuma sauran jama'a?
20 Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.
Don kuwa kune daukakarmu da kuma farin cikinmu.

< 1 Tesaloniika 2 >